Real Madrid Oo Markale Kooxda Espanyol Ku Gumaaday Bernabeu, Cristiano Ronaldo Oo Markale Saddexley Ka Dhaliyay Espanyol Iyo Los Blancos Oo Ka Soo Kabsatay Niyadjabkii Real Betis

0
Monday February 01, 2016 - 12:21:27 in Sports News by
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Markale Kooxda Espanyol Ku Gumaaday Bernabeu, Cristiano Ronaldo Oo Markale Saddexley Ka Dhaliyay Espanyol Iyo Los Blancos Oo Ka Soo Kabsatay Niyadjabkii Real Betis

    Real Madrid ayaa Santiago Bernabue ku gumaaday kooxda Espanyol waxayna Madrid guushan ku gaadhay 6:0 iyada oo Karim Benzema uu goolasha Madrid daah furay, Cristiano Ronaldo aya saddexley dhaliyay isaga oo laba kulan xili ciyaareedkan Espanyol 8 gool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa Santiago Bernabue ku gumaaday kooxda Espanyol waxayna Madrid guushan ku gaadhay 6:0 iyada oo Karim Benzema uu goolasha Madrid daah furay, Cristiano Ronaldo aya saddexley dhaliyay isaga oo laba kulan xili ciyaareedkan Espanyol 8 gool ka dhaliyay,

 James Rodguez ayaa isguna gool raacsaday halka goolka lixaad uu ahaa gool uu iska dhaliyay Óscar Esau Duarte Gaitán, waxayna Madrid hal dhibic ku soo yaraysay farqiga udhexeeya kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid balse Madrid ayaa wali afar dhibcood ka danbaysa Barcelona oo hogaanka La Ligaha haysa isla markaana uu kulan baaqi u yahay.

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda Espanyol, waxayna Real Madrid kulankan ay ciyaaraysa iyada oo 7 dhibcood ka danbasya kooxda hogaanka La Ligaha haysa ee Barcelona, sidaa daraadeed kooxda Zidane ayaa doonaysa in ay soo yarayso farqiga dhibcaha badan ee ay ka danbayso Barca, halka guul ay gaadho caawa ay laba dhibcood u jirsan doonto Ateltico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.Real

Real Madrid ayaa ku hamiyaysa in ay ka soo kabsato barbarihii ay kulankii hore la soo gaashay kooxda Real Betis, laakiin Los Blancos ayaa min shan gool ku badisay labadii kulan ee ay Madrid ku ciyaartay Bernabeu intii uu Zidane shaxda kooxda hayay, waxayna markale doonayaan in ay qaab ciyaareedkaa fiican sii wadaan.

Shixihii labada kooxood ee Kulankan:

Real Madrid:Navas; Ramos, Varane, Carvajal, Marcelo; Modric, Kroos; James, Isco, Ronaldo; Benzema

Kaydka: Kiko Casilla, Nacho, Casemiro, Vazquez, Kovacic, Jese, Danilo

Espanyol:Arla; Javi Lopez, Alvaro, Roco, Duarte; Diop, Victor, Jordan, Salva, Hernan Perez; Mamadou

Kaydka:Pau, Abraham, Montanes, Canas, Ciani, Fuentes, Duarte

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahyad mid dhinac kaliya ka socotay iyada Real Madrid xili horeba kala dhantaashay kooxda martida u ahayd ee Espnayol. Real Madrid ayaa 16 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay dhulka jiiday Espanyol iyada oo saddex gool oo deg deg ah shabaqeeda luqsiisay.

Daqiiqadii 3 aad Real Madrid ayaa markiiba ku dhawaatay in ay hogaanka la wareegto laakiin fursad fiican oo uu Ronaldo goolka furitaanka ku dhalin lahaa ayuu si fiican u badbaadiyay goolhayaha Espanyol ee Arla, laakiin goolka Madrid ayaan soo daahin waxaana daqiiqadii 7 aad gool qurux badan oo madax ah Madrid hogaanka ugu dhiibay Karim Benzema kaas oo ka faa’iideeyay koroos layaableh oo uu ka helay James Rodriguez, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Madrid hogaanka ku qabtay

.Benzema2Benzema

Dufaanta weerarka Los Blancos ayaa halkeeda ka sii socotay halka kooxdaEspanyol ay ku dhibtoonaysay kubbadaha quruxda badan ee ay ku xaragoonayeen James, Isco iyo Marcelo oo dabada ka soo riixayay weerarka Madrid, laakiin daqiiqadii 11 aad Real Madrid ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uuRoco uu qalad ku galay Ronaldo, waxaana markiisa fursad uu gool ku dhaliyo helay Cristiano Ronaldo kaas oo aan wax qalad ah ku samayn rekoodhahan, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Madrid hogaanka ku dheeraystay.Ronaldoo

Ma rumaysan kartid xamaasada iyo farxada ka muuqatay jamaahiirtii ka soo xaadirtay Santiago Bernabeu, Zidane ayaa bilaabay in uu dhoolo cadeeyay isla markaana uu kursiga kaydka si fiican u fadhiisto. Laakiin dadaalka ay Madrid ku doonaysay in ay ciyaarta ku disho ayaa sii socday, waxayna daqiiqadii 16 aad heshay goolka Espanyol niyada ka dilay , waxaana gool qurux badan oo Madrid u saxiixay James David Rodríguez kaas oo inta uu kubbada ka soo qaatay Luka Modrić darbo qurux badan goolkan ku dhaliyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Los Blancos hogaanka ugu raaxaysanayso.ZidaneJames

Espanyol ayaa dhawr jeer isku dayday in ay raadiso qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Real Madrid laakiin daqiiqadii 43 aad ayay heshay fursadii ugu qiimaha badnayd laakiin Salva Sevilla oo umuuqday in uu Espanyol u keentay goolka furitaanka balse goolhaye KeylorNavas ayaa fursadan iska badbaadiyay.

WAQTIGII CIYAARTA UGU MUDNAA: Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii ciyaarta ayaa noqday waqtigii ciyaarta ugu mudnaa kadib markii uuCristiano Ronaldo dos Santos kala dhantaalay difaacyada Espanyol isla markaana uu goolka afraad ee Madrid uu ku xaragooday, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:0 ay Madrid xili horeba ku xasuuqday Espanyol.Ronaldo

James Rodriguez ayaa kubbad kadaba tuuray Ronaldo laakiin kubbada uu James tuuray ayaa ku dhacday ciyaartoy Espanyol ah laakiin kubbada ayaa si fiican ugu hor dhacday Ronaldo, xidiga ree Portugal ayaa kala jeed jeediyay difaaca Espanyol ka hor intii aanu darbo xoogan oo uu lugta bidix ku tuuray ayna markii afaraad soo booqan shabaqa Espanyol, waxayna qaybta hore ku dhamaatay 4:0 ay Madrid xili horeba ku shaqaysatay.Ronaldo ayaa dhaliyay goolashiisii 17 iyo 18 ee La La Ligaha.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu tababaraha Espanyol shaxidisa uu ku sameeyay laba isbadal oo isaga oo ciyaarta soo galiyayRubén Duarte Sánchez iyo Salvador Sevilla López isaga oo ciyaarta badal uga saarayÓscar Esau Duarte Gaitán iyoJuan Rafael Fuentes Hernández.

Espanyol ayaa qaybta danbe soo laabtay iyada oo qaab ciyaareed fiican ku ciyaari karta isla markaana weeraro fiican samayn karta, daqiiqadii 55 aad ayay Espanyol soo qaaday weerar fiican waxaana darbo culus goolka Madrid ku tuurrayÓscar Esau Duarte Gaitán oo ciyaarta badal ku soo galay laakiin Navas ayaa kubbad dirqi iskaga celiyay.

Weerarkii Real Madrid ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa aad u yaraaday laakiin Benzema iyo Ronaldo ayaa lumiyay fursado fiican oo ay heleen. Laakiin daqiiqadii 73 aad Espanyol ayaa markale ku dhawaatay in ay shabaqa Madrid gaadho laakiin dadaalka Espanyol ayaa markale ku dhamaaday Navas.

Cristiano ayaa dhawr jeer ku dhawaaday in uu dhamaystiro saddexleyda uu doonayay in uu kulankan ka dhaliyo balse daqiiqadii 82 aad ayuuCristiano Ronaldo dos Santos dhamaystiray saddexleyda uu sida wayn u raadinayay isaga oo gool madax ah ku dhaliyay kubbad uu Jese Rodriguez uu si fiican u soo karoosay, waxayna markan ciyaartu nqootay 5:0 ay Madrid ku xasuuqyso Espanyol.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 19 aad ee uu Ronaldo xili ciyaareedkan ka dhaliyo horyaalka La Ligaha, waxaana goolasha Real Madrid soo gabagabeeyay gool uu si qalad ah kooxdiisa uga dhaliyay Óscar Esau Duarte Gaitán kadib markii uu Jese kubbad soo hormariyay waxayna ciyaartu ku dhamaatay 6:0 ay markale Madrid ku xasuuqday kooxda Espanyol.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip