Nin Ka Tirsan Kooxda Naasiga Cusub Ee Faafiyey Muuqaalka Dadkii Lagu Dilay New Zealand Oo La Maxkamadaynayo

0
Wednesday March 20, 2019 - 23:32:07 in Wararka by
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ka Tirsan Kooxda Naasiga Cusub Ee Faafiyey Muuqaalka Dadkii Lagu Dilay New Zealand Oo La Maxkamadaynayo

    Muwaadin u dhashay dalka New Zealand oo ka mid ah Kooxda Naasiga Cusub ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Chrischurch ee dalkaasi oo ah magaalladdii Jimcihii hore lagu xasuuqay dad Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayey 2 Maji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin u dhashay dalka New Zealand oo ka mid ah Kooxda Naasiga Cusub ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Chrischurch ee dalkaasi oo ah magaalladdii Jimcihii hore lagu xasuuqay dad Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayey 2 Majid oo ku yaalla isla magaalladaasi. Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Philip Arps oo 44-jir ah waxa lagu soo oogay 2 Fal-dembiyeed oo ku aadan isagoo baraha Bulsshadda ku faafiyey Muuqaalkii Video-ga ee uu Gacan-ku-dhiiglihii weerarka ka geystay Masjidka Al-nuur ee dalkaasi.

 
Eedeysanaha waxa uu labad dembi ee lagu soo oogay muteysan karaa xukun ugu badnaan 14-sanno oo Xabsi ah.

Garsooraha Maxkamadda waxa uu racfaan ka diiday Eedeysanahaasi ay madax-martay Cunsuriyadda, waxaana la amray in Xabsiga lagu sii hayo ilaa bisha April oo uu mar kale ka soo muuqan doono Maxkamadda.

Dhinaca kale, Eedeysannaha Philip Arps oo leh Shirkad daabacaad waxa uu horey uga soo muuqday Muuqaal Video oo sannadkii 2016-kii madaxyo Doofaar ama Qaansiir oo la soo dhigay isla Masjidka Al-nuur ee Jimcihii hore weerarka lala beegsaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip