Maamulka Gobolka Gedo oo beeniyay in ciidamada Dowladda ku lug lahaayeen weerarkii Ceelcadde

0
Monday February 01, 2016 - 11:07:24 in Wararka by
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Gedo oo beeniyay in ciidamada Dowladda ku lug lahaayeen weerarkii Ceelcadde

    Kadib markii Dowladda Kenya ay sheegtay inay shaki ka qabto in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ku lug leeyihiin dagaalkii ka dhacay Magaalada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Somaliya waxa ay ka hadleen eedey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii Dowladda Kenya ay sheegtay inay shaki ka qabto in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ku lug leeyihiin dagaalkii ka dhacay Magaalada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Somaliya waxa ay ka hadleen eedeymaha ka soo yeeray Kenya. Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka GedoMaxamed Xuseen Isaaq Al Qaadi, ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada Dowladda ku lug leeyihiin weerarkii Ceelcadde.

Wuxuu sheegay hadalka ka soo baxay Dowladda Kenya ee ay ku sheegtay inay shaki uga qabto in ciidamada Dowladda ku lug leeyihiin weerarkii Ceelcadde inuu yahay mid Kenya ay ku doonayso inay ku baneysato sii wadista Duqeymaha ay ka geysatay Gobolka Gedo.

Maxamed Xuseen Isaaq Al Qaadi, ayaa isweydiiyay inaysan jirin sabab ciidamada Dowladda Somaliya ay qayb uga noqdaan dagaalkaasi, maadaama ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ay leeyihiin hal cadoow, cadowgaasi oo ah Shabaab.

Isaga oo hadalka siiwata Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo, wuxuu tilmaamay Degmada Ceelcadde ee Gobolkaasi inay geynayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Guddi Dowladda Kenya ay u xilsaartay Baaritaanka ku aadan weerarkii Degmada Ceelcadde 15-kii Bishii dhamaatay ayaa sheegay inay shaki ka qabaan in ciidamada Somaliya dagaalkaasi ku lug lahaayeen, maadaama Barta Isgaarsiinta ciidanka Kenya ee Ceelcadde la jaray ka hor inta uusan weerarka dhicin.

Kenya ayaa ciidan badan looga laayay weerarkii cuslaa ee ka dhacay Degmada Ceelcadde, inkastoo ilaa hada Madaxda Kenya aysan shaacin tirada ciidamada looga dilay weerarkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip