HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 20KA MAARSO 2019-KA

0
Wednesday March 20, 2019 - 09:31:48 in Wararka by
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 20KA MAARSO 2019-KA

    GUDDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA XAMARWEYNE Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa waxaa uu Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Xamarweyne. Wareegto ka soo bax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEGMADA XAMARWEYNE Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa waxaa uu Guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Xamarweyne. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne loogu magacaabay in uu noqdo Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir,kaasi oo horey mar u soo noqday Guddoomiyaha degamdaasi. Cumar Shariif Jeeg Shaqa ayaa horey waxa uu u ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir,hayeeshee waxaa lagu sameeyay Shaqo joojin,waxaana Muddooyinkii dambe ay aheyd Guddoomiye la'aan. Sababta shaqadii looga joojiyay Cumar Shariif Jeeg ayaa aheyd,kadib markii uu u gafay maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya. MADAXWEYNAYAASHII HORE EE SOMALIA OO KA HADLAY DAGAALADA SH/DHEXE & GALGADUUD Madaxweynayaahsii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgalgaduud. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxaana uu ugu baaqay maamulada Galmudug iyo HirShabeelle inay u istaagaan joojinta dagaaladaas khasaaraha badan geystay. "Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay fiira gaar ah u yeeshaan kuwa maalgeliya colaadaha iyagoo ku riyoonaya in dadkoodu u aqoonsa doonaan iney yihiin halyeeyo beeleed isla markaasna illowsan ammarkii Alle iyo waxa aakhiro sugaya.Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxana uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo. "Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo tabasho ah ee u dhaxeeya

 


GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PUNTL AND OO KULAN ALBAABADU U XIRANYIHIIN LA QAATAY XILDHIBAANNADA

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe,kaddib muddo labo toddobaad ah oo uu booqasho ku joogay magaalada Jabuuti iyo caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa koowaad, ayaa suxufiyiinta u sheegay in muddadii labadda toddobaad ahayd ee uu ku sugnaa Jabuuti iyo Muqdisho inuu kulamo la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kullamada wuxuu sheegay inay la xiriireen danaha Puntland gaar ahaana Baarlamaanka, wuxuuna intaas kaddib kulan albaabadu u xiranyihiin la qaatay xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

Ilaa hadda ma jirto warbixin rasmi ah oo ka soo baxday kulanka, balse warar horudhac ah ayaa u sheegay HOL in guddoomiye Cabdixakiin Maxamed , uu warbixin ka siiyay xildhibaannada safarkiisa ,iyadoo sidoo kale la isla soo qaadday sida uu Baarlamaanka dib ugu billaabi lahaa kullamadiisa oo muddo hakad ku jiray.

HOOYADII DHASHAY MID KA MID AH ALSHABAABKII WEERARAY HOTELKA DUSIT D2 OO DAMIIN LAGU SII DAAYEY

Sakina Abdalla oo ah Maamadda dhashay Salim Ali Gichunge ayaa la sheegay in lagu sii daayey damiin lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

Dacwadoogayaasha waxay ku soo oogeen Hooyadaasi inay ku fashilantay inay Boliska u soo gudbiso warka ku aadan halka uu joogay Wiilkeeda, si looga hortago weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hoteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalladda Nairobi.

Boliska dalkaasi waxay rumeysan yihiin inuu Salim Ali Gichunge ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Hotelkaasi bishii Janaayo 15dii ee sannadkan.

Maama Sakina Abdalla waxay Maxkamadda ka codsatay in damiin lacageed lagu sii daayo inta laga gaarayo xilliga dib loo qaadi doono dhegeysiga dacwadeeda.

Madaxa Garsoorayaasha, Martha Mutuhu waxa uu amray inay bixiso lacag caddaan ah oo dhan hal million oo Shillinka Kenya ama ay bisixo damiin lacageed oo dhan 2 million oo Shillinka dalkaasi.

Waxa kale oo lagu amray inay Maxkamadda dhigto Baasaboorkeeda, inaysan la xiriirin Markhaatiyayaasha ku lug leh Kiiskeeda iyo inay bil kasta iska xaadiriso Boliska Ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ilaa inta dhegeysiga Kiiskeeda laga soo afjari doono.

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska Hooyadii dhashay mid ka mid ah Alshabaabkii weeraray Hotelka Dusit D2 ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono kahor bisha soo socota ee April 1da.

Xigasho: The Star, Kenya

ITU OO TABABARKII UGU HORREEYAY KU QABATAY SOOMAALIYA 30 SANO KA DIB

Muqdisho: Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa martigelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talogalay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14kii illaa 18kii Maarso 2019.

Axmed Boraud oo ah tababare caalami ah oo ka socday ITU ayaa ugu horreyntii sheegay in ujeeddada tababarkan uu yahay sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha sidii ay si habsami leh ugu isticmaali lahaayeen barnaamijkan arrimaha maareynta hirarka, isagoo intaasi ku daray in tababarkan uu diiradda saari doono shaqaalaha maamula hirarka noocyada kala duwan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md C/casiis Duwane Isaaq, ayaa sheegay in ay tahay fursad taariikhi ah in Machadka Isgaarsiinta Qaranku uu martigeliyo tababar ay soo qabanqaabisay ITU, taas oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii ka dhacay dalka, isagoo xusay in tallaabadani ay dhabbaha u xaari doonto barnaamijyo kale oo ay ITU ka fuliso dalkeena, laguna qabto Machadka.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu ku soo aaday waqti munaasab ah oo dalkeenu uu si buuxda u ceshtay xubinnimadii Ururka ITU, isla markaana uu yeeshay hay’ad maamusha arrimaha isgaarsiinta oo haatan ku hawlan nidaaminta qeybaha kala duwan.

Maareeyuhu wuxuu intaasi ku daray in tababarkan uu xoogga saaray in xogta ay ururisay Hay’adda Isgaarsiinta loo isticmaalo barnaamijkan, isagoo ku adkeeyay kaqeybgalayaasha inay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen tababarkan.

"Waxaan u mahadcelinayaa ITU, gaar ahaan Xafiisgoboleedka Carabta oo gacan ka geystay sidii barnaamijkan u qabsoomi lahaa. Waxaan rajeyneynaa in ITU ay naga caawin doonto tababarro badan oo noocan oo kale ah si aan u dhisno awoodda farsamo ee shaqaalaheena,” ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maareeyuhu.

TALIYE KUXIGEENKII CIIDANKA CIRKA SOMALIYA OO XALAY KU GEERIYOODAY MAGAALADA MUQDISHO

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya gaar ahaan Xerada Afasiyooni ku geeriyooday Taliye kuxigeenkii ciidanka Cirka Somaliya Maxamed Aadan Samatar.

Geerida Maxamed Aadan Samatar waxaa Shabakadda Dhacdo.com u xaqiijiyay Taliyaha ciidanka Cirka Somaliya, Maxamed Xuseen Nuur (Fanax) oo ka tirsan saraakiisha Millatariga iyo qaar ka mid ah ehelada Marxuumka geeriyooday.

Allaha unaxariistee Marxuum Samatar ayaa muddooyinkii dambe la xanuunsanayay xanuun dhanka Beerka ah, iyada oo dhawaan laga keenay dalka Hindiya oo arrimo caafimaad loogu qaaday.

General Maxamed Aadan Samatar oo sidoo kale ahaa Madaxii Saadka ee Ciidanka Cirka ayaa muddo badan ka soo shaqeeyay hawlaha ciidanka Cirka.

Taliyaha ciidanka Cirka Somaliya Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) ayaa marka hore Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyd iyo ehelada Marxuumka uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Maxamed Aadan Samatar.

"Dhaqaatiirta ayaa maalmo kahor waxay ii sheegeen in Maxamed aysan xaaladiisa fiicneyn, islamarkaana xaaladiisa aan waxba laga qaban karin, bacdamaa aan doonaynay inaan Turkiga geyno, Marxuumka wuxuu ciidanka ku soo biiray Sideetameeyadii, wuxuu ahaa nin aad uga adag shaqadiisa.” ayuu yiri Taliye Maxamuud Sheekh Cali.

Sida uu qorshaha yahay maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Maxamed Aadan Samatar oo ay walaalo ahaayeen Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo Axadii ka laabtay Muqdisho, isaga oo qeyb ka ahaa wafdigii Madaxweynaha Jabuuti ee todobaadkan booqashada ku yimid Somaliya.

CIIDAMADA AMMAANKA OO MUQDISHO KU QABTAY XUBNO KA TIRSAN AL SHABAAB

Hawlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18ka bishan ayaa waxay ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Al Shabaab.

Mid kamid ah labada nin ee la soo qabtay ayaa ka mid ahaa Maleeshiyaadka Shabaab u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ninka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabadgelyada guud ee dalka.

Ma jirto waxyeelo ka dhalatay hawlgalka lagu qabtay raggan ka tirsan kooxda Al Shabaab, waxaana ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baacsiga lagu hayo Mintidiinta Al Shabaab.

QAAR KA MID AH DADKII LAGU DILAY TOOGASHADII KA DHACDAY MASJID KU YAALLA NEW ZEALAND OO SAAKAYTO LA AASAY.

Ugu yaraan 2 Marxuum oo kala ahaa Aabe iyo Wiilkiisa oo ka soo jeeda dalka Syria ayaa saakayto lagu aasay Qabuuraha Memorial Park ee magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Aabaha oo lagu magacaabi jirey Mustafa Khaalid oo 44jir ah iyo wiilkiisa Xamsa oo 15jir ah waxay New Zealand yimaadeen 6 bilood ka hor, inta aan lagu dilay weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii hore ka dhacay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch.

Wiil kale oo qoyskaasi ka tirsan oo lagu magacaabo Zaayid oo 13jir ah oo isagana Toogashadaasi lugta looga dhawaacay ayaa joogay Qabuuraha, iyadoo lagu riixayey Baaskiiladda curyaaminta.

Muslimiin fara badan oo aad u tiiraanyeysan ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaaasadda iyo Aska Marxuumintaasi, waxayna dadku safaf dhaadheer u galeen sidii ay ciidda ugu rogi lahaayeen Qabriyadda Marxuumintaasi lagu asaay.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi ayaa sheegay in maydadka 27ka gelinka dambe ee maanta la aqoonsan doono, isla markaana lagu wareejin doono Qoysaskooda si ay u aastaan.

Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Labada Masjid ee Alnuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalkaasi waxaa lagu dilay 50qof, iyadoo tiro kalena lagu dhaawacay.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Christchurch waxay sheegeen inay 29 Muslimiin lagu dhaawacay Toogashadaasi wli lagu daaweynayo Ibsitaalka, iyadoo 8 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato

SHAQSIYAAD KA TIRSAN SHABAAB OO GACANTA LAGU DHIGAY

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18ka Bishaan ayaa waxa ay kusoo qabteen labo ruux oo ka tirsan AlShabaab sidda ay baahisay Warbaahinta dowladda.

Mid kamid ah Labada ruux ee lasoo qabtay ayaa AlShabaab u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan sidda Hay’addaha Ammaanka ay sheegeen.

Shaqsiga labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud ee dalka.

Ma jirto waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan AlShabaab sidda Baahisay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

SENATOR QEYBDIID OO KA HADLAY DAGAALLADA CADALE IYO XERAALE

Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka socda Cadale iyo Xeraale oo kala tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Shir Saxaafadeed uu shalay ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle looga fadhiyo in ay muujiyaan Mas’uuliyad, islamarkaana dadaal ku bixiyaan joojinta dagaalka.

Senetorka ayaa xusay in shalay dadka Soomaaliyeed ay qabaan dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana ay nasiib daro tahay in dagaal Beeleedyo ay ka socdaan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Beellaha dagaallamaya ayuu ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay yimaadaan miiska Wadahadalka.

SHIR LOOGA HADLAAYO KA HORTAGGA RABSHADAHA IYO TACADIYADA OO MUQDISHO KA FURMAY

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa shalay furay Shirka wadatashigga ah ee ku saabsan Fidinta adeegga cadaaladeed iyo doorka Nidaamka xeerka dhaqanka ee ka hortagga rabshadaha ka soo horjeeda xaquuqul insaanka iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana shirka garwadeen ka ah wasaaradda cadaaladda.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday dowlad goboleedyada Qareenada Jaamacadaha, Culimada, ururada haweenka iyo dhinacyo kale.

Ugu horeyn ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyay Muhiimadda Shirku xambaarsan yahay iyo ajandeyaasha labada maalin laga doodi doono, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya Dr Ismaaciil Jimcaale.

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay Shirkaan ayaa dood kulul ka dhiibtay habka ugu wanaagsan ee loo wajahayo ka hortagga tacadiyada Kufsigu ka mid yahay ee haweenka lagula kaco.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali daahir oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xafiiskiisu si adag uga shaqeynayo siddii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka, isla markaana meel wanaagsan uu hadda marayo.

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo si rasmi ah u furay Shirka wada tashiga ah ayaa sheegay in siyaasadda wasaaradda iyo guud ahaan dowladda ay tahay in meel looga soo wada jeesto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo guud ahaan mawaadiniinta Soomaaliyeed.

"Siyaasada wasaaradda waxaa ay tahay in meel looga soo wada jeesto arrinkaan tacadiyada haweenka waxaa la idinka rabaa inaad si aad ah uga doodaan arinkaas isla markaana ka soo saartaan go’aano rasmi ah oo lagu daro sharciga”ayuu yiri wasiirka Cadaaladda

MADAXWAYNE NURSULTAN OO ISCASILAY

Madaxwaynaha Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa iska casilay shaqadiisa kadib 29 sano oo uu ahaa Madaxweynaha dalkaasi.

"Waxaan go’aansaday in aan shaqadeyda Madaxweynimo soo Afjaro ” ayuu Nazarbayev telefishinka Qaranka dalkaasi ka sheegay.

"Sannadkan waxaan qaban doonaa shaqadii ugu sarreysay muddo 30 sano ah, dadku waxay i siiyeen fursadda ah in aan noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Kazakhstan oo madaxbannaan, Sida ku cad dastuurka dalka, KassimJomart Toqaev, afhayeenka baarlamaanka sare ee dalka ayaa hadda qaban doona madaxweynanimada, ayuu yiri Nazarbayev.

Nazabayev wuxuu sheegay in uu sii ahaan doono hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Nur Otan wuxuuna sii ahaan doonaa gudoomiyaha Golaha Ammaanka ee Madaxweynaha, kaas oo u ogolaan doona in uu sii haysto awoodaha muhiimka ah.

Nazarbayev, oo 78jir ah, ayaa Kazakhstan hogaamiyay tan iyo 1989kii, markii uu weli ka mid ahaa Midowga Soofiyeeti. Wuxuu awood u yeeshay inuu noqdo hogaamiyaha Xisbiga ee dalka Central Asia, kadibna waxaa loo doortay madaxweyne.

RW KHEYRE OO LA KULMAY SAFIIRRADA MIDOWGA YURUB EE SOOMAALIYA

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo qorshaynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Axmed Ciise Cawad iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa shalay kulan la qaatay safiirrada Muqdisho u fadhiya dalka xubnaha ka ah midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirrada ayaa ka wada hadlay joogtaynta taageerada midowga Yurub ee Soomaaliya , waxaana kulanka sidoo kale safiirradu ku boggaadiyeen horumarrada ay ku tallaabsatay dawladda Soomaaliya.

Kulanka dhex maray ra’iisul Wasaare Khayre iyo safiirrada dalalka Midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa safiirradii goob joogga ka ahaa danjirayaasha Austria, Belgium, Denmark, France, Finland, Germany, Ireland, Italy, Spain, Sweden, Netherlands iyo boqortooyada Ingiriiska.

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA DALKA JABUUTI OO SOO GAARAY MUQDISHO

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Shalay waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti kornel Cabdullaahi Cabdi,iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica), Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, Maxamed Aadan Koofi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada dowlada dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad (Ameerica) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada lagu soo tababaro wadamada dariska ah ay ugu taya badan yihiin, kuwa lagu soo tababaray wadanka Jabuuti.

Taliyaha Booliska Dalka Jabuuti ayaa Madaxda dowlada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay,isagoona inta uu ku sugan yahay Magaalada kulamo kala duwan la qaadan doono Saraakiisha sare ee dowladda Soomaaliya.

Bilowga todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho booqasho qaadatay laba maalmood ku yimid Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayay.

DOWLADDA TURKIGA OO CAMBAARAYSAY TOOGASHADII UU NINKA TURKISHKA KA GEYSTAY HOLLAND

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay si kulul u cambaareysay Toogashadii daraad ka dhacday magaalladda Utrechit ee Bartamaha dalka Holland ee lagu dilay 3 qof, kuna dhaawacmeen 9 kale.

Hadalqoraal oo ay Wasaaraddu soo saratay waxaa Tacsi loogu diray Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Toogashadaasi, waxayna Dowladda Turkiga sheegtay inay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda iyo Dadka Reer Holland.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta dalka Holland waxaa lagu sheegay in Ninka geystay Toogashadaasi u dhashay Turkiga, laguna magacaabo Gokmen Tanis, kaasi oo tacshiirad ku furay Tareen marayey Barxadda 24 October ee magaalladda Utrechit.

Eedeysanahaasi oo 37jir ah kuna dhashay gudaha dalka Turkiga waxaa habeen hore gacanta ku dhigay Boliska,kadib, markii la go’doomiyey Dhismo uu ku dhuumaalaysanayey.

Dhinaca kale, Saraakiil ka kala socda Dowladaha Holland iyo Turkiga ayaa la filayaa inay shalay kulan ku yeeshaan caasimadda Turkiga ee Ankara, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta Xiriirka labada dal iyo Iskaashiga

RA’IISUL WASARAHA ITOOBIYA OO SAFARKII UGU HOREEYEY KU TAGAY QATAR

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Shalay oo Talaado ah waxaa booqasho rasmia ah uga bilaabatay Magalada Doxa ee Wadanka Qatar halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Isgaarsiinta dalka Qatar Jassim Bin Saif Alsulaiti, waxana loo gelbiyey Madaxtooyada, isaga oo wadahadalo kula yeelan doona Madaxda dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa safarka uu Shalay ku tagay wadanka Qatar waxa uu yahay kii ugu horeyeeyey uu ku tago tan iyo markii xilka la wareegay Bishii Maarso sanadkii tegay ee 2018.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay Qatar ayaa lagu sheegay in uu Ganacsatada iyo dowladda Qatar uu kala hadli doono inay maalgashi ku sameystaan dalkiisa, sidoo kalena u qal qaaliyaan Maalgashi Caalami ah.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu sameeyey isbedelo dhinaca Gobolka ah,waxaana haatan xiriir wanaagsan uu la sameynayaa Wadanka Qatar, iyada oo ay xusid mudan tahay in Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani uu Addis Ababa Booqasho ku tegay Bishii April Sanadkii 2017.

GEORGE W BUSH”QAXOOTIGU WAA NAXARIIS

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush ayaa amaanay saameynta ay dadka soo galootiga ah ku leeyihiin waddankiisa, xilli uu khudbad u jeedinayay dadkii dhawaan la siiyay dhalashada Mareykanka.

George W Bush oo hadda 72 sano jir ah ayaa soo noqday madaxweynihii 43aad ee Mareykanka waxaana uu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2001dii ilaa 2009kii.

Isagoo hambalyo u jeediyay dadka cusub ee kusoo biiray muwaadiniinta Mareykanka ayuu sheegay in dalku uu mar walba u baahan yahay iyaga oo kale.

"Wakiillada la doortay ee Mareykanku waxay leeyihiin waajibaad looga baahan yahay inay ku sharciyeeyaan dadka soo galaya waddanka iyo kuwa ka baxaya. Iyadoo la waafaqayo mas'uuliyaddan waxay kaloo na xasuusineysaa in taariikhda dadka soo galootiga ah ee Mareykanka ay naga dhigtay waxa aan nahay shalay", ayuu yiri Bush.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iyadoo aan sharciga laga soo hor jeedsaneynin haddana qaxootigu ay yihiin dad horumar u horseeday Mareykanka.

"Xitaa annagoo og in culeys badan uu ka jiro dhinaca nidaamka, waa ineynaan waligeen illoobin in qaxootiga soo galaya uu yahay naxariis iyo awood dheeraad ah".

Siyaasigan rug caddaaga ah oo 2 jeer xilka madaxweynaha Mareykanka soo qabtay, ayaa sheegay in dadka muwaadiniinta ah badankood aysan garwaaqsanin in dadkan qaxootiga ah ay noqonayaan madaxda mustaqbalka.

Bush ayaa Isniintii ka hadlayay munaasabad qarameyn ah oo lagu qabtay machadka George W Bush ee magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Hadalka Mr Bush uu ka yidhi arrimaha soo galootiga ayaa loo arkay mid si weyn dhabar jab ugu ah maamulka madaxweyne Donald Trump, oo horay u qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo dadka qaxootiga ah ee galaya Mareykanka.

Donald Trump ayaa markii uu waday ol'olihiisa doorashadii madaxtinnimada ee 2016kii waxaa qodobadiisa ugu waaweyn ka mid ahaa in la hor istaago dadka qaxootinimada ku gala dalkaas.

Markii uu xilka qabtay ayuu soo saaray go'aanno lagu xakameynayo soo galootiga, iyadoo maamulkiisa uu xayiraad kusoo rogay dadka uga imaada dalalka qaarkood.

Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa hadda u xusul duubaya dadaal uu ku doonayo in darbi laga dhiso xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico, arrintaasoo la isku mari la'yahay sidii dhaqaalaheeda loogu qoondeyn lahaa miisaaniyadda Dowladda.

Isha: BBC

SHIRKA ASTEYNTA AWOODAHA HEERARKA DAWLADDA OO MUQDISHO KA FURMAY

Waxaa shalay magaaladda Muqdisho ka furmay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda, kaasi oo socon doona muddo sedex cisho ah oo ka bilaabaneyso 19 illaa 21ka bishan March 2019, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Wasiirka, Wasiir kuxiggeenka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiir kuxiggeenka Wasaaradda Shaqadda & Arrimaha Bulshadda, Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka, Guddiga Xuduudaha & Federaalka, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in laga talo geliyo bulshadda Soomaaliyeed wadaagista awoodda heerarka dawladda Federaalka, waxaana wasiirku ka codsaday dhammaan ka soo qeybgalayaasha in ay talo ka bixiyaan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu habboon oo ay kala lahaan doonaan heerarka dawladda, ha ahaado heer Federal ama heer dowlad goboleed.

"Waxaa la idin horkeeni doonaa oo aad ka shaqeyn doontaan, talana ka bixin doontaan "Waa maxay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon ee loo xilsaarayo heerarka dowladda ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed” Sidaas waxaa yiri Wasiir Sabriye

Gunnaanadka Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro natiijada talabixinta ka soo qeybgalayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

BAARIS LAGU WADO SABABTA KEENTAY WEERARKII UTRECHT

Mas’uuliyiinta dalka Netherlands ayaa weli isku dayaya inay go’aamiyaan sababta ka dambeysay toogasho daraad ka dhacday meel tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada Utrecht.

Toogashadaas ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, ayada oo shan kale ay ku dhaawacmeen.

Saacado kadib toogashada ayaa boolisku waxa ay xireen 37 jir u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokmen Tanis.

Ra’iisul wasaraaha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inaan meesha laga saari karin in weerarku ahaa "fal argagixiso”, halka wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ay werisay in qoyska Tanis ee dalka Turkiga ay sheegeen in toogashada laga yaabo inay ka dhalatay muran qoys.

Dacwad ooge Dutch ah ayaa sheegay in eedeysanaha horey loogu xiray dalka Netherlands, hase yeeshee ma uusan bixin wax faahfaahin ah.

Waxaa aad loo adkeeyey amniga garoomada diyaaradaha iyo masaajiddada dalka Netherlands. Iskulladda magaalada Utrecht ayaa sidoo kale la xiray, waxaana dadka lagu waaniyey inay guryahooda ku nagaadaan.

Utrecht waa magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Netherlands, waxaana ay can ku tahay kanaalada biyaha iyo arday tiro badan. Rabshadaha hubka ayaa ah kuwa naadir ka ah Utrecht, iyo sidoo kale guud ahaan Netherlands.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KUL MAY EHELADA CAASHA ILYAAS AADAN

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

dani-500x281Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah Caasha Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yaryar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibroqaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

DOWLADDA SWEDEN OO MAGANGELYO QAXOOTINIMO SIINAYSA MUSLIMIINTA KU DHIBAATAYSAN

Sida lagu soo daabacay WebPageka Hay’adda Socdaalka ee dalka Sweden waxay Dowladda ballan qaaday inay Qaxootinimo siinayso Muslimiinta ka imaanaya Gobalka Shinjiyaan ee dalka Shiinaha iyo xubnaha kale ee Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Qoraalka lagu shaaciyey arrintaasi waxaa lagu sheegay inay dib u eegi doonaan Magangelyodoonayaasha ka imaanaya Gobalkaasi una aqoonsan doonaan Qaxooti.

Codsiyadda Muslimiinta ku dhibaataysan Shiinaha waxaa la sheegay in si toos ah loo aqbali doono, isla markaana aan marnaba la masaafurin doonin.

Tallaabadaasi ayaa u muuqata inay Tusaale fiican u tahay dalalka kale ee Reer Galbeedka, si ay u qaabilaan dadka Muslimiinta ee lagu dhibaateeyo gudaha dalka Shiinaha.

Dhinaca kale, Warbixin ka soo baxday Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in ka badan hal million oo Muslimiint ah lagu hayo Xerooyin ku yaalla Shiinaha, lana mamnuucay in Diinta Islaamka lagu barto Gobalka Shiinjiyang.

 

Warbixin kale oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay inay Dowladda Shiinaha qaaday Olole ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, isla markaana ay si xun ula dhaqanto Muslimiinta, oo loo geysto Xarigwadareed, jirdil iyo tacadiyo kale.

MUWAADIN SOMALICANADIAN KU XIRNAA KENYA OO DIB UGU LAABTAY KANADA

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/kariim Guuleed ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay magaalladda Toronto ee Gobalka Ontario ee dalka Kanada, kadib, markii lagu sii daayey Xabsi ku yaalla Nairobi.

Dukumentiyo Maxkamadeed ayaa muujinaya in C/xakiim Guuleed si shuruud la’aan ah looga sii daayey Xabsiga Nairobi bishii la soo dhaafay ee Feberaayo 9da, isagoo 3 isbuuc ka hor dib ula midoobay Qoyskiisa oo deggan Deegaanka Etobicoke ee duleedka Toronto.

C/xakiim Guuleed waxa uu ka mid ahaa dadkii Soomaalida ee lagu xiray Nairobi, kadib, weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hoteelka DusitD2 bishii Janaayo 15dii ee sannadkan, kaasi oo ay 21 qof ku geeriyootay.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Caalamka ee dalka Kanada ayaa xaqiijisay in Muwaadinkaasi dib ugu laabtay Kanada, kadib, markii lagu xiray Kenya, isla markaana ay siiyeen taageeradda Adeegga Qunsulliyada si lo osii daayo.

C/xakiim Guuleed oo 46jir ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay shaqadiisa ahayd Dareewal kaxeeya Gaadiidka Xamuulka ee Iskarogaha.

Sannadkii 1992kii ayu utegay Kanada, wuxuuna qaatay Dhalashadda dalkaasi, isagoo in muddo ah ku shaqeynayey Dareewalnimadda Gaadiidka Xamuulka

Xigasho: CBS News.

HOWLGAL BURBURIN AH OO LAGA SAMEEYEY MAGALADA GAROOWE

Dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ayaa bilaawday howlgal lagu bur burinayo wadooyin sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada si sharcidarro ah loo hdistay.

dani iyo ehelka caash

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyey dhismooyin ku yaallay Xaafada Wadajir ee Magalada Boosaaso, kuwaas oo Dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ay sheegtay inay sharcidarro ahaayeen.

Xoghayaha dowladda Hoose ee Magalada Garoowe Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in dowladda Hoose furidoonto meel kasta oo si sharci darro ah loo xirtay, isla markaana dadwaynaha ugu baaqay inay ka waan toobaan arimaha noocaas ah.

Horay ayaa dowladda Hoose ee Magalada Garoowe waxaa ay digniin uga soo saartay dadka laamiyada Magalada Garoowe qaarkood ku dhisaya waxa loo yaqaano Askari jiifa si gawaarida aysan xoog ugu socon.

TALIYAHA BOOLISKA OO DHALIILAY CIIDAMADA AY TABABARAAN KENYA & UGANDA

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dowladda jabuuti ay Soomaaliya u tababartay Ciidamo Boolis ah oo ay tiradooda gaareyso 2,600, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga dalka.

Waxa uu sheegay taliye Bashiir in Ciidamada ay tababartay dowladda jabuuti in ay ka howlgallaan Magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka, sigaar ah deegaanada laga saaray Ururka AlShabaab.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada ay tababaraan dowladaha Uganda iyo Kenya ay ka taya iyo tababar fiican yihiin kuwa ay tababarto dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.





 

 

 

 

 

 

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan yihiin calaamadaha ganacsiga ee:


 
CTBAT International Co. Limited,a company incorporated under the laws of Hong Kong of 29th Floor, Oxford House, Taikoo Place, 979 King's Road, Island East, Hong Kong
​

 

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:


 
Sigaarka; tubaako, qashin ama la soo saaray; ku duub tubaakadaada; sigaarka tubaakada; alaabta tubaakada; beddelka tubaakada (maaha ujeedo caafimaad); sigaarka; cigarillos; nalalka sigaarka; nalalka sigaarka; cayaaraha; qoraallada sigaarka; warqadda sigaarka; tuubooyinka sigaarka; santuuqa sigaarka; qalabka jeebka ee sigaar-cabista; mishiinka gacanta lagu hayo ee tubaakada isku mudda tuubada waraaqda; siga elektarooniga ah; dareeraha sigaarka elektarooniga ah; alaabta tubaakada loogu talagalay ujeedada kuleylka.

 


 
OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip