SAWIRO:-Shan Cutub oo ka tirsan Dastuurka KMG oo la wareejiyey

0
Tuesday March 19, 2019 - 22:46:29 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Shan Cutub oo ka tirsan Dastuurka KMG oo la wareejiyey

    Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee Dastuurka KMG ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan lagu wareejinayay shanta cutub ee Dastuurka KMG ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn Kulanka ka sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay Wada xaajood kaga soo yeeshaan.


Muumino Sh. Cumar Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in shanta Cutub ee lagu wareejiyay ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayaan.

Sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gaba gabada uu marayo Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay dhawaana ay bilaabayaan wacyi galinta iyo la tashiga bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada iyo degmooyinka dalka.

Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay waxaa horay loo dhamaystiray oo la gudbiyay 10 Cutub, iyadoo haatana shantii ugu danbaysay maanta la gudbiyay, iyadoo hada ka dib ay bilaabanayso wacyi galin iyo in la horgeeyo baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip