Arday Dhowr Qof Ku Dhaawacay Dugsi Ku Yaalla Norway

0
Tuesday March 19, 2019 - 21:44:52 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Dhowr Qof Ku Dhaawacay Dugsi Ku Yaalla Norway

    Arday ku hubeysnaa sida la sheegay Fargeeto ayaa waxa uu dhowr qof ku dhawaacay Dugsi ku yaalla Bariga magaalladda Oslo, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi. Wiilkaasi oo wax barta Dugsiga Brynseng School waxaa la sheegay inuu dhaawacay Macallin iyo 3

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arday ku hubeysnaa sida la sheegay Fargeeto ayaa waxa uu dhowr qof ku dhawaacay Dugsi ku yaalla Bariga magaalladda Oslo, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi. Wiilkaasi oo wax barta Dugsiga Brynseng School waxaa la sheegay inuu dhaawacay Macallin iyo 3 ka mid ah Shaqaalaha Dugsigaasi. Sarkaal Boolis oo lagu magacaabo Arve Røtterud ayaa u sheegay Wargeyska Dagbladet inay Dhibanayaasha la xanuunsan yihiin dhaawacyo fudud oo ka soo gaaray Fargeetadda lagu dooxay. Booliska waxay u sheegeen Wakaalladda Wararka Norway ee NTB in dhamaan Shaqalihii la dhaawacay loo qaaday Isbitaalka, isla markaana ay xaalladooda tahay mid deggan.

 
Taliyaha Booliska magaalladda Oslo, Sven Christian Lie waxa uu sheegay inay qaadeen baaritaan, isla markaana ay Goobjoogayaasha wax ka weydiinayaan dhacdadaasi.

"Waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah, waana la xiray. Wax badan kama sheegi karo heerka Fasalka uu dhigto. Waxaa lagu xiray gudaha Dugsiga” ayuu sii raaciyey Taliyaha Boliska caasimadda Norway ee Oslo.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda ujeedada ka dambeysay weerarkaasi la sheegay in loo adeegsaday Fargeeto, balse warar kale waxay sheegeen inuu Ardaygu Tooreey ku dhaawacay Macallinka iyo saddex xubnood ee ka tirsan shaqalaaha Dugsiga Brynseng School.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip