Madaxweynayaashii hore ee Somalia oo ka hadlay dagaalada Sh/Dhexe & Galgaduud

0
Tuesday March 19, 2019 - 21:42:30 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaashii hore ee Somalia oo ka hadlay dagaalada Sh/Dhexe & Galgaduud

    Madaxweynayaahsii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgalgaduud. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaahsii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen dagaalada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgalgaduud. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxaana uu ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle inay u istaagaan joojinta dagaaladaas khasaaraha badan geystay.

"Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay inay fiira gaar ah u yeeshaan kuwa maalgeliya colaadaha iyagoo ku riyoonaya in dadkoodu u aqoonsa doonaan iney yihiin halyeeyo beeleed isla markaasna illowsan ammarkii Alle iyo waxa aakhiro sugaya.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa cambaareeyey dagaaladaas,waxana uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

"Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya.

Wararka laga helayo deegaanada Xeraale iyo Buurdheere ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu maanta ay tahay mid degan,hayeeshee weli ay ishor-fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip