HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 19-KA MAARSO 2019-KA

0
Tuesday March 19, 2019 - 11:04:54 in Wararka by
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 19-KA MAARSO 2019-KA

    CIIDAMADA DOWLADDA OO DIB ULA WAREEGAY DEGMADA BALCAD Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana halkaasi ka dhacay dagaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIIDAMADA DOWLADDA OO DIB ULA WAREEGAY DEGMADA BALCAD Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah qaatay. Al-Shabaab ayaa degmada Balcad xalay kasoo weeraray Saddex jiho oo kala ah laba wado oo jaay ah kana timaada dhinaca degmada Afgooye iyo wada ka timaada dhinaca degmada Jowhar halkaas oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad,waxana dagaalkii halkaasi ka dhacay kula wareegeen degmada Balcad. Majirin khasaaro ka dhashay dagaalkaas marka laga reebo hal qof oo Shacab ah oo dhaawac fudud uu soo gaaray,waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay guud ahaan la wareegeen degmada,isla markaana Saldhiga degmada Balcad oo Maxaabiis ku xirneyd ay siidaayeen, Xarunta degmada iyo Xarunta taliska Ciidanka Nabadsugida degmada Balcad. Degmada Balcad oo ka kooban laba qeybood ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen inta ugu badan degmada,waxaana qeybta kale ee degmada Balcad oo ay ku taallo Warshadii hore ee dharka ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,kuwaas oo intii uu dagaalka socday hoobiyeyaal ay ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada wallow aysan geysan wax khasaaro ah. Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa Risaala waxa ay u sheegeen in Al-Shabaab ay gudaha degmada Balcad ku gubeen Gaari uu lahaa Xildhibaan Xasan Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Gaari uu lahaa Agaasimaha Radio Balcad oo lagu Magacaabo Cabdi Xakiin Xuseen Islow sidoo kale Al-Shabaab waxa ay gubeen Gaari iyo Dukaan uu lahaa Nin lagu Magacaabo Aw-Daahir oo ah Madaxa Shatiyada Gaadiidka degmada Balcad. Abaara 12:00 Habeenimo ayaa Al-Shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo mudo saacado ah ay heysteen waxaana dib ugu soo laabtay ciidamada dowladda oo markii hore isaga baxay. A-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkii xalay ee degmada Balcad ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladd.

19-KA MAARSO 2019-KA HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 19-KA MAARSO 2019-KA

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO KA HADLAY CABASHADA CIIDAMADA

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagneyd cabasho ku aadan in ciidamada Dowladda Soomaaliya aysan dhowr bilood qaadan wax mushaar ah,waxaana jirtay in ciidamada qaar ay kasoo baxeen fariisin ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabayay cabashadaas ayaa sheegay in Ciidan aan lasiin mushaar aysan jirin marka laga reebo ciidamada qaar oo dowladda ay tirakoob ama diiwaanglin ku heyso.

Waxa uu sheegay in askari walba oo ka tirsan ciidamada Dowladda ee la diiwaangeliyey uu heli doono musharaakiisa,waxaana taliyeyaasha ciidamada uu ka dalbaday in ay geeyaan Ciidamada harsan goobaha diiwaangelinta si ay xaquuqdooda u helaan.

"Waxaan rabaa in aan ku heshiino in lacagta loo qorsheeyay ciidamada inay gaarto oo aan dhexda laga bixin saraakiisha lacagta lagu aaminay ay sideey tahay u bixiyaan,waxaan rabnaa askari walba ee la diiwaangeliyey ee aan dalka u Shagqeyn iyo kan dalka u Shaqeeya inaan kala duwno ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Kheyre.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa daba socday xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay sheegayeen cabasho ku aadan in mudo dhowr bilood ah aysan qaadan mushaarkooda,hayeeshee Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in askari walba ee Shaqeeya uu xaquuqdiisa uu heli doono.

XILDHIBAANO KA TIRSAN AQALKA SARE OO DIGNIIN KA SOO SAARAY DAGAALKA DEGMADA CADALE

Waxaa isasoo taraya baaqyada kala duwan ee loo jeedinayo maleeshiyo beeleedka ku dagaalamaya Tuulada buurdheere oo hoostagta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe

Senator Muuse Suudi Yalaxow Senator Prof. Cismaan Maxamuud iyo Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf ayaa Maana waxaa ay siwadajir ah uga hadleen dagaal beeleedka Khasaaraha geystay ee ka dhacay tuulooyin hoostaga degmada Sanoterada.png                                                                                                                                     Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shir Jaraa’id ay ku qabteen Magalada Mu qdisho ayaa waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas,isla ma rkaana wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Waxa ay wax laga xumaado ku tilmaam een dagaal beeleedyada xilligaan kasoo cusboonaaday tuulooyin hoostaga de gmada Cadale,kuwaas oo ah kuwa soo la ab laabtay,waxaana ay sheegeen in sil qaldan loo maray xalinta dagaal beeleed yadaas.

Si kastaba dagaal beeleedka ka dhacay tuulada Buurdheere oo hoostaga degma da Cadale ee Gobolka Shabee llaha dhe xe ayaa waxaa ku geeriyooday in ka bad an 10 ruux halka ku dhawaad 20 ay ku dhaawacmeen.

DIB U DHIS BALAARAN OO LAGU SAMEEYAY GAROONKA DIYAARADAHA JOWHAR

Iyadoo in muddo ah uu burbur ka mu uqday garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa lagu guuleystay in we jigii koowaad ee dib u dhiska garoonkaasi la soo geba gebeeyo,kadib dadaal uu sa meeyey maamulka garoonkaasi.

Maareeyahaha cusub ee garoonka Di yaarad aha magaalada Jowhar Mukhtaar Abuukar Macalin oo u waramayay wakaal adda Wararka SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha dib u dhiska ay ka sa meynayaan garoonkaasi.

Mukhtaar Abuukar Macalin wuxuu she egay in ay ku guuleysteen intii koobneyd oo uu xafiiskaasi joogay dhismaha qeybo badan oo garoonkaasi ka mid ah sida xa fiis uu ku shaqeeyo,xarumo martida ay ku nastaan iyo xarumo kale,balse wuxuu she egay in weli ay jirto baahiyo loo qabo hor umarinta iyo dhameystirka dhismaha gar oonkaasi diyaaradaha ee Jowhar.

"Intii aan joognay waxaan ku guuleysa nay in aan soo geba gebeyno wejigii 1aad ee dib u dhiska garoonkaasi ,wax aan hirgelinayay xafiisyo lagu shaqe eyo,meelo lagu nasto,balse waxaa loo baahanyahay xarun loogu talagalay in shirarka lagu qabto,taasina waxaan ka su geynaa dhameystirka DFS iyo maamulka Hirshabeele,ayuu yiri maareye Mukhtaar Abuukar Macalin.

Wuxuu uga mahadceliyay ganacsat ada M/Jowhar oo kalin dhiirogelin ah ka qaatay dib u dhiska garoonkaasi diyaarad aha,isagoona sheegay in ay rajo wan aagsan ka qabaan sidii dhameystiri lahaa inta ka dhiman.

CIIDANKA PUNTLAND OO DIB UGU LAABAN AYA BUURALEYDA GALGALA

Ciidamo isugu jira boolis iyo daraawiish oo ka tirsan maamulka Puntland ayaala gu wadaa in dib loogu celiyo deegaan no ay ka soo baxeen oo ku yaalla Buuraley da Galgala ee gobolka Bari.Saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa sheegay in ciidamadani oo haatan ku sug an deegaa nka Jimbac dib loogu celinayo fariisimihii ay soo baneeyeen. Sidoo kale na waxa ay intaasi ku dareen in la xaliyay tabasho dhinaca mushaarka ah oo ay qabeen.

Dhankiisa Wasiirka wasaaradda Xana anada Xoolaha. Puntland Siciid Cismaan Aadan oo kulan gaar ah la qaatay ciidan kani ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siin doono xuquuqdooda , isl amarkaana la daryeeli doono.

Sabtidii la soo dhaafay ayey ahey markii ay ciidankani dib uga soo baxeen deega anada Buuraleyda Galgala ee G/ Bari, wa xaana fariisimihii ay soo baneeyeen la geeyay ciidamada loo yaqaano PMP iyo PSF ee isla maamulka Puntland.

DIYAAR GAROOWGA SHIRKA CAALAMIGA EE WAXBARASHADA SOOMAALIYA OO SOCDA

O;p Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka wax barashada iyo Tacliinta sare ee XFS Xildh ibaan Abdullahi Goodax Barre, oo ay qa yb ka yihiin xoghayaha joogtada ah ee xa fiiska Ra’iisul wasaaraha, xubno ka socda wasaaradaha arrimaha dibadda iyo waxb arashada ayaa caasimadda Kuwait kula kulmay wasiirka Waxbarahada iyo Tacliin ta sare ee dalka kuwiet, Hamed Al Azemi

Kulanka ay yeesheen wasiirrada waxbar ashada ee dalalka Soomaaliya iyo Kuwait ayaa lagu falanqeeyay hannaanka uu u qabsoomayo shir caalami ah oo arrimaha waxbarashada Soomaaliya looga hadlayo kaas oo gar-wadeen ay ka tahay dawla dda Kuwait.

Wadfiga dawladda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay aragtida Soomaaliya ee ku aadan hannaanka qabanqaabada shirkaas oo muhiim u ah horumarinta wa xbarashada dalka oo aasaas u ah hagaaj inta mustaqbalka ummadda Soo maali yeed. Wafdiga uu hogaaminayo was iirka waxbarashada iyo tacliinta sare XFS iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee Kuwait ku sugan ayaa maalinta berri kulamo dhe eraad ah la qaadanaya guddi ay dawlad da Kuwait u magacaawday diyaarinta shir ka caalamiga ah ee waxbarashada Soom aaliya oo Kuwait lagu qabanayo daba ya aqada sannadkaan 2019, ayna kasoo qa yb gelayaan deeq-bixiyaasha.

Dawladda Soomaaliya oo ay ka go’ant ahay in bulshada Soomaaliyeed hesho waxbarasho tayo leh, ayaa xoogga saara ysa hannaankii shirkaas ay uga soo baxi lahayd natiijo wanaagsan oo kaabay sa dadaallada loogu jiro horumatinta iyo hag aajinta waxbarashada dalka guud ah aan si dadka Soomaaliyeed ay aduunya da int eeda kale kula tartamaan aqoon iyo cilmi.

KHADAR OO GUDOOMIYAY SHIRKA TUBTA HORUMARINTA BULSHADA

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Md .Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khad ar), ayaa shalay guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka Golaha Wasi irrada ee ku jira Tubta horumarinta

arrimaha bulshada.

Kulanka tubta horumarinta arrimaha bul shada ayaa shalay looga hadlay Qorsh aha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, hor umarinta shaqaalaha dawladda iyo siy aasadda isbedelka cimilada Soomaaliya.

Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo ar rimaha Diinta ayaa shirka shalay ee tub ta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qor shaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta.Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah, Has san Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay la badii bilood ee lasoo dhaafay ku samee yeen hannaanka ay shaqaalaha dawlad du u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa.

Dood dheer kadib, ayaa Tubta horu marinta arrimaha bulshadu waxa ay ogol aatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaa laha iyo hannaanka shaqa galkooda.

Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Ci miladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka daw laddu u wajahayso isbedelka cilmada.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arri maha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah horu marinta hab-racyada, Istaraatiijiyad da iyo sharciyada lagu horumarinayo ade egyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

GANACSADE SOMAALIYEED OO LAGU DILAY KOOFUR AFRIKA.

Koox hubeysan ayaa shalay waxaa ay muwaadin soomaliyeed ay ku dileen Dalka Koofur Afrika. Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Tuulo hoostagta M/ Cape Town dalka Koofur Afrika.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abuukar Cilmi Juuni, oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee ku nool Dalka Koofur Afrika.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo ba xay hay’adaha amaanka ee dalka koofur afrika.Mudooyinkii dambe waxaa kordhay dilalka loo geysanayo ganacsat ada soom aaliyeed dalka Koofur Afrika.

HAMBALYO AQAL FARXAD LEH

Aabbe Xaji Xuseen Culusoow, Raage X. Xuseen Culusoow,Qaali X.Xuseen Culus oow,Fartuun X.Xuseen Culusow, Shu kri X.Xuseen Culusoow, Najiib Cali Cumar, Faadumiin Najiib Cali, Maxamed deeq Najiib Cali, Mukhtaar MuxiddiinSh Mukht aar,Deeqo Muxud diin Sh Mukhtaar, Saf iyo Muxuddiin Sh. Mukhtaar, Xamso Mux uddiin Sh.Mukhtaar,Sahro Muxuddiin Sh. Mukhtaar, Madiino Ax,ed Jicaale, Sh. Cali Cumar Maxamuud, Nuurta Cali Cumar, Nasro Cali Cumar,Nuuraddin Cali Cumar,Nimco Cali Cum arn ,Nasro Cali Cumar, Shiino Axmed Cabdi Cali Xasan Safiyo axmed rooble {shi ino} iyo caruur-teeda iyo dhammaan Maa mulka Warg-eyska mogadishu times iyo Howlad-eennadiisaba waxaay habalyo Aq algal Farxad leh u dirayaan Arooska Iyo Aroos-adda Kala Ah:-

CABDI MUXUDDIIN MAXAMED IYO NADIIFO X.XUSEEN CULUSOOW

oo habeenkii jimcaha ku Aqal galeen Degmada kaaraan ee M/Muqdisho wax ayna leeyihiin noqda kuwii kala hela Ubad Aayo wacan Wiil iyo Caano Gabar iyo Caano insha allaah

Aamiin Aamiin Aamiin.

FAAH FAAHIN: QARAX GAARI OO KA DHACAY MAGALADA MUQDISHO

Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhow ku qarxay agagaarka Hotelka Wehliye degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir.

Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay inta badan Xaafadaha degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wartanabada,waxana gaariga qarxay uu yaallay banaanka hore ee Guri ku yaalla dhabarka dambe ee Hotelka Wehliye.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaarga qarxay ay laheyd haweeney ka tirsan Shaqalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya,isla markaana ay san cid wax ku noqon, kadib markii dar awalka gaariga uu ogaaday in qarax lagu xiray.

Inta badan Magalada Muqdisho ayaa wax aa ka dhaca gawaarida qaraxyada lagu xiro, waxana horay loogu dilay, Saraakiil, Xildhibaano iyo dad kale.

HOWLGAL LAGA FULIYEY HOYGA NINKII DAD KA KU LAAYAY NEWS ZEALAND

Ciidamada Booliska dalka News Zealand ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen guriga uu dalkaasi ka deganaa Ninkii Jimcihii dadka ku laayay masaajidyo ku yaalla magaa lada Chrischurch ee dalka News Zealand.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayaan cadeymo kale oo ku aadan waxa uu ahaa Shaqsiga dadka laayay oo gacanta lagu haayo,hayeeshee weli aysan soo bandhigin waxyaabaha ay kusoo qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay how lgalka ku jireen waxaa ay hoyga kas oo wadeen hooyada dhashay dilaaga iyo ga bar la dhalatay,kuwaas oo ka cabsi qabay in weerar aargoosi ah lagu soo qaado.

Muslimiin farabadan oo Caalamka daaf ihiisa kala duwan ku nool ayaa aad uga xumaaday weerarka Ninka cunsuriga ah uu Jimcihii ku laayay dadka muslimiinta ah,waxana sidoo kale cambaareeyey qaar ka mid ah eheladiisa.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO ARRIMO MUHIIMA KALA HADLAY MAS’UUL KA SOCDA DALKA SUUDAAN

AMAR DAMBO.jpgTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa shalay Xafiiskiisa kula kulmay u qaabilsanaha Dalka Suudaan ee Arimaha Ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Kenya Yasir Khirey Abdelrahim.

kulanka uu taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu la qaatay u qaabilsanaha dalka Suudaan ee Arimaha Ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciid anka Xoogga Dalka ayaa sheegay in kul anka uu shalay la yeeshay uqaabils an aha Dalka Suudaan ee Arrimaha Ciidam ada dalalka Soomaaliya iyo Kenya uu ah aa mid lagu xoojinayo Xiriirka iskaashiga Ciidamada ee dhanka tababarada

Uqaabilsanaha Dalka Suudaan ee Arrimaha Ciidamada wadamada Soomaal iya iyo Kenya Yasir Khirey Abdelrahim, ay aa tilmaamay In Suudaan ay dhawaan Bi laabi doonto tababarada ay siin jirtay Tali ska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Suudaan ayaa ka mid ah Dalalka sida ga arka ah u tababara Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.

DADKII KU DHAAWACMAY DAGAALKII DE GMADA CADALE OO LA KEENAY MUQDISHO

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay da gaalka degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa la soo gaarsi iyay magaalada Muqdisho waxaana ku ji ra kuwa ay xaaladooda aad u liidato sida ay sheegayn dadka degaan ka. Diya arad ka baxday M/Muqdisho ayaa Diya ar adda soo qaaday dhaawacyada oo la she egay in si gaar ah loo kireestay ayaa ka baxday magaalada Muqdisho, waxa yna soo qaaday dhaawacyo gaar ah kuw aas oo wax looga qaban waayay Isbita alka M/ Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle sida ay sheegayn saraakiil kati rsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ee degaanka Burdheere ee degmada Cad ale ayaa la soo sheegayaa in hada ay xa aladu dagan tahay, waxaana socda dada alo la doonayo in lagu xaliyo colaadda taa gan ee u dhaxeysa dhinacyadii dagaala may.

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Waxgaradka iyo Bulshada qeybahe eda kala duwan ee degmada Cadale ugu baaqay iney ka qeyb qaataan sidii xiisada loo qaboojin lahaa xalna looga gaaro da gaalka socda.

SHIRKADDA DIYAARADAHA TURKISH AIRLI NES OO HAKISAY DUULIMAADYADII M/MUQDISHO

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in todobaadka ugu horeeya ee Bisha Apriil ay baaqan doonaan duulimaadyadii Diyaaradaha Shirkadaas ay ku imaanjireen Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

turkish-696x478.jpg







Qoraal kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in sababa la xiriira ka guurista Garoonka Ataturk Airport oo looga wada guurayo garoonka cusub New Istanbul Airport., isla markaana Shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay inay dul qaataan.

Maalmaha ay duulimaadyada baaqan doonaan ee Bisha Apriil ayaa shirkadda waxa ay ku sheegtay.

06 April 2019

07 April 2019

08 April 2019

09 April 2019

11 April 2019

13 April 2019

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa todobadkii in ka badan Lix jeer waxa ay ku safri jireen kuna imaan jireen Diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines, hayeeshee todobaadka ugu horeeya ee Bisha April ay hakad galayaan.

MAGACA EEDEYSANAHA TOOGASHADDA KA GEYSTAY HOLLAND OO LA SHAACIYEY

Booliska dalkaasi waxay bartooda Twi tter-ka soo dhigeen magaca iyo sawirka Eedeysanaha toogashada ku dilay hal qof, kuna dhaawacay dhowr kale.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Turkiga, laguna mag acaabo Gökman Tanis oo 37-jir ah.

Muuqaalka Eedeysanaha ayaa la sheegay in laga helay Kameeradda Qar soon ee ku rakiban Tareenka uu rasaasta ku furay, wuxuuna ku baxsaday gaari cas oo noociisu ahaa Renault Clio, oo markii dambe la helay .

Dhinaca kale, Boolis fara badan ayaa isku gedaamay Dhismo Dabaqyo ah oo la rumeysan yahay inuu Eedeysanaha ku dhumaalaysanayo.

Madaxa Hay’adda La-dagaalanka Argagixisadda ee dalka Holland, Pieter-Jaap Aalbersberg waxa uu ku sheegay hadal-qoraal oo uu soo saaray in Heerka Khatarta ee Gobalka Utrecht la gaarsiiyey Heerka ugu sarreeya ee 5, wuxuuna xusay in Toogashadda u muuqato Weerar Argagixiso.

QODOBO KASOO BAXAY SHIRKA TUBTA HORUMARINTA DHAQAALAHA

R/Wasaaraha XFS, Md.Xasan Cali Kha yre,ayaa shalay guddoomiyay shirka tu bta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF).

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdi rax maan Ducaale Bayle, oo ka war bixi yay kulanka shalay ayaa sheegay in shir ka looga dooday wixii Soomaaliya uga qa bsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta day maha lagu leeyahay dalka oo gebeg eba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaar adaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shur uudaha si shirka Washington ee horr aanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha.

Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Ha y’a dda lacagta Aduunka (IMF), ayaa wax aa kasoo qayb gelaya dhammaan dawl ada ha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Ban giga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan han naanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qor sha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin.

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdira xmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin do ono daymaha, loona furi doono dhaqaa laha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ay aa caddeeyay in uu sii socon doono daw lad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliy eed ugu baaqay in ay qaataan qaybta ka ga aadan oo ay canshuurta bixiyaan daw ladana kula xisaabtamaan waxa ay qab ato iyo maamulka maaliyadda.

DOWLADAHA SOMALIA IYO QATAR OO KA WADA HADLAY HORMARINTA WAX SOOS AARKA BEERAHA

Wasiirka Beeraha iyo waraabka XFS Md. Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay M/Doha ee dalka Qatar ayaa halk aasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ah aa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoo jinta iskaashiga 2 dal ee dhinacyada wax soosaarka beera ha, badbaadada iyo horumarinta Cunta da, dar dargelinta he shiisyadii dhexmar ay labada doowlad ood iyo sidii dalka Qat ar loogu Dhoofin laha qaar kamida dala gyada kasoo baxa dalk eena Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Beera ha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Sa ciid Xuseen Ciid iyo dhigiisa dalka Qatar ayaa kusoo dhamaaday is afgarad,iyado Wasiir Ciid iyo wafdiga lasocdana ay kqay bgali doona bandhiga Beeraha caalmiga ah ee todobaad oo lagu qaban doono M/ Doha ee Dalka Qatar kaas oo ay ka qeyb geli doonaan in ka badan 51 dal.

PUNTLAND OO XUKUN KU RIDAY RAG KUFSI KA GEYSTAY GAALKACYO

Maxkamada G/Nugaal ee Puntland ay aa Shalay waxaa ay xukuno ku riday rag lagu eedeeyey inay Gabar ku kufsadeen M/Gaalkacyo ee G/Mudug, kuwaasi maal mo ka hor xukun dil ah lagu riday, islamar kana racfaan ka qaatay Maxkamada.

Tirada raga xukunka lagu riday ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 5 qof. Ragga xu kunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala m agacaabaa:- Cabdirisaaq Cali Cabdi, Uga as Mirre Barre iyo Cismaan Maxamed Cabdullaahi, waxaana saddaxdooda mid kiiba lagu xukumay 20 Sano oo xariga ah 2,000 oo Dollar Ganaax ah iyo 2,000 oo Dollar iyo 1000 dolar.

Halka Eedeysanayaasha kala ah Cabdir isaaq Axmed Cilmi iyo Yuusuf Cabdulk aahi Xirsi, lagu xukumay Midkiiba 15 sano oo Xariga iyo 2,000 dolar oo Ganaaxa iyo 1,000 dolar.Dhawaan ayaa lagu wadaa in xukun lagu rido 4 nin oo ku eedaysan inay ka dambe eyeen kufsi iyo dilka loo geystay Allaha u naxariistee Caaisha Ilyaas Aadan, sida ay shalay sheegeen garsoorayaasha Maxk amada.

SHIRKADDA DP WORLD OO SHEEGTAY INAY MAALGELISAY HAWLAHA DEKEDDA BERBERA

Shabakadda ka faalloota Arrimaha Ga nacsiga ee arabianbusiness.com ayaa qortay inay Shirkadda DP World ay 12 mil lion oo Dollar ku maalgelisay sidii loo hag aajin lahaa Hawlaha Dekedda M/Berbera.

Shirkadda DP World oo uu fadhigeeda dhexe ku yaallo magalladda Dubai ee dal ka Imaaraadka ayaa sheegtay inay 3 Wi ishash cusub ku soo kordhiyeen Hawlaha Dejinta iyo Rarista Xamuulka ee ka soo dega Dekedda Berbera, isla markaana ay awood u leeyihiin inay taageero ka geysta an xeebta dhinacee da.Guddoomiyaha Fulinta,ahna Agaasim aha Maamulka ee Shirkadda DP Worl d ee Bariga Dhexe iyo Afrika, Suhayl Al-ban na ayaa sheegay in Wiishashkaasi muhi im u yihiin horumari nta hawlaha Dekedda BerberaWaxa kale oo uu tilmaamay in Ma algashiga Wiish ashka cusub tahay tallaa badii u gu dam baysay ee qorshaha lagu hagaa jinayo Dekedda Berbera.

Tan iyo sannadkii 2017-kii, Shirkadda DP World waxay keentay qalabka lagu qaado Kontaynarada, Gaadiidka iyo Nidaamyad da lagu casriyeynayo Dekedda taariikhiga ee Berbera.

XUKUUMADDA OO KA HADASHAY DAGAALA DA KA SOCDA G/G/GADUD IYO SH.DHEXE.

Wasiirka arimaha Gudaha ee XFS Cabdi Maxamed Sabriye oo shalay warbaahin ta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobalada shabeelaha dhexe iyo Galga duud.

Waxaa uu sheegay wasiirka inuu aad ugu xun yahay in dagaal beeleed uu mark ale dalka ku soo laabto, isagoona ku ba aqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal ada ka socda gobalada dalka.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaal iya ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaal amaya deegaanada Xeraale iyo Buur-dhe er in ay joojiyaan xabadda, islamarkaa na ay heshiis ku dhameeyaan dirirta u dhaxaysa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalayso joojin ta dagaal beeleedyada ka taagan gobal ada Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe, iyadoona Madaxda maamul gobaleedya da Hirshabelle iyo Galmudug ka dalbaday in ay arintaasi wax ka qabtaan

HOWLGAL LAGA FULIYEY HOYGA NINKII DAD KA KU LAAYAY NEWS ZEALAND

Ciidamada Booliska dalka News Zeal and ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa a ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gur iga uu dalkaasi ka deganaa Ninkii Jimcihii dadka ku laayay masaajidyo ku yaalla magaalada Chrischurch ee dalka News Zealand. Saraakiisha howlgalka hoggaam ineysa ayaa waxaa ay sheegeen in how lgalka ay ku baadi goobayaan cadeymo ka le oo ku aadan waxa uu ahaa Shaqsi ga dadka laayay oo gacanta lagu haayo, hayeeshee weli aysan soo bandhigin waxyaabaha ay kusoo qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay howl galka ku jireen waxaa ay hoyga kasoo wa deen hooyada dhashay dilaaga iyo gabar la dhalatay,kuwaas oo ka cabsi qabay in weerar aargoosi ah lagu soo qaado. Musl imiin farabadan oo Caalamka daafihi isa kala duwan ku nool ayaa aad uga xumaaday weerarka Ninka cunsuriga ah uu Jimcihii ku laayay dadka muslimiinta ah,waxana sidoo kale cambaareeyey qaar ka mid ah eheladiisa.

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

GLAMOUR

LD

SOBRANIE

 

OGEYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan ay yihiin hantida JT INTERNATIONAL S.A., Shirkad la abaabulay oo ay hirgelisay shuruucda Switzerlandee 8 Rue Kazem Radjavi, 1202 Geneva, Switzerlandiyo in calaamadaha ganacsi ee la mid ah loo isticmaalo waxyaabaha soo socda:

 

Fasalka 34:Tubaakada, ha soo saarin ama aan la soo saarin; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta, tubaakada, tubaakada sigaarka; sigaarka, siga elektarooniga ah, sigaarka, sigaarka; qalalaasaha; Qodobka 34-aad ee sigaar-cabbayaasha; waraaqaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo kulannada

 

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY JT INTERNATIONAL S.A. waxay sheegaysaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya waxayna bilaabi doonaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama dadka lagu helo in ay isticmaalayaan calaamadaha ganacsi ee kor ku xusan ama calaamadaha kale ee ganacsiga si khalad ah ama isku kalsoon oo isku mid ah ku xad gudbay xuquuqdiisa

TIRAKOOBKA DADKA IYO GURYAHA DALKA ITOOBIYA OO DIB LOO DHIGAY

Waxaa dib loo dhigay Tirakoobkii dadka iyo guryaha oo lafilayay inuu qabsoomo bisha soo socota ee April.

lama oga waxa sababay dib u dhaca ku yimid tirakoobkan, waxaan sidoo kale la sheegin wakhtiga dib loo qaban doono tirakoobka dadka iyo guryaha ee guud ahaan dalka Itoobiya ka dhici lahaa.

Arrintan dib u dhaca hawlaha tirakoobka ayaa fursad u noqonaysa degaanka oo wali wax badan qabyo ka yahay sidoo kalena shacabka degaanku uusan si buuxda ugu qanacsanayn qaabka loo waday hawlaha diyaargarowga tirakoobka.

MAAMULKA GALMUDUG OO WAR CUSUB SOO SAARAY

Maalma ka hor Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in aysan dhici doonin wax doorasho ah ilaa ay ka dhamaato xilheynta Madax-weyne xaaf,laga soo bilaabo heshiiskii Jabuuti,waxaana hadalkaas si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Baar-lamaanka Galmudug.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Galmudug la dhisay, kadib markii wadatashi yo dadaal badan la sameeyey,sidoo kalena uu leeyahay dastuur,isla markaana 12 Qabiil in ka badan oo reer Galmudug ah ay maamulkaas yagleeleen.

Waxa uu sheegay in Galmudugta saxda ah ay tahay tii la dhisay Bishii Juun ee la soo xulay Baarlamaanka Maamulkaas,sidoo kalena Dastuurka Galmudug aan waxba lag bedeli karin,waxaana uu sheegay in dhawaan bilaaban doonaan soo xulista Xubnaha Baarlamaanka lana dooran doono Madaxweyne sax ah.

Madaxda Galmudug ee ku sugan dhuusamareeb ayuu u sheegay in Dastuurka Galmudug aan waxba laga bedelin,sidoo kalena Xildhibaanada Galmudug ay yihiin 89 Xubnood,Xarunta Baarlamaanka Galmudugna ay tahay Magalada Cadaado cid waxka bedeli kartana aysan jirin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeystay,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cada-ado,iyaga oo kala leh laba madaxweyne iyo laba gud-doomiye Baarlamaan.

KHASAAARAHA DAGAALKII DEGMADA XERAALE OO KORDHAY

10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo habeen hore saqdii dhexe ka dhacay degmada Xeraale ee gobolka Galguduud, tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada ayaa sheegaya in ay dib uga laabteen ciidamadii habeen hore weerarka ku soo qaaday oo la sheegay in ay taabacsanaayeen maamulka Galmudug.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Xeraale oo dadka shacabka ah meel fagaaro ah kula hadlay ayaa ka dalbaday in ay is dajiyaan islamarkaana dib guryahooda ugu laabtaan.

Ilaa iyo hadda ma la oga sababta keentay weerarka habeen hore lagu qaaday degmada Xeraale, waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray khilaaf u dhaxeeya mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo labo garab kala noqday.

BOGGA CAYAARAHA

WARBIXIN: MIN DIEGO MARADONA, CRISTIANO RONALDO ILAA LIONEL MESSI- HALKAN KAGA BOGO TOBANKII JEER EE CIYAARTOY KUBBADA CAGTA AHI LA WAREEGEEN TAAGEERANIMADII KOOX AY CIQAAB MARIYEEN.

Lionel Messi ayaa jamaahiirta kooxda Real Betis ku qasbay in ay si waali ah iskugu taageen isla markaana ay ugu sacabiyeen kadib markii uu kooxdooda ku burburiyay saddexley goolal ah oo uu si layaableh uga shaqeeyay. Ma aha markii ugu horaysay ee ciyaartoy koox burburiyay ay jamaahiirta kooxdaasi isku taageen isla markaana ay sacab ku sharfeen.

Lionel Messi ayaa markii labaad waxa uu waayihiisa ciyaareed sacab ka helay jamaahiirta koox uu ka hor yimid laakiin waxaa jira liis ciyaartoy ah oo aad u dheer kuwaas oo soo helay sacab iyo isku taagista jamaahiirta ay la xifiltamayeen waxaana ku jira ciyaartoy hore oo kubbada cagta ka fadhiistay iyo kuwo wali sii ciyaara.

Lionel Messi ayaa saddex gool oo midba kan kale uu ka cajiibsanaa waxa uu ka dhaliyay kooxda Real Betis wuxuuna waqti kooban la wareegay taageeranimada jamaahiirta kooxda martida loo ahaa ee Real Betis taas oo keentay in saxaafada caalamka iyo dalka Spain ay si wayn uga hadleen.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan si faah faahsan idiinku soo gudbinaysa ciyaartoydii sacabka iyo sarajooga ka helay jamaahiirta kooxihii ay ka hor yimaadeen iyada oo aanu sheegi doono, magaca ciyaartoyga, kulankii, tartankii, taariikhdii iyo waliba natiijada kulankii loo istaagay hadba ciyaartoyga aan ka hadlayno.

Waxa kale oo naga xusuusin ah in liiska ciyaartoyda aanu halkan idiinku soo gudbinayno ay qaar ka mid ahi dhawr jeer ku soo laabteen maadaama oo ay garoomo kala duwan ka heleen sacab iyo sare isku taag ay jamaahiirta kooxo kale ka heleen.

Haddaba halkan kaga bogo xogta ciyaartoydii sacabka iyo sarajooga ka helay jamaahiirta koox ay la xifiltamayeen:

10- Diego Maradona: Real Madrid 2-2 Barcelona (1982/83, Copa de la Liga)

Waxay ahayd xili ciyaareedkii 1982/83 kii markaas oo ay Real Madrid soo dhawaysay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa tartanka Copa Del Rey ee markaas loo yaqaanay Copa de la Liga waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay barbaro 2-2 ah laakiin waxaa lagu xusuustaa qaabkii ay jamaahiirta Madrid iskugu taageen isla markaana ay ugau sacabiyeen Diego Maradona.

Jamaahiirta Real Madrid ee martida loogu ahaa Estadio Santiago Bernabeu ayaa Maradona u isku taagay isla markaana u sacabiyay markii uu dhaliyay mid ka mid ah goolashii Barcelona ee kulankii lugtii hore ee Copa del La Liga kaas oo dhacay sanadkii 1983 kii.

Goolka uu Maradona kaga yaabsaday jamaahiirta Real Madrid waxa uu Barcelona siiyay in ay laba gool ku heleen Bernabeu inkasta oo ay Madrid ciyaarta ku soo laabtay oo ay barbaro ka dhigtay, wuxuuna kulankani caan ku noqday qaabkii ay jamaahiirta Madrid ula dhaceen Maradona ee ay u sharfeen.

9-Ronaldo: Manchester United 4-3 Real Madrid (2002/03, Champions League)

Xili ciyaareedkii 2002/2003 waxay Real Madrid iyo Man United isku arkeen tartanka UEFA Champions league waxaana xusuus gaar ah yeeshay kulankii Old Trafford markaas oo uu halyaygii reer Brazil ee Ronaldo wacdaro ka dhigay isla markaana uu sameeyay qaba ciyaareedka lagu sifeeyay kiisii ugu fiicnaa muddadii uu maaliyada Madrid xidhnaa.

Waxay ahayd kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champins league wuxuuna Ronaldo awooday in uu saddexley goolal ah ku dhaliyay Old Trafford kulan Champions League ah iyada oo waliba kulankii lugtii hore ay Real Madrid guuldaro 3-1 ahayd u soo xambaarisay Man United.

Kulanka uu Ronaldo saddexleyka ka dhaliyay waxaa haddana guulaysatay Man United oo 4-3 ku garaacday Real Madrid laakiin isku darka labada kulan ayay Madrid ku haysatay 7-4 waxaana kulankan lagu xusuustaa qaabkii ay jamaahiirta Man United iskugu taageen Ronaldo isla markaana ay sacabka ugu sharfeen.

Riix 2,3,4 si aad xogta ciyaartoydii ay taageerayaall kale isku taageen oo dhan u akhrisato.

WARBIXIN: Min Diego Maradona, Cristiano Ronaldo Ilaa Lionel Messi- Halkan Kaga Bogo Tobankii Jeer Ee Ciyaartoy Kubbada Cagta Ahi La Wareegeen Taageeranimadii Koox Ay Ciqaab Mariyeen.

8-Ronaldinho: Real Madrid 0-3 Barcelona (2005/06, LaLiga )

Xili ciyaareedkii 2005/2006 kii markale xidig reeer Brazil ah ayaa saxaafada caalamka ciwaabada ugu waa wayn ku qabsaday in uu sacab iyo sare isku taag ka helay jamaahiirta kooxda Real Madrid. Barcelona ayaa marti ku ahayd Santiago Bernabeu waxaana kulankan wacdaro taariikhda galay ka sameeyay Ronaldinho kaas oo sameeyay qaab ciyareed ay taariikhdu xustay.

Kulankii El Clasico-da ee horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkii 2005/06 ka dhacay Santiago Bernabeu waxa uu noqday show ama bandhig uu atoore ka ahaa Ronaldo kadib markii uu laba gool oo shaqo waali ah uu ka qabtay ay sabab u noqdeen in jamaahiirta Madrid ay iska ilaawaan xifiltankii Barcelona isla markaana ay sharaf gaar ah siiyaan Ronaldinho.

Jamaahiirta labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa hal mar isku daray in ay taageere u noqdeen Ronaldinho kadib markii uu bandhig indho sarcaad ah kala soo muuqday Bernabeu, waxayna Barcelona guul ku gaadhay 3-0 iyada oo kulankani uu caan ku noqday lama filaannkii ay jamaahiirta Madrid iskugu taageen uguna sacabiyeen Ronaldinho.

7-Del Piero: Real Madrid 0-2 Juventus (2008/09, Champions League)

Markale taariikhda isku taagista ciyaartoyda iyo uscabinta ayaa Santiago Bernabeu ka dhacday xili ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo ay Juventus guul 2-0 ah ka gaadhay Real Madrid kulan ka tirsanaa tartanka UFA Champions League.

Alessandro Del Piero ayaa markan noqday xidiga sharafta ka helay jamaahiirta Real Madrid kuwaas oo markale muujiyay in ay leeyihiin maskax ka duwan taageerayaasha kooxaha kale isla markaana ay ciyaartoyda khaaska ah siiyaan isku taagis iyo u sacab tumid naadir ah.

Alessandro Del Piero ayaa markaas ku jiray dhamaadka waayihiisii ciyaareed wuxuuna ahaa 34 sano jir laakiin bandhigii uu ka sameeyay kulankii Real Madrid ee Bernabeu ayaa noqday mid taageerayaasha Madrid ku qasbay in ay isku taagaan oo ay sacab siiyaan Del Piero.

Alessandro Del Piero ayaa Bernabeu ku dhaliyay labada gool ee ay waqtigaas Juventus guusha ku gaadhay wuxuuna taas badalkeeda helay in jamaahiirta Madrid ay isku taageen.

WARBIXIN: Min Diego Maradona, Cristiano Ronaldo Ilaa Lionel Messi- Halkan Kaga Bogo Tobankii Jeer Ee Ciyaartoy Kubbada Cagta Ahi La Wareegeen Taageeranimadii Koox Ay Ciqaab Mariyeen.

6-Lionel Messi: Atletico Madrid 1-3 Barcelona (2008/09, Copa del Rey)

Xili ciyaareedkii 2008/2009 kii markii uu Pep Guardiola hogaaminayay Barcelona waxay Blaugrana guul 3-1 ah ka soo gaadhay kooxda Atletico Madrid oo ay marti ugu ahaayeen Vincenta Calderon laakiin Lionel Messi ayaa ahaa xidiga saddexda gool ee Barcelona kulankan ka dhaliyay.

Waxa uu ahaa xili ciyaareedkii ugu horeeyay ee uu Guardiola la wareegay Barcelona, waxaana bilawday guulihii jiilka dahabiga ahaa ee uu Guardiola awooda ku soo qabsaday laakiin kulankii Atletico Madrid ee uu Messi saddexleyda ka dhaliyay waxa uu markii waayihiisa ciyaareed ugu horeeyay ku helay in taageerayaasha koox uu karbaashay ay isku taageen.

Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ayaa si layaableh iskugu taagay Lionel Messi waxayna siiyeen sacabkii uu markaas uga qalmay maadaama oo uu noqday mid kooxdooda oo marti loo ahaa saddexley goolal ah ka dhaliyay.

5-Andres Iniesta: Espanyol 1-5 Barcelona (2010/11, LaLiga )

Xili ciyaareedkii 2010/11 kii jamaahiirta kooxda Espnayol ayaa arin qariib ah sameeyay kadib markii uu aduunka kaga yaabsadeen in ay u sacabiyeen isla markaana ay isku taageen xidig ka tirsan kooxda ay cadaawada wayni ka dhexayso ee Barcelona kaas oo ahaa Andres Ineista.

Waxa uu ahaa kulanka Catalan Derby ee dhibta badan, waxayna Barcelona marti u ahayd kooxda Espanyol oo si wayn ugu xifiltamaan magaalada Barcelona laakiin bandhigii uu Andres Iniesta ka sameeyay kulankan waxa uu jamaahiirta Espanyol ilawsiiyay wax walba oo colaad ah oo ay hayeen waxayna isku taageen Iniesta si ay sacabka ugu tumaan.

Andres Iniesta ayaa goolkii uu xulkiisa Spain ugu hogaamiyay koobka aduunka ee sanadkii 2010 kii waxa uu u hibeeyay kabtankii hore ee kooxda Espanyol ee Dani Jarque laakiin iyaga oo jamaahiirta Espanyol xusuusan wanaagii uu Ineista u sameeyay Dani Jarque waxay bandhigiisii kulankii La Liga ee 2010/2011 kii ay ugu abaal gudeen in ay isku taagaan isla markaana ay ugu sacabiyeen doorkii uu ku yeeshay xasuuqii Barca ee 5-1 ay Espanyol ugu gumaadeen.

4-Xavi Hernandez: Athletic Club 2-5 Barcelona (2014/15, LaLiga )

Waxay ahayd xili ciyaareedkii 2014/2015 kii markaas oo ay Barcelona xasuuq 5-2 ah u soo gaysatay kooxda Athletic Bilbao laakiin jaamahiirta Bilbao ayaa wax yar is ilawsiiyay xasuuqa kooxdooda oo marti loo ahaa ku habsatay waxayna isku taageen isla markaana ay sacab u tumeen Xavi Hernandez oo wacdaro ka dhigay kulankan.

Xavi Hernandez oo ku jiray waqtiyadiisii dhamaadka ee waayihiisii ciyaareed ee Barcelona ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Bilbao waxaana kulankan lagu xusuustaa qaabkii ay taageerayaasha kooxda Athletic Bilbao ay ugu sacabiyeen Xavi.

WARBIXIN: Min Diego Maradona, Cristiano Ronaldo Ilaa Lionel Messi- Halkan Kaga Bogo Tobankii Jeer Ee Ciyaartoy Kubbada Cagta Ahi La Wareegeen

Taageeranimadii Koox Ay Ciqaab Mariyeen.

3-Francesco Totti: Real Madrid 2-0 Roma (2016/17, Champions League)

Xili ciyaareedkii 2016/17 kii ayay jamaahiirta kooxda Real Madrid oo dhamaystirani isku taageen isla markaana ay u sacabiyeen Francesco Totti markaas oo ay kooxaha Real Madrid iyo AS Roma ay ku kulmeen wareegii 16ka kooxod ee UEFA Champions league.

Laakiin dhacadan ayaa ka duwanayd kuwii hore ee aan ka soo sheekaynay waxayna jamaahiirta Real Madrid isku taageen isla markaana ay Francesco Totti ugu sacab tumeen in ay ku ixtiraamaan waayihii ciyaareed ee cajiibka ahaa ee uu soo qaatay, iyaga oo aan ugu sacab tumin qaab ciyaareed uu kaga kasbaday sacabkooda.

Real Madrid ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay AS Roma laakiin Francesco Totti ayaa sacab iyo sare joog cajiib ah ka helay jamaahiirta Bernabeu iyaga oo u muujiyay ixtiraamkii uu kubbada cagta aduunka oo dhan ka mudnaa.

Francesco Totti ayaa taageero guud kubbada cagta aduunka kaga helay daacadnimadii uu AS Roma u muujiyay iyo waliba waayihii ciyaareed ee cajiibka ahaa ee uu ku soo qaatay xulkiisa Talyaaniga iyo AS Roma, wuxuuna kulankii Bernabeu helay ixtiraam wayn oo ay jamaahiirta Madrid u muujiyeen.

2-Cristiano Ronaldo: Juventus 0-3 Real Madrid (2017/18, Champions League)

Xili ciyaareedkii 2017/18 oo ah xili ciyaareedkii la soo dhaafay, waxa uu Cristiano Ronaldo awooday in uu taageerayaasha kooxda Juventus ku qasbay in ay fadhiga ka kacaan isla markaana ay isaga ugu sacab tumaan goolkii layaabka lahaa ee uu kooxdooda kaga dhaliyay UEFA Champions League.

Real Madrid ayaa guul wayn oo 3-0 ahayd ka soo gaadhay Juventus, waxaana doorka ugu wayn ka ciyaaray Cristiano Ronaldo laakiin xusuusta Cristiano Ronaldo ayay sii layaableh u raadaysay qaabkii ay taageerayaasha kooxda Juventus iskaga ilaaween taageeradii kooxooda iyo niyadjabkii haystay ee ay isaga iskugu taageen.

Isku taagistii iyo sacab tumistii jamaahiirta kooxda Juventus ee kulankii Champions League waxa uu Ronaldo sheegay in ay door wayn ka ciyaartay sababtii uu kooxdooda ugu soo biiray xagaagii la soo dhaafay, wuxuuna si wayn ugu mahad celiyay taageerayaashii Juventus ee isaga oo karbaashay sacabka u tumay balse hadda ku raaxaysanaya wixii ay markaas isku taageen.

1-Messi: Real Betis 1-4 Barcelona (2018/19, LaLiga )

Ugu danbayn Lionel Messi ayaa xalay jaamahiirta kooxda Real Betis ku qasbay in ay si layaableh iskugu taageen isla markaana ay waliba waqti badan ku bixiyeen in ay sacabka u tumaan xidiga reer Argentina kadib markii uu saddex gool ka dhaliyay kooxdooda.

Lionel Messi ayaa jamaahiirta kooxda Real Betis fadhiga ka soo kiciyay kadin markii uu dhaliyay goolkii saddexaad oo ahaa mid uu qaab waali ah u dhaliyay, waxaana baraha bulshada qabsaday goolkan oo si wayn baraha bulshada loogu waadaagay.

Laakiin intaas oo kaliya kuma kooba ee waxaa baraha bulshada si wayn loogu wadaagay qaabkii ay ciyaartoyda kooxaha Real Betis iyo Barcelona uga falceiyeen goolkii saddexaad ee Messi waxaana la arkayay ciyaartoy ka tirsan Barca iyo Betis oo madaxa haysta.

Goolhayaha kooxda Real Betis ayaa baraha bulshada ka soo muuqday isaga oo qaab layaab leh uga falcelinaya goolkii saddexaad ee Messi laakiin guud ahaan kabtanka Barcelona ayaa sacab iyo sare joog ka helay jamaahiirta Real Betis oo uu kooxdooda ciqaabay.

Waxaa xusuusin naga ah in ayna intan ku koobnayn ciyaartoyda laysku taagay ee loo sacab tumay balse waxaanu soo qaadanay tobankii dhacdo ee ugu caansanaa isla markaana ugu saamaynta badnaa.

QIIMAYN: Majalada Bixisa Abaal Marinta Ballon D’Or Ee France Football Oo Qiimayn Ku Samaysay 50-Kii Tababare Abid Ugu Fiicnaa Kubbada Cagta-Ayaa Kaalinta Kowaad Ilaa Tobaan Ku Guulaystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip