HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA MAARSO 2019-KA

0
Monday March 18, 2019 - 10:13:29 in Wararka by
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA MAARSO 2019-KA

    SOMALILAND "WADAHADALADDA SOMAL ILAND IYO SOOMAALIYA WAQTI CAYIMAN MA JIRO Wasiirka arrimaha dibadda Somal iland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aysan jirin Waqti gaar ah oo loogu tala galay in lagu dhawaaqo Wa dahadaladda S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOMALILAND "WADAHADALADDA SOMAL ILAND IYO SOOMAALIYA WAQTI CAYIMAN MA JIRO Wasiirka arrimaha dibadda Somal iland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in aysan jirin Waqti gaar ah oo loogu tala galay in lagu dhawaaqo Wa dahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo kala duwan oo ku aadan qabash adda wadahadalka labadda dhinac,laakiin hadda aan la cayimin maalin, bil ama Sa nad midna.

"Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin, Madaxweynahana Qarankuna Md. Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wa da hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto” ayuu u sheegay Wasiir Faratoon Wargeys ka geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bii xi Cabdi, ayaa 13kii bishan dalka Imaar aadka carabta ka sheegay in wadahada lladii Somaliland iyo Soomaaliya ay 19ka bishan ka bilaaban doonnaan dalka Gha na.

GUDDOOMIYE MURSAL OO AMRAY IN SI DEG DEG AH LOO BAARO QARAXII LAGU LAAYAY DADKA RAYIDKA EE KA DHACAY G/BAAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee MURSSAAAALLLBaarlamaanka JFS Md.Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay da dkii ku geeriyooday deegaanka Goofgad uud ee Gobolka Baay ka dib markii ay ku qaraxday Miino Kooxda Nabad diidka AlShabaab ay gelisay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaankaasi ku yaalo.

Inta la xaqiijiyay 10ruux ayaa ku ge eriyootay,halka 34Qof dad ka badana ay ku dhaawacmeen. G.G.Shacabka ayaa Shacabkii ku dhintay dhagartaasi ay AlShabaab maleegeen Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu dambeyntii,Md.Mursal ayaa ugu baaqay Hay’adaha ammaanka Maamulka K/Galbeed iney sameeyaan baaritaan la gu baadi goobayo dhagar qabayaashii ka dambeeyay falkaasi dadka masaakiinta ah lagu laayay cadaaladdana la horkeno.

ALSHABAAB OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII DADKA MUSLIMIINTA AH LAGU LAAYAY EE NEW ZEALAND

Afhayeenka Ururka AlShab aab,Sh.Cali Maxamuud Raage, ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii wuxuushnimada ee maalintii Jimcaha ka dhacay waddanka New Zealand, kaas oo lagu dilay tobana an ruux oo Muslimiin ah.

Cali Dheere ayaa ugu horreyn wuxuu tacsi u diray guud ahaan dadkii Musli miinta ahaa ee lagu gumaaday weeraradii lagu qaaday labada Masjid ee ku yaalay magaalada ChristChurch ee wadanka New Zealand wuxuuna Allaah uga bary ay "inuu ka aqbalo intii ku shahiiday, una boog dhayo kuwa dhaawaca ah”.

Afhayeenka Xarakada AlShabaab oo soo daliishanaya nusuus sharci ah ayaa Muslimiinta ku booriyay inay sabraan isla markaana ixtisaabsadaan, isagoona shee gay in AlShabaab ay la xanuunsanayaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerar kaas wuxuushnimada ahaa.

"Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacd ay New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaal adu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka mus limiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada AlShabaab.

Muslimiinta ku nool wadamada Reer galbeedka ayuu Sheekh Cali dheere ugu baaqay iney fahmaan waaqica ka jira caa lamka, ayna wax ku dhistaan, isagoona ku waaniyay in aaney ku kedsoomin hada llada ay jeediyaan madaxda iyo siyaasiyi inta Reergalbeedka ee ku aadan wada noolaansha iyo xurriyada diimaha.

ASKARI KA TIRSAN DF OO MUQDISHO KU TOOGTAY WIIL DHALINYARO AH OO MOOTO BAJAAJ WADAY

Askari Ka tirsan Ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa Rasaas ku furay wiil dhalinyaro Bajaajle ahaa Deg mada Hod an ee M/Muqdisho. Waddada ayaa aheyd mid xiran oo ciidamada ay dadka ka cel inayeen,waxaana lasoo sheegayaa in cii damada ay diideen in gaadiidka isticmaal aan,dadka lugeynaya ayaa waddooyinka qaar la fasaxayey.

Muran soo kala dhex galay darawal bajaajle ah iyo Askari Wadadaasi ilaalo ka hayey gaadiidkana celinayey waxay ke entay in dhowr xabadood lagu furo bajaajlaha. Goob joogayaal waxay sheeg een inay rasaasta Caloosha kaga dhacd ay dhiig badana ka baxay,kaas oo dhaaw ac culus isagoo ah la qaaday.

Ciidamada Dawlada ayaa lagu Eede yey inay Tacadiyo aan la isku ciqaabin ku sameysaa Darawalada Bajaajleyda Muq disho oo qudhooda lagu eedeeyo Dhal inyarada bajaajta inay Amarka qaadanin.

FARMAAJO IYO GEELLE OO XARIGA KAWADA JARAY DHISMAHA CUSUB EE SAFAARADDA JABUUTI

Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Xarigjarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

WASAARADDA GAASHAANDHIGA IYO TALIS KA CXD OO KA HADLAY CABASHADA CIIDAMADA

Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaangelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka.

Askari walba oo diiwaangelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.

Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaangelintiisa.

Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaangelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaangeliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada.

Inta ay socoto diiwaangelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaangelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA HIRSHAB EELLE OO BAAQ NABADEED U DIRAY BEELAHA KU DAGAALAMAYA GOBOLKA SH/DHEXE

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Sheikh Osmaan Barr Maxamed ayaa Baaq Nabaded U diray Beelaha Walaalaha ah Ee Ku Dagaallamayo Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.

Mudane Sheikh Osman Barre Mohamed Guddomiyaha Baarlamanka Hirshabelle ayaa waxaa uu baaq nabadeed u diray beelo Wada dhashay oo dagaal ku dhexmaray Deegaanno Hoostago Degmada Cadalle Ee Gobolka shabeellada dhexe ,waxaa uu ka tacsiyeyaay Dadkii ku geeriyooday dagaalladaasi isaga oo farrriin dhexdhexaadin ah u diray Odayaasha dhaqanka ,Waxgaradka iyo guud ahaan Siyaasiyinta Hirshabelle in la iska kaashado sidii xiisaddaasi loo qaboojin lahaa.

"Ugu horreyn waxaan ka tacsiyeynayaa Dadki ku geeriyooday Dagaalladaasi intii ku dhimatay allaha u naxariisto dhaawacana allaha bogsiiyo intaas kaddib waxaan halkaan baaq nabadeed ugu jeedinayaa Beeelaha walaalaha ah ee dagaallamayo ,aad ayan ugu xumahay in Xilligan oo umadda soomaliyeed La tacaalayaan dhibaatoyin kale oo waaweyn ay dad walaalo ah dagaallamaan ,waxaan farrrin u dirayaa Odayaasha Dhaqanka ,waxgaradka iyo siyaasiyinta In la iska kaashado joojinta iyo xa llinta Qilaafaadkaasi soo cusboonaaday”, ayuu yiri Guddom iye Cusmab Barre .

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan guddi loo saaro dooni si ay u soo afjaraan colaadan soo noq noqotay ee dadka badan ay ku dhinteen.

BAABUUR XAMUUL AH OO KU XAYIRAN MATABAAN

Wararka naga soo gaaraya inta u dhaxeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku xaniban yihiin ku dhawaad 30 gaari oo ah kuwo xamuulka qaada ka dib markii maamulka Hirshabeelle ay kusoo rogeen Canshuuur.Gaadiidkaan ayaa ku xaniban degaan u dhaxeeya Beledweyne iyo Matabaan oo loogu tala galay in lagu qaado Canshuur ay soo rogeen maamulka degmada Matabaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa warbaahinta u sheegay in aysan bixin karin Canshuurta lagu soo rogay, islamarkaana dhowr maalmood meesha lagu heystay.

Gaadiidkaan ayaa qaarkood waxa ay ka yimaadeen dhanka maamulka Galmudug, halka qaarkoodna ay ka baxeen Magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Matabaan ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan Canshuur si loogu dhiso xarumaha danta Guud ee degmada.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHACABKA MUQDISHO KA RAALIGALISAY XIRNAASHIHII WADOOYINKA

Khyre-750x430 (1)Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka war bixiyay natiijada booqasho labo maalin qaadatay oo dalka uu ku yimid madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo si qota dheer uga war bixiyay xariirka walaatinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, ayaa sheegay intii lagu guda jiray Booqashada wafdiga oo guul ku dhamaaday in Madaxweynayayaasha JFS iyo Jabuuti ay yeesheen wadahadallo labo geesood ah oo diiradda lagu saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dhinac, amniga iyo xasiloonida gobalka geesta Afrika iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabaddiidka ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),ayaa shacabka Muqdisho ka raaligaliyay xirnaanshaha wadooyinaka Magaaladda Muqdisho labadii maalin aynu soo dhaafnay.

Madaxwayne Farmaajo iyo dhiggiisa Jabuuti ayaa shalay ay si wadajir ah waxa ay xarigga uga jareen dhismaha safaaradda cusub ee Jabuuti, iyada oo madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu hadal uu u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka uu kula dardaarmay in la adkeeyo wadajirka, midnimada iyo wada shaqaynta.

Madxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo) ayaa shalay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle Cusmaan ka sagootiyay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdigiisa Ballaaran oo ay kamid ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno oo labadii maalin ee ugu dambaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

ASKARI OO LAGU DILAY TOOGASHO KA DHACDAY DAANTA GALBEED

Ugu yaraan hal Askari oo Yuhuudi ah ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii uu Nin hubeysan oo Falastiin ah shalay toogasho ka geysteen Daanta Galbeed.Toogashadaasi ayaa bilaabantay, kadib, markii uu Nin Falastiini ah oo adeegsanayo Tooreey uu xoog uga qaatay qori uu watay Askar Yuhuudi ah oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Deegaanka Yuhuudda la dejiyey ee Aryel, kadibna toogtay Askariga.

Telefishinka Janaal 13 ee Yuhuudda ayaa sheegay inuu Ninka Falastiiniga uu haddana toogtay Nin kale oo Yuhuudi ah, ka hor inta uusan gaarigiisa ka kaxaysanin. Warbaahinta Yuhuudda waxay kaloo sheegeen inuu Ninkii Falastiiniga tacshiirad ku furay bar laga raaco basaska oo ku yaalla isgoys kale.Hadalqoraal oo ka soo baxay Milliteriga Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay toogashadda ka dhacday Isgoysyadda Aryel iyo Gitaay, isla markaana ay Ciiddanka baaritaan ku hayaan Ninka Falastiiniga ee weerarka geystay.

daacadda Radio Israel ayaa sheegay in hal qof la dilay, 2 kalena la dhaawacay, oo ay midi xaalladiisu aad u liidato.

Xarakadda Islaamiga ee XAMAAS oo maamusha Deegaanadda Marinka Qasa ee dhulka Falastiin waxay sheegteen Mas’uuliyadda weerarkaasi, weyna soo dhaweeyeen weerarka ka dhacay Daanta Galbeed, iyagoo sheegay inuu yahay falka aargoosiga ee Dembiyadda ay geystaan Yuhuudda xoogga ku haysata dhulka Falastiin.

Yuhuudda waxay Deegaanadda Daanta Galbeed qabsadeen dagaalkii ka dhacay Bariga dhexe sannadkii 1967kii, balse dadka Reer Falastiin waxay doonayaan inay dhistaan Dowlad Falastiin oo caasimad u noqon doonta Bariga magaalladda Quddusta lahaysto.

Si kastaba ha ahaatee, Wadaxaajoodka Nabadda ee u dhexeeyey Maamulka Falastiin iyo Yuhuudda waxa uu burburay sannadkii 2014kii, kadib, markii ay Yuhuudda ku gacan sartay inay dib uga baxaan Xuduudkii la asteeyey sannadkii 1948-kii.

ZIMBABWE OO LOOGA DHAWAAQAY XAALAD MUSIIBO QARAN

Tan iyo markii ay ku dhufatay xeebta Mozambique khamiistii, duufaantaasi ayaa ku qasabtay kumannaan qof in ay guryahooda ka baxaan.

Dalka Zimbabwe, magaalada Chimanimani, oo ku taalla buuralleyda dhanka bari ee xuduudda ayay duufaantu si daran u saameysay.

Ciidammada ayaa loo diray in ay caawiyaan arday boqollaal gaareysa, kuwaasoo

Labo ka mid ah carruurta iskuullada ayaa dhintay, kaddib markii uu derbi ku soo dumay dhismihii ay degganaayeen.

Ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay dalka Zimbabwe, kolkii ay duufaantu ku dhufatay koonfurta bari ee dalkaas.

Wasaaradda isgaadhsiinta ee dalka ayaa sheegtay in la la’ yahay 40 qof.

Duufaantan oo lagu magacaabo Idai, daadadna wadatay ayaa ka dhacday sidoo kale bariga Mozambique, habeennimadii khamiistii waxayna korontada iyo isgaadhsiinta ka jartay dhulalka ku xeeran Zimbabwe.

Duufaantu waxay daba socotaa, abaar ku dhufatay qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan, taas oo sababtay in dalagyadii la filayay aysan soo go`in, waxayna taas horseedday in Qaramada Midoobay ay codsi degdeg ah dirto.

SOMALILAND OO SI LAMA FILAAN AH KU AQBASHAY CODSI KAGA YIMID SHIRKADDA DP WORLD

maamulka Somaliland ayaa aqbalay Codsi uga yimid Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda Magaalada Berbera, taasoo aheyd in sare loo qaado lacaggaha laga qaado ganacsatadda adeegsata dekedda.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ganacsatada Somaliland ay joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta.

DP world ayaa 12 March waxay bilowday inay sarrifka halka dollar noqdo 8500 oo lacagta Somaliland, isagoo markii hore halka dollar ahaa 7000 oo lacagta Somaliland.

Ganacstada ayaa wixii ka bilaabmay 12 March waxay joojiyeen inay la soo baxaan oo ay cashuurtaan alaabta u taala dekedda Berbera, waxaana shirar ay ganacsatadu yeesheen ku go’aamiyeen inay joojiyaan la soo bixista badeecadahooda.

Wasiir Saajin wuxuu ganacstada dekedda Berbera alaabaha kala soo dega ku amray in ay si degdeg ah ugala baxaan alaabtooda, kuwaasi oo uu sheegay in iyagoo ka xun arrintan ay diideen in ay alaabaha kala baxaan dekedda.

KONTAMEEYO QOF OO KU GEERIYOOTAY DAADAD KU DHUFTAY INDONESIA IYO DALXIISAYAAL GO’DOONSAN

Fatahaadda daadadka iyo dhulgo’ ku soo hoobtay Gobalka Baabu ee bariga dalkaasi ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 60qof, kuna dhaawacmeen Tobanaan kale.Saraakiisha dalkaasi waxay shalay sheegeen inay in ka badan 4,000 oo qof ku barakacday daadadkaasi.

Degmadda Sentani waxaa ka socda baaritaano lagu raadinayo Dhibanayaal kale, iyadoo uu Habeenkii Sabtida ku dhuftay roob watay daadad dhiigo leh, iyadoo la sheegay in la helay maydadka 51qof iyo dhaawaca 74kale.

Afhayeenka Milliteriga Gobalka Babu, Maxamed Caydi waxa uu sheegay inay Ciiddanka soo badbaadiyeen wiil 5 bilood jir, oo ku hoos jiray burburka guriga waalidkiisa, waxaana loo gudbiyey Isbitaalka.Dhinaca kale, kudhawaad 35 Dalxiisayaal ayaa la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin Jesiiradda loo dalxiis tago ee Lombok, sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Hay’adda Masiibooyinka ee dalkaasi.

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GABAGABEEYAY BOOQASHADII UU KU JOOGAY MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal.

"Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharafkii ay caalamka ku lahayd.

"Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Socodkii labaatan sano ka soo bilawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Ismaaciil-Macalin-Muuse1-500x330

BAAQ DEG DEG AH OO LAGA SOO SAARAY DAGAALKA DEGMADA CADALE



Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxa uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beleedka ka

socda degaanka Buurrdheere oo hoostaga degmada cadale ee gobolka Shabeelkaha Dhexe .

Waxa uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid soo laab laabtay loona baahan yahay in beelahaasi walaalaha ah ee ku wada dagaalamaya degaankaasi in ay xal waara ka wada gaaraan dagaalka soo laab laabtay.

Waxa uu sheegay in beelaha walaalaha ah ee wada dagaalamaya loo baahan yahay in ay wada heshiyaan oo ay soo celiyaan wanaagii ka dhaxeeyay inta uusan bilaaban dagaalka kahor.

Dagaalka weli ka socda deegaanka buurdheere ee degmada Cadale Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ah mid soo lab laabtay,waxaana dowr mar Magaalada jowhar iyo degmada Cadale lagu qabtay shirar beelahaas lagu heshiisiinayay, hayeeshee aan lagu guuleysan.

PUNTLAND OO BAAQ U DIRTAY HAY’ADDAHA GARGAARKA

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya Africa Miss. Patricia Danzi.

iSaraakiishan ka socda hay’adda IRC ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxa ICRC Soomaaliya Mr. Simon Brooks, Kuxigeenka Madaxa ICRC Soomaaliya Miss. Julia Unger, iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Abdifataax Fandhaal.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Arrimaha shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa, Xoojinta wadashaynta Puntland iyo ICRC, Maxaabiista Puntland iyo Maamulka Somalinad kala haystaan, gaar ahaan kuwii lagu kala qabsaday dagaaladii ugu danbeeyay iyo arrimo la xidhiidha Abaarta ka jirta Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

"Haatan Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland waxa uu wada hadal la yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda hay’adda Laanqayrta Cas ee Adduunka, waxaa ka mid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Puntland iyo hay’adda ICRC oo Madaxweyne kuxigeenku arrintaa aad uga hadlay,Madaxweyne Axmed Karaash waxa uu hoosta ka xariiqay in waxkasta oo ay u baahanyihiin oo dadka ay ku gaarsiinayaan caawinaad loo sahli doono, wax caqabad ahna aysan ku imaan doonin”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda Caddaalada Arrimaha diinta iyo dhaqancelinta dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweyne kuxigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday inay gacan ka gaystaan abaaraha ku habsaday shacabka Puntland, waxaa sidoo kale uu uga mahadceliyay shaqadii hore ee ay u qabteen iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu ku booriyay inay sii laba jibbaaraan shaqooyinkooda.

TODDOBAAD KADDIB DADKII KU DHINTAY DIYAARADDII ETHIOPIAN AIRLINES OO LOO BAROORDIIQAYO

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

Kulan baroordiiq ah ayaana shalay lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi.

Wasiirka gaadiidka dalka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaashu ku qaadaneyso waqti ogaanshaha waxa sababay burburka diyaaradda.

Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor shalay oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla.

Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Xigasho BBC

NIN TUSBIXII UGU DHEERAA CAALAMKA U SAMEEYEY MADAXWEYNE ERDOGAN

C/llaahi Alxaydar oo ku nool Degmadda Barahmanabariya ee dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilomitir.

Inkaasi ayaa sheegay inay muddo 2 bilood ku qaadatay sidii uu u tixi lahaa Tusbaxaasi oo ka kooban 167,500 oo mir ama xabbo oo ay midabkooda isugu jiraan cagaar, dahabi, madow iyo caddaan.

Qiimaha Guud ee Mirka lagu taxay Tusbaxaasi waxa uu dalka Bangaladesh ka joogaa 150,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee TAKA oo u dhiganta 1,787 Dollarka Maraykanka.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Tusbaxa ugu sameeyey Madaxweynaha Turkiga waxa uu C/llaahi Alxaydar sheegay inuu yahay Hoggaamiye u danqada Musslimiinta lagu dhibaateeyo Falastiin, Kashmiir, Mayanmar, Syria iyo Yemen

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu jecel yahay inuu dhegeysto marka uu Madaxweyne Erdogan codka macaan ku akhrinayo Qur’aanka Kariimka iyo masjidyadda waa weyn ee uu ka dhisay dalal ku yaalla Qaaradaha Europe iyo Asia.

CIIDAMADA SOMALILAND OO SOO BANDHIGAY KHAMRI AY SOO QABTEEN

Howlgal ay Magaalada Hargeysa ka sameeyeen Ciidamada booliska Somaliland 24kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay kusoo qabteen Mandooriyaha Khamriga oo laga ganacsanayay gudaha Magaalada Hargeysa.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen in Qamridaan la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka degaanada maamulka Somaliland.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadkii lagu soo qabtay Qamridda iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriye ee Hargeysa lagu soo bandhigay.

GAROON KU YAALLA DALKA NEW ZEALAND OO LAGU KALA CARARAY

Booliska dalkaasi waxay shalay sheegeen in la xiray Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Dunedin¸kadib, markii la helay warar ku aadan in Baqshaad weyn oo wax ku jira la garan waayey la dhigay Garoonka.

Booliska waxay isku gedaameen Garoonkaasi, iyadoo Kooxaha Baarayaasha ku hawlan yihiin sidii loo ogaan lahaa waxa ku jira Baqshadda laga shakiyey, iyadoo dadka oo idil laga saaray gudaha Garoonkaasi.

Dhowr Duullimaad ayaa la hakiyey sababo dhinaca Ammaanka ee Garoonkaasi.

Arrintan ayaa timid, iyadoo Hay’adaha Ammaanka dalkaasi la geliyey Heegan Buuxa, kadib, xasuuqii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Kirisjarj (Christchurch), oo ay ku shahiideen 50 qof oo Muslimiin ah.

BOGGA CAYAARAHA

BARCELONA OO XASUUQ U GAYSATAY REAL BETIS, LIONEL MESSI OO SADDEXLEY GOOLAL AH DHALIYAY, JAMAAHIIRTA BETIS OO ISKU TAAGAY MESSI IYO BLAUGRANA OO 10 DHICBOOD KU QABTAY HOGAANKA LA LIGA.

Barcelona ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Real Betis taas oo ay markeeda ka soo aarsatay waxayna Barca awooday in ay soo qaadatay saddex dhibcood oo suurtogal uga dhigay in ay 10 dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hogaaminta horyaalka La liga.

Lionel Messi ayaa laba gool dhulka ku dhigay kooxda Real Betis qaybtii hore ee kulankan laakiin Luis Suarez ayaa baaqigii ka hadhsanaa Real Betis waxa uu dabaysha ku raaciyay goolka saddexaad oo waliba u ahaa mid taariikhi ah.

Kadib markii ay kooxda Real Betis hal gool keensatay dhamaadkii ciyaarta ayuu Lionel Messi la soo baxay saamayntiisa wuxuuna dhaliyay goolkiisa saddexaad iyo kan afraad ee Barcelona taas oo jamaahiirta Real Betis ku qasabtay in ay isku sare taagaan Messi isla markaana ay u sacabiyaan.

Lionel Messi ayaa dhaliyay saddexleydiisii 51 aad ee waayihiisa ciyaarta waxayna Barcelona awooday in ay 4-1 ku soo xasuuqday kooxda Real Betis isla markaana ay 10 dhibcood ku qabteen hogaanka La Liga.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA STARTING XI (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Arturo Vidal, Sergio Busquets, Arthur, Ivan Rakitic; Luis Suarez, Lionel Messi.

Kaydka: Jasper Cillessen, Carles Alena, Philippe Coutinho, Malcom, Kevin-Prince Boateng, Nelson Semedo, Samuel Umtiti.

REAL BETIS STARTING XI (3-4-2-1): Pau Lopez; Aissa Mandi, Marc Bartra, Sidnei; Joaquin, William Carvalho, Andres Guardado, Cristian Tello; Giovani Lo Celso, Sergio Canales; Jese.

Kaydka: Joel Robles, Sergio Leon, Wilfried Kaptoum, Diego Lainez, Loren Moron, Zouhair Feddal, Emerson.

Barcelona ayaa kulankan iskeentay iyada oo ka fikiraysay sidii ay uga faa’iidaysan lahayd xambaaradii xalay ku dhacday kooxda Atletico Madrid ee ay 10 dhibcood ugu qaban lahayd hogaanka La Liga laakiin waxaa Barca ka sii cadhaysiinayay marka ay xusuustaan guuldaradii ay Real Betis xili ciyaareedkan ku baday Camp Nou.

Qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa in badan oo shaqada kulankan ah sii qabtay kadib markii ay dhibaato wayn dhexda u dhigeen kooxda martida loo ahaa ee Real Betis oo lafteedu iska caabin wayn muujisay.

Daqiiqadii 18 aad Lionel Messi ayaa gool cajiib ah waxa uu kooxdiisa Barcelona ugu dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu kaga yaabsaday goolhayaha Betis iyo kubbada cagta aduunka wuxuuna dhaliyay goolka wadnaha taabtay kooxda martida loo ahaa ee Real Betis.

Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barcelona hogaanka ku qabtay wuxuuna ahaa gool qab jabiyay Real Betis oo qaab ciyaareed fiican kala hortimid Barca laakiin xidigaha badan ee uu khadka dhexe u soo xushay Valverde ayaa xalaada ku sii xumaysay Betis si ay kubbada weeraro badan ugu dhisi karto.

Ciyaarta ayaa waqti dheer noqotay mid si xoogan loogu dagaalamayay oo ay Real Betis ku fikiraysay in ay ciyaarta ku soo laabto halka Barcelona ay raadinaysay goolkeeda labaad si ay u joojiso weerarka Betis.

Daqiiqadii 41 aad Luis Suarez ayaa ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka labaad ee Barcelona kadib markii uu nasiib ka helay Sidnei oo ay kubbadu ka soo booday laakiin Suarez ayaa qasaariyay fursada uu gool ku dhalin lahaa.

Daqiiqadii 45+2 aad Lionel Messi ayaa qalbi jabiyay kooxda Real Betis ee dadaalka badan ku bixisay in ay ciyaarta ku soo laabto wuxuuna dhaliyay goolkiisa labaad ee uu Barcelona hogaanka ugu dheereeyay iyada oo difaaca Betis ay si buuxda ugu wada mashquuleen Luis Suarez kaas oo kubbada lagu raacday caawin uga dhigay Lionel Messi.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysya isla markaana ay Real Betis ku hayd kooxda uu culayska badani saarnaa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Real Betis soo laabtay iyada oo ku qasbanayd in ay si buuxda difaaca uga soo baxday waxayna taasi furtay in banaan badan ay helaan ciyaartoyda weerarka ee Barcelona.

Daqiiqadii 63 aad Luis Saurez ayaa dhaliyay goolka taariikhiga ah ee uu kulankan ka doonayay kaas oo caawintiisa ka helay Gerard Pique wuxuuna Suarez dhaliyay goolka uu ku barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta abid ee uu ciyaartoy reer Uruguay ahi ka dhaliyay horyaalka La Liga kaas oo uu haystay Diego Forlan wuxuuna Suarez ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Real Betis musiibo ku sii dhex gashay.

WARGAYSKA LIVERPOOL ECHO OO MOHAMED SALAH SIIYAY QIIMAYNTII UGU LIIDATAY EE KULANKII FULHAM.

Wargayska Liverpool Echo ee magaalada Liverpool ka soo baxa ayaa qiimayntii ugu liidatay ee ciyaartoyda Liverpool waxaa la siiyay Mohamed Salah kadib markii uu xidiga reer Masar awooday waayay in uu wax badan ku soo kordhiyo kooxdiisa Reds ee kulankii Fulham.

Mohamed Salah ayaa kulamadii ugu danbeeyay ahaa mid uu cadaadis ka saaran yahay in uu goolal u dhaliyo kooxdiisa Liverpool laakiin jamaahiirta Reds ayaa Sadio Mane uga mahad celinaya in uu noqday xidiga kooxdooda ugu muhiimsan ee ay waqtigii adkaa ka soo saaray.

Sadio Mane ayaa markale goolkii furitaanka u dhaliyay Liverpool laakiin waxa uu Mohamed Salah siiyay hadiyad u baahnayd in uu dhamaystiro oo kaliya kaas oo uu waliba ku dhalin lahaa goolka saddexaad ee Liverpool waqti ay si wayn ugu baahnaayeen in ay ciyaarta dilaan.

Wargayska Liverpool Echo ayaa Mohamed Salah ku dhaliilay sidii uu u khasaariyiay fursadii goolka cadaanka ahaa lagu dhalin karayay ee uu Sadio Mane ka helay waxaana qiimayntiisa lagu xusay in aanu garsooraha caawin badan ka helin maadaama oo uu bartilmaameed ahaa.

Qiimaynta ciyaartoyda kooxda Liverpool ee uu sameeyay wargayska Liverpool Echo waxaa lagu bixinayay 10/10 laakiin Mohamed Salah ayaa ka helay 5/10 halka inta badan ay ciyaartoyda kale heleen qiimayn ka saraysa.

Haddaba halkan kaga bogo qiimaynta uu wargayska Liverpool Echo ku sameeyay bandhigii ciyaartoyda Reds ee kulankii Fulham

Alisson Becker | 6

Trent Alexander-Arnold | 7

Joel Matip | 8

Virgil van Dijk | 6

Andy Robertson | 7

Fabinho | 7

Gini Wijnaldum | 7

Adam Lallana | 7

Mohamed Salah | 5

Roberto Firmino | 6

Sadio Mane | 8

Badalkii:

James Milner | 7

Divock Origi | 7

Daniel Sturridge | N/A

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip