AC Milan oo guul muhiim ah ka gaartay mataanteeda Inter Milan

0
Monday February 01, 2016 - 08:13:37 in Sports News by
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AC Milan oo guul muhiim ah ka gaartay mataanteeda Inter Milan

    Kooxda AC Milan ayaa guul ay muddo raadineysay ka heshay kooxda ay ilma adeerta yihiin ee Inter Milan kadib marki ay 3-0 kaga badisay ciyaarti darbiga aheyd ee xalay ku dhex martay magaalada Milano.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC Milan ayaa guul ay muddo raadineysay ka heshay kooxda ay ilma adeerta yihiin ee Inter Milan kadib marki ay 3-0 kaga badisay ciyaarti darbiga aheyd ee xalay ku dhex martay magaalada Milano.


Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka Seria A-da Talyaaniga ayaa waxaa laga daawanayey dhamaan aduunyada oo dhan, waxana ay ka mid ah tahay kuwa ugu xasaasisan horyaalka Talyaaniga maxaa yeelay labada koox oo ka wada dhisan magaalada Milano waxaa ka dhaxeeya xafiiltan adag.

Inter oo iska qasaarisay rigoore isla markaana macalinkeeda Roberto Mancini ganaax dartiis garoonka laga saaray ayaa soo bandhitay ciyaar aysan jecleysan taageerayaasheeda waana tan keentay in Milan ay ka faa,iideysato.

Goolka koowaad waxaa Milan u saxiixay daafaca dhexe ee reer Brazil Alex oo madaxa la helay kubad uu soo karoosay Honda, sidaas ayaana lagu kala nastay qeybti hore ee cayaarta, hase yeeshee Inter oo dardar kusoo gashay qeybti labaad ayaa waxa u suura gashay in ay rigoore helaan kaasoo uu qaatay weeraryahankooda Mauro Icardi oo badal kusoo galay, balse waa uu qalday rigoorada isaga oo ku garaacay alwaaxa goolka, wixi markaasi ka danbeeyeyna Inter niyadda ayey ka jabeen.

Milan ayaa ciyaarta soo afjartay 20-ki daqiiqo ee ugu danbeysay marki ay dhaliyeen laba gool oo ay u dhaxeysay 5 daqiiqo oo kaliyah, waxaana kala dhaliyey Carlos Bacca iyo  M’Baye Niang.

Natiijadaasi ayaa waxay Inter kaga tageysaa kaalinta afraad, halka Milan ay xiratay booska Lixaad.

Arbacada ayey labada kooxoodba ciyaari doonaan ciyaaraha horyaalka Talyaaniga. Milan waxay booqa doonta kooxda Palermo, halka Inter ay garoonkeeda kusoo dhaweyn doonto Chievo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip