Sawirro:-Nin Tusbixii Ugu Dheeraa Caalamka U Sameeyey Madaxweyne Erdogan

0
Sunday March 17, 2019 - 21:13:28 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Nin Tusbixii Ugu Dheeraa Caalamka U Sameeyey Madaxweyne Erdogan

    C/llaahi Al-xaydar oo ku nool Degmadda Barahmanabariya ee dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/llaahi Al-xaydar oo ku nool Degmadda Barahmanabariya ee dalka Bangaladesh ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan haddiyad ahaan ugu sameeyey Tusbax culayskiisu dhan yahay 67 kiilo iyo bar, dhererkiisuna dhan yahay 1.3 Kiilomitir. Inkaasi ayaa sheegay inay muddo 2 bilood ku qaadatay sidii uu u tixi lahaa Tusbaxaasi oo ka kooban 167,500 oo mir ama xabbo oo ay midabkooda isugu jiraan cagaar, dahabi, madow iyo caddaan. Qiimaha Guud ee Mirka lagu taxay Tusbaxaasi waxa uu dalka Bangaladesh ka joogaa 150,000 oo Lacagta laga isticmaalo dalkaasi ee TAKA oo u dhiganta 1,787 Dollarka Maraykanka.

Mar wax laga weydiiyey sababaha uu Tusbaxa ugu sameeyey Madaxweynaha Turkiga waxa uu C/llaahi Al-xaydar sheegay inuu yahay Hoggaamiye u danqada Musslimiinta lagu dhibaateeyo Falastiin, Kashmiir, Mayanmar, Syria iyo Yemen

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu jecel yahay inuu dhegeysto marka uu Madaxweyne Erdogan codka macaan ku akhrinayo Qur’aanka Kariimka iyo masjidyadda waa weyn ee uu ka dhisay dalal ku yaalla Qaaradaha Europe iyo Asia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip