HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA MAARSO 2019-KA

0
Saturday March 16, 2019 - 10:47:42 in Wararka by
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADUSGU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA MAARSO 2019-KA

    SHAQSIGII KA DAMBEEYAY WEERARKII NEW ZEALAND OO MAXKAMAD LASOO TAAGAY Ninkii ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand shalay ee lagu dilay 49ka qof oo Muslimiin ah ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil. Nink

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHAQSIGII KA DAMBEEYAY WEERARKII NEW ZEALAND OO MAXKAMAD LASOO TAAGAY Ninkii ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand shalay ee lagu dilay 49ka qof oo Muslimiin ah ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil. Ninkaan oo lagu Magacaabo Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan. Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in Mr Tarrant uu haystay afar Qori iyo rukhsad dhanka hubka ah, waxayna intaas raacisay in "sharciyada hubka wax laga baddali doono" Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay. Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5ta April markale maxkamadda la horkeeno.


AMMAANKA MASAAJIDDA W/AMEERIKA IYO YURUB OO LA ADKEEYEY

Masaajid badan oo ku yaalla dalalka Yurub iyo Waqooyiga America ayaa qaadey tallaabooyin ay kaga hortagayaan in weerar lala beegsado kadib weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka New Zealand.

Inta badan magaalooyinka waa weyn ee Yurub ayaa ku taageerey masaajidda in ciidanka ammaanku ay sugaan goobaha ay muslimiintu ku cibaadeystaan.

Dalalka Yurub Ciidankooda qaarkood ayaa booqday Masaajidda salaada Jimcaha ee Yurub, waxaana ay sheegeen in ay jirto Cabsi ah in la weeraro.

Masaajiddka maanta Amnigooda la sugay waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla gobolka Minnesota ee Mareykanka iyo gobolka Ontario ee Canada, oo ay labaduba Soomaalidu ku badan tahay

WASIIRKA WAXBARASHADA OO DIGNIIN U DIRAY JAAMACADAHA DALKA

Wasiirka Waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.

Wasiirka ayaa sheegay in Jaamacaddaha ku yaalla Dalka aysan qaadan karin arday aan soo marin Imtixaanka guud ee Was aaradda Waxbarashada Soomaaliya,isla markaana ay kormeeri doonaan Jaamaca daha .

"Shalay laga bilaabo wasaaradda wax barashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaa macaddaha dalka ka mamnuucday ina ysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacada ha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada waxa uu ugu baaqay Madaxda Jaama cadaha dalka ku yaalla in ay u hogaan samaan amarkaas,isla markaana cid al laala cidii amarkaan fulin weyso ama dii da tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

SOOMAALI LAGU DILAY WEERAR KA DHACAY MASAAJIDDO KU YAAL NEW ZEALAND

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha,waxaana la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen dad badan oo ku dukanayay Masaajida das oo iskugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay Masaajidada la weeraray 49qof oo ay ku jiraan dad Somali ah,kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiiq Nuur Muuse Cawaale oo ahaa macalin dugsi qura’an,Shiiq C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Soomaaliya,Aadan Diiriye iyo wiil 6sano jir ah oo uu dhalay laguna ma gacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye wa xaana ay ka mid ahaayeen dadka ku duk anayay masaajidada weeraradu ay ka dhaceen.

Booliiska ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaan la xirey Schoolada. Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

AMMAANKA MASAAJIDDA W/AMEERIKA IYO YURUB OO LA ADKEEYEY

Masaajid badan oo ku yaalla dalalka Yurub iyo Waqooyiga America ayaa qaa dey tallaabooyin ay kaga hortagayaan in weerar lala beegsado kadib weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka New Zea land.

Inta badan magaalooyinka waa weyn ee Yurub ayaa ku taageerey masaajidda in ciidanka ammaanku ay sugaan goobaha ay muslimiintu ku cibaadeystaan.

Dalalka Yurub Ciidankooda qaarkood ayaa booqday Masaajidda salaada Jimc aha ee Yurub, waxaana ay sheegeen in ay jirto Cabsi ah in la weeraro.

Masaajiddka shalay Amnigooda la sugay waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla gobolka Minnesota ee Mareykanka iyo gobolka Ontario ee Canada, oo ay labaduba Soomaalidu ku badan tahay.

40 RUUX OO LAGU DILAY MASAAJIDDO KU YAALLA NEW ZEALAND

Afartan iyo sideed ruux oo dhaawac ah yaaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadkan ayaa ku dhaawacmay weerarradii masaajidda lagu qaaday

David Meates oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay isugu jiraan carruur iyo qaangaar kuwaas oo qaba dhaawacyo ra saas.Afartan ruux oo Muslimiin ah ayaa la gu dilay masaajiddo sida ay sheegtay Ra’Iisulwasaaraha New Zealand.

Qof Australia u dhashay ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa weerarka lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand

Ra’iisulwasaaraha Australia ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay dalka New Zealand.

"Waxaan xaqiijin karaa in shaqsiga xabsiga ku jira la ii sheegay in uu Australi u dhashay, sidaas daraadeed Australia ayaa qayb ka ah baaritaanka la wado, dhammaan laamaha ku shuqul lehna baaritaanka wayna sii wadi doonaan” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison.

Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa cambaaraysay weerarka la gu qaaday labada maajid.

Dhibaatada loo gaystay dadka cibaaday sanaya ayayna ku tilshalayy "mid ka mid ah taariikhda ugu madaw ee dalka Soo martay

AKHRISO: MAGACYADA SOOMAALIDA KU DHIMATAY WEERARKII MASJIDKA ALNUUR EE DALKA NEW ZEALAND

Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand, ayaa haddana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in seddex ruux oo Somaali ah ay qeyb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarka, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka Masjidka Al Nuur.

Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah Macalin Dugsi oo ku yaala xaa fadda weerarka uu ka dhacay, wax aana magaciisa lagu sheegay Sheikh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaa sidoo kale dadka Waxyeelada soo gaartay kamid ah ruux magaciisa lagu koobay Sheikh C/qaadir, oo ka tirsanaa Shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaalida, sida ehelada qaar laga soo xigtay.

Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihii Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce.

Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaaw acmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 ruux inay Masaajidka ku dukanayeen.

Ruuxa weerarka geystay ayaa LIve soo galay ka hor toogashada, waxaana uu u dhashay dalka Australia, sida wararka hordhaca ay lagu helayo.

WIIL YAR OO MAYDKIISU ILLA SHAN CISHO YAALLO CISBITAALKA HARGEYSA

Wiil yar oo Arday ah ayaa maydkiisa shan cishaba yaalla cisbitaalka guud ee Harg eysa.Wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 9 jir,isla markaana dhigan jirey dugsiga Ilays ee Hargeysa ayaa maalintii salaasa dii gaadhi ku jiidhay M/Hargeysa nasiib darro illaa sabtidda waxa uu sii ooli do onna cisbitaalka.

Wiilkan ayaan ehel iyo qaraabo lahayn oo uu qaranku ehel u yahay, maadama oo uu yahay caruurta yaraanta lagu helo ee nasiibka u helin waalidkood inay arkaan, haseyeeshee, noloshiisa wiilkan iyo waxbarashiisaba waxa damaanad qaa day hay’ada SOS.Hay’adaha dawlad da oo aan la xidhiidhay waxay ii sheeg een inuu wali baadhitaankiisu socdo, inkastoo agaasimaha cisbitaalka oo aan is ku dayey inaan arrintan wax ka waydiiyo ka jawaabi waayey telefoonkiisa gacanta.

Sidoo kale, waxay doodi ka taagan tahay cidda la siinayo magta marxuumka, maadaama oo uu hadda xidhan yahay dirawalkii waday gaadhiga jiidhay.

NINKII FULIYAY WEERARKII NEW ZEALAND OO LA AQOONSADAY IYO MADAXDA DUNIDA OO KA HADASHAY

Weerar lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo la gu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argag ax, carro iyo lama filaan ka abuuray dun ida.

Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yah ay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka.

"waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sida as tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday "mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”

Muslimiinta waxay wajahayaan dil wa dareed Madaxweynaha Turkiga Recc ep Tayyip Erdogan ayaa yiri "Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiirigelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

"Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.

Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri "Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

"Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.

War naxdin leh

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri "War naxdin leh ayaa xalay kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ficil laga yaqyaqsiyoodo

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri "Kadib weerar argagixiso oo argagax leh oo ka dhacay Christchurch, waxaa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saameeyey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoodo”

Dambi arxan darro

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, He iko Maas ayaa yiri "weerarkan arxan dar rada ah wuxuu si qotodheer u saameey ey dalkayga”.

Xagjiriinta waxay burburinayaan bulshad eena Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibanayaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri "Xagjiriinta iyo kuwa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena” AFP

MADAXDA DUNIDDA OO KA FALCELIYEY WEERARKA NEW ZEALAND

Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunidda.

Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka.

Newsinside"Waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday "mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.”

Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa yiri "Weerarkan ama cadaawadda ku wajahan muslimiinta ee dunida ay daawanaysay muddo ama mararka qaar ay dhiirigelineysay, waxay dhaaftay xuduuddii dhibaateynta shaqsi, waxayna gaartay heer dil wadareed”

"Haddii aan la qaadi tallaabooyin deg deg ah, waxaa midda xiga doona musiibo kale” ayuu yiri Erdogan.

Weerar xaasidnimo iyo wuxuushnimo

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa yiri "Weerar ka dhan ah dad si nabdoon isugu yimid inay tukadaan waa naxdin ay ku dheehan tahay xaasidnimo iyo wuxuushnimo:”

"Waxaan rajaynayaa in kuwa ku lugta leh ay maraan ciqaab adag” ayuu yiri Putin.

War naxdin leh

Madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa yiri "War naxdin leh ayaa xalay kasoo yeeray New Zealand, weerarkan arxan darrada ah marnaba ma tirtiri doono dulqaadka iyo akhlaaqda ay New Zealand ay caanka ku tahay”

Ficil laga yaqsiyoodo

R/wasaaraha Britain, Theresa May ayaa tiri "Kadib weerar argagixiso oo arg agax leh oo ka dhacay Christchurch, wax aa qalbigeygu la jiraa kuwa uu saa mee yey ficilkan rabshadeed ee laga yaqsiyoo do”

Dambi arxan darro

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka, Heiko Maas ayaa yiri "weerarkan arxan darrada ah wuxuu si qotodheer u saam eeyey dalkayga”. Xagjiriinta waxay burbur inayaan bulshadeena

Ra’iisul wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in qalbigiisu la jiro dhibana yaasha qoyska iyo dowladda New Zealand, wuxuuna yiri "Xagjiriinta iyo ku wa mayalka adag, waxay doonayaan inay burburiyaan bulshadeena” ISHA: VOA & AFP

SHIRKA DIB U DHISKA KAABAYAASHA DHA QAALAHA DALKA OO LA SOO XIRAY

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray shalay shi rka dhismaha wadooyinka isku xira gobo lada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho. Waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta frika, Khub aro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Mudadii uu shirku socday waxaa doo do iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaag san uguna dhakhsaha badan ee lagu ho rgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka. Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ay aa ladhisidoonaa wax aana kamid ah Bal adwayne – Gaalkac ayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooy inka wasiirka wasaaradda hawlaha guud DFS Md. Cabdi Aadan Hoosow ayaa sax iixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dow ladda Soomaaliya u leedahay dhis maha Wadooyinku.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoos oow waxa uu isla shalay saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qa adanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada. Waxaa uu shir laqaatay saf iirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, mada xa haayadda horumarinta talyaan iga & ba ngiga horumarinta afrika.

"Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tah ay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhi go aan usoowada jeensano sidii wadan ka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Was iir adeena, Agaasimayaasheena & hawl wa deenada. Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadee do waxaa weeye in wa dan ka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoo sow gabagabdii Shirka.

BAROOR DIIQ LOO SAMEEYEY DADKII LAGU LAAYEY NEW ZEALAND

Boqolaal Muslimiin ah ayaa Shalay waxa ay dhigeen banaanbaxyo ay ugu baroor diiqayaan dadkii Shalay lagu laayey mas aajidyo ku yaalla Magalada Christch urch ee dalka New Zealand.

Goobaha banaanbaxyada laga dhigay ayaa waxa ka mid ah dalalka, Pakistaan, Bangladesh, Magalada Mumbai ee dalka India iyo wadamo kale.

Dadka ayaa banaanbaxyada waxa ay ku muujinayen sida ay uga xun yihiin dadka Muslimiinta ah ee ,iyaga oo Masaajidyoi ku cibaadeysanaya lagu dhexdilay si islaam naceyb ah.

Xilliga uu weerarka dhacayay ayaa dadka waxa ay u diyaar garoobayeen Salaadii Jimcaha,waxaana Masaajidka uu weerarka ka dhacay la dhigay Ubaxyo.

XISBIGA DALDHIS OO WACYIGALIN U SAME EYAY DHALINYARADA M/BELEDWEYNE

Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo isku abaab ulaya in ay ka qeybqaataan nidaamka Xisbiyada ee la doonayo in looga guuro wax ku qeybsiga Qabiilka muddo dheer dalka lagu soo maamulayay.

Xisbiga Dhildhis ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay magaalada Beledweyne ka waday kulamo wacyigalin ah oo loo qab tay dhalinyarada gaar ahaan kuwa wax bartay ee ka baxay ama wali dhiganaya Dugsiyada iyo Jaamacaddaha , si dhali nyaradu qeyb uga qaataan dib u dhiska dalka iyo isbadalka siyaasadeed ee la doonayo in uu dalku galo.

Dhalinayaradan oo Wiil iyo Gabadho intaba lahaa ayaa dhinaca kale xisbiga la wadaagayay su’aalo iyo dooddo la xiriira wacyiga uu dalku marayo iyo muhiimada ay u leeyihiin dalka Asxaabta siyaasadda, iyaga oo ku salenaya su’aalahooda iyo waliba dooddaha ay qabaan marxalada uu dalku marayo.Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Cabdira xmaan Xusseen Cadow oo inta badan su’aalaha uga jawaabayay dhalinyarada ayaa sheegay in Xisbiyadu mideynayaan bulshada inta isku afgaarta iyo fikirka ah, iyadoo aan loo eegin heybta uu shaqsiga ka soo jeedo.

‘’ Qofka in uu Qabiilkiisa ku xirnaado daruuf ayaa keentay, waayo wax kasta uu u baahan yahay hadda waa in uu dabafariisto beeshiisa xitaa haddii uu yahay qof wax bartay, maxaa yeelay awood qeybsiga ayaaba ku dhisan 4.5 oo ah Qabiil, qabiilka dhaxdiisa ayaaba laga yabaa in leysku dulmo, hasse ahaatee xisbiyadu waa ay ka duwan yihiin maxaa yeelay dadka waxa ay ku midoobayaan oo isku keenaya waa afkaar iyo aragti wax dhiseysa oo aan ku xirneyn habeynta uu qofku ka soo jeedo iyo Rag iyo Dumar qofka uu yahay’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xusseen Cadoow.

Waxaa uu ku booriyay in ay qeyb ka noqdaan Xisbiga isa soo diiwaangali ya an, madaama la joogo waqtgii ay dhalina radu door ku yeelan lahaayeen siyaa sada iyo guud ahaanba dib u dhiska dal ka.

‘’Qof kasta kaalin ayuu ku leeyahay dib u dhiska dalka iyo Qarannimada, gaar ahaan dhalinyarada oo ah inta ugu badan bulshada’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhalinyaradii kulamada ka qeybgashay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan markii ugu horeysay in magaalada Bele dweyne laga furo xafiis xisbi Siyaas adeed [Daldhis] iyaga oo intaa ku daray in ololaha looga qeybqaadanayo siyaasadda dalka iyo ku biiirista Xisbiga ka bilaabi doonaan goobaha waxbarasha da iyo xarumaha ay dadku ku kulamaan, madaama isbadal uu dalku sameeyo ay ku xiran tahay in laga gudbo nidaamka qabiilka oo ay dhalinyaradu u arkeen mid aan u wanaagsaneyn bulshada.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHAACISAY IN LA DHISAYO WADDO ISKU XIRTA BALADWE YNE IYO GAROOWE

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday mashaaric waa weyn oo lagu dhisayo waddooyin isku xira gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho oo uu shalay soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.

Muddadii uu shirku socday waxaa doo ddo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiira da Maamul Goboleedyada sida ugu wanaag san uguna dhakhsaha badan ee lagu hor galin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Shirka ayaa laga sheegay in waddooyin ka la dhisayo ay ka mid yihiin Baladwa yne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoo we, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Gana ane – Doolow,iyadoo oo ay shirka ka qay bgaleen Wasiirada Hawlaha Guud ee do wlad gobolleedyada dalka, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika, Mid owga Yurub ,Khubaro iyo Ingineero Soom aaliyeed.

"Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tah ay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dh igo aan usoowada jeensano sidii wad an ka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Was iira deena, Agaasimayaasheena & hawl wad eenada... Wasaaradda Hawlaha Gu ud shaqadadeedo waxaa weeye in wad anka dib u dhisto." ayuu yiri Wasiir Hoo sow gabagabdii Shirka.

Gabagabadii shirka ,waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyin ka wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dhis maha Waddooyinku.

Sidoo kale ,Wasiir Cabdi Aadan Hoos oow waxa uu isla shalay saxiixay heshiis deeq ay dowladda Talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada. Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaal iya, madaxa haayadda horumarinta talya aniga & bangiga horumarinta Afrika.

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO KU SOO WAJAHAN

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in todobaadkaan ay soo gaaraan M/Muqdisho sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlam aanka Soomaaliya. Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay Sabtida la filayo in Madax weynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo gaaro magaalada Muqdi sho laba sano kadib.

Socdaalka Madaxweynaha Jabuuti Is maaciil Cumar Geelle ayaa sababay in dib loo dhigo furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soo maaliya waxaana loo sameyn doonaa soo dhowayn oo ay ka qayb galayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMIS OM iyo isbadalada ka socda geeska Afri ca, sida ay Caasimada Online u sheeg ayn ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa.

Madaxweyne Geelle Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaa liya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaal kaan ayaa noqonaya 2 sano kadib saf arkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo aadaya iyadoo ay jirto warar shee gaya in mugdi soo kala dhaxgalay Dowla daha Soomaaliya iyo Jabuuti kaas oo ka dhashay heshiiska dowladaha Soomaali ya iyo Eritrea maadaama ay Eritrea ay Jabuuti ka heysato dhul iyo Ciidan looga qabsaday dagaal ka dhacay Xuduuda labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

RW KHEYRE OO KU SOO LAABTAY MUQDI SHO KADIB SAFARKII UU KU TEGAY KISMAAYO

Ra’iisulWasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu safad qaatay 5cisho uu ku tegay ma gaalada Kismaayo ee gobalka jubada Hoose.

Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu kulamo kula qaatag Kismaayo kulamo madaxweynaha maam ulka Jubbaland iyo madaxweyne ku xige enka maamulkaas kuwaas oo looga had layay khilaafka dowladda fedraalka iyo maamulgobaleedyada,iyada oo so khaas ah looga hadlay tabashooyinka Jubaland ee dowladda.
Munaasabad habeen hore lagu qabtay maga alada Kismaayo oo lagu sagootina yay Ra’iisulwasaaraha ayaa hadalo waxaa ka jeediyay madaxweyn aha Jubaland iyo Xasan Cali kheyre oo ka qeybgalayaasha munaasabadaas u sheegay in la xaliyay kala aragti duwanaashihii Jubaland iyo dowladda Somalia iyada oo madaxweyn aha Jubaland uu tegi doono Muqdisho
.

M/WEEYNAHA JUBALAND OO EEDEYN U JEEDIYAY DFS KANA HADLAY DAGAALKA KA DHANKA AH ALSHABAAB

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madd obe oo ka hadlayay munasabadda Sango otinta wefdiga Ra’iisulWasaaraha ayaa aad uga hadlay muhiimadda ay leedahay dagaal ka dhan ah Alshabaab si dalka looga saro

Waxa uu sheegay in laga maarmo cii damada AMISOM oo lagu bixiyo dha qaalo fara badan in aysan jirin shaqo dhab ah oo ay ka qabteen dalka gaar aha ana dagaalka Shabaab oo dhowr sano ka socda Somalia waxaana uu cadeeyay I Somalia ay u baahantahay in ay isku tashato.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilm amay in aysan jirin cid la xisaabtanta Hay adaha deeq bixiyaasha iyo AMISOM taas na ay sabab u tahay dib u dhaca jira eek u aadan in uu waqti dheer qaatay how lgalka AMISOM ee ka socda dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyade eyay weerarkii ay ku dhinteen Musli miin Somali ay ku jirto

Maxamed C/laahi Farmaajo madaxweyna ha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya ayaa ka tacsiya deeyey dadkii musli miinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhac ay masaajidyo ku yaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliy eed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shac abka Soomaaliyeed uga tacsiyadeey ey dadkii halkaasi ku dhintay, isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka dhaawa cmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo akle Ra’iiusl Wasaaraha Soomaal iya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiint ahaa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geer iyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

Somaliland iyo Puntland oo qarka u saaran dagaal

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, waxaana saacaddihii ugu dambeeyay socday Gurm adyo kala duwan oo ka kala imaana yay degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Soma liland ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ciidamo badan soo dhoobtay degmada Yubbe oo dhinaca bariga ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Puntland ayaa dhankooda Abaabul dagaal ka wadda gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in xaaladda labadda maamul ay xilliggaan qarka u saaran tahay Xaalad dagaal.

Somalia Oo Ka Qeyb Galaysa Shir Loo ga Hadlayo Tacaddiyada Loo Gey sto Haweenka

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ka socdo Xaru nta Q/Midoobay ee M/New York.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Haweenka Adduunka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka hogamineed ee Haween weynaha Caalamka, ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Saddex Cisho ah, waxaana Soomaliya u matalaya Senetor, Muno Cumar Xasan iyo Sen ,Hodan Muxamuud Cusmaan.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loogu gaashaaman karo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Caalamka iyo sidii wax loogu qaban lahaa kuwa loo geysta gabbood fallada kala duwan ee ay Bulshada dhexdeeda kala kulmaan Dumarka.

Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah ay Soomaaliya ka qayb gasho, waxana lagu wadaa in ay Xildhibaannada Aqalka sare ee kulankn ku sugan ay soo bandhigaan tacaddiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed.

oomaaliya oo muddo ku dhow Soddon Sano ay jiraan dagaallo sokeeye iyo Cola ado ayaa ka mid meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan tacaddiyada loo geysto Haweenka, sida Kufsiga, dilalka, Gudniin ka fircooniga IWM.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay safiirka cusub ee Ingiriiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Ca wad ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qa abilsan JFS,Md. Benjamin James Fender.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida bo qortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo.

Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adke eyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale du wan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed.

BOGGA CAYAARAHA

ISKU AADKA SIDDEED DHAMAADKA & AFAR DHAMAADKA UEFA CHAMPIONS LEAGUE OO LA SAMEEYAY.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa hadda sameeyay isku aadka Siddeed dhamaadka iyo waliba dariiqa loo marayo finalka UEFA Champions league iyada oo la sii sameeyay isku aadka afar dhamaadka Champions league iyo qaabka ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan.

Liverpool ayaa noqotay kooxda guulaysatay marka loo eego kooxaha kale iyo isku aadka ay heleen waxaana Liverpool lagu aadiyay kooxdii la wada doonayay ee FC Porto taas oo ay waliba Liverpool xili ciyaareedkii hore guulo waa wayn ka gaadhay.

Manchester City iyo Tottenham ayaa soo kala calaf qaadi doona iyada oo kooxaha Premier league madaxa laysku galiyay.

Halkan kaga bogo Isku Aadka Siddeed dhamaadka UEFA Champions Leauge oo Dhamaysitran

Ajax vs Juventus

Liverpool vs Porto

Barcelona vs Manchester United

Tottenham vs Manchester City

Laakiin waxaa la sii sameeyay qaabka ay kooxaha siddeed dhamaadka ka soo gudbaa iskugu aadi doonaan afar dhamaakda iyada oo midkii soo baxa kooxaha Barcelona iyo Man United uu afar dhamaadka ku wajihi doono Liverpool ama FC Porto midkii soo baxa.

Waxayna taasi la micno tahay in Liverpool haddii ay soo dhaafto FC Porto ay mari doonto tijaabo kale oo aad u adag maadaama oo ay Barcelona ama Man United midkii soo baxa la ciyaari doonto.

Man City iyo Tottenham midkii soo baxaa waxa uu afar dhamaadka UEFA Champions League kula ciyaari doonaa kooxda soo gudubta Ajax iyo Juventus.

Qaabka Ay Kooxuhu Iskugu Aadi Doonaan Afar Dhamaakda UEFA Champions league

Tottenham/ Man City vs Ajax /Juventus

Manchester United /Barcelona Vs Liverpool / Porto

Haddaba akhriste, afartee kooxood ayaad filaysaa in ay u soo bixi doonaan wareega afar dhamaadka UEFA Champoins Leauge? Halkan hoose noogu reeb fikradaada.

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIG

 

 

GLAMOUR

LD

SOBRANI

 

OGEYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan ay yihiin hantida JT INTERNATIONAL S.A., Shirkad la abaabulay oo ay hirgelisay shuruucda Switzerland ee 8 Rue Kazem Radjavi, 1202 Geneva, Switzerlandiyo in calaamadaha ganacsi ee la mid ah loo isticmaalo waxyaabaha soo socda:

 

Fasalka 34: Tubaakada, ha soo saarin ama aan la soo saarin; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta, tubaakada, tubaakada sigaarka; sigaarka, siga elektarooniga ah, sigaarka, sigaarka; qalalaasaha; Qodobka 34-aad ee sigaar-cabbayaasha; waraaqaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo kulannada

 

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY JT INTERNATIONAL S.A. waxay sheegaysaa dhammaan xuquuqda marka la eego calaamadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya waxayna bilaabi doonaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah qof kasta ama dadka lagu helo in ay isticmaalayaan calaamadaha ganacsi ee kor ku xusan ama calaamadaha kale ee ganacsiga si khalad ah ama isku kalsoon oo isku mid ah ku xad gudbay xuquuqdiisa

 

SOMALIA

 

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIG

 

_______________________

 

(1)Dynabook (2)

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadaha ganacsiga ee kor ku xusan yihiin calaamadaha ganacsiga ee:

 

Dynabook Inc., a Japanese Company of 6-15, Toyosu 5-Chome, Koto-ku, Tokyo 135-8505, Japan

 

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

 

Xiriiriyaha AC; awood qaybinta ama mashiinnada iyo qalabka xakamaynta; Beteriyada la iibsan karo; batariyada iyo unugyada; xirmooyinka bateriga ee kombiyuutarka; rikoodhada dhacdada; kamaradaha dijital ah; qalabka loogu talagalay gudbinta raadiyaha wireless; mishiinnada isgaarsiinta iyo qalabka; qaybo iyo qalabka mashiinada isgaarsiinta iyo qalabka; taleefannada gacanta; taleefannada gacanta; fiilooyinka batteriga ee telefoonka gacanta iyo casriga; qaybo iyo qalabka telefoonka gacanta iyo casriga; daboolo iyo kiisaska telefoonka gacanta iyo casriga; kombiyuutarada shabakada kombiyuutarada, badalayaasha, jidadka iyo hubka; Qalabka kombiyuutarka ee kombiyuutarka; Kaaliyeyaasha digitalka shaqsiyadeed; smartglasses; kombiyuutarada la xakameyn karo; kombiyuutarada la xiro; kombiyuutarada gaarka ah; kumbiyuutar kumbiyuutar mashiinno kale oo elektiroonig ah software ammaanka kombuyuutarka software maareynta kumbuyuutarka nidaamka kombiyuutarka Nidaamka dariiqa dariiqa barafka ah software kale oo kombuyuutar ah Bandhigyada unugyada kombiyuutarada; qalabka kombiyuutarka; jadeecada kombiyuutarka; qalishalay qashinka; qaabka kombiyuutarka; unugyada dekeddaha; kuraasta xasuusta kombiyuutarka; qalabka kombiyuutarka iyo qalabka; faylasha sawirada la soo dejin karo, faylasha fiidiyowga, faylasha filimada via internet; daabacaadda elektarooniga ah; bixinta macluumaadka ku saabsan iibinta ganacsiga; dhexdhexaadinta iibka boostada adoo adeegsanaya internetka; bixinta macluumaad ku saabsan iibinta ganacsiga adoo adeegsanaya internetka iyo boostada elektarooniga ah bixinta macluumaadka iyo qabanqaabinta la-tashiga ku saabsan curinta tignoolajiyada macluumaadka; adeegga tafaariiqda ama adeegga jumlada ee qalabka korontada iyo qalabka; maareynta faylasha kombiyuutarada; maaraynta macluumaadka kumbiyuutarka; ururinta iyo nidaaminta macluumaadka macluumaadka kumbuyuutarka; rakibidda, dayactirka iyo dayactirka qalabka kombiyuutarka; dayactirka ama dayactirka mashiinnada elektaroonigga ah iyo qalabka; dayactirka ama dayactirka mashiinada isgaarsiinta iyo qalabka; ururinta, kala-soocidda, dib-u-warshadeynta iyo tuuridda qashinka warshadaha iyo qashinka.

OGAYSIIS WAXAA KA QAADAYayaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamadaha ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama si kale u jebiya xuquuqda shirkaddaas

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip