Xulka Qaranka Bangladesh oo ka badbaaday weerarkii masaajidka New Zealand

0
Friday March 15, 2019 - 23:07:05 in Wararka by
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qaranka Bangladesh oo ka badbaaday weerarkii masaajidka New Zealand

    Kooxda kubbadda Cricket-ka ee dalka Bangladesh ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkii lagu qaaday masaajidka Christchurch ee dalka New Zealand, gaar ahaan masaajidka Al Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubbadda Cricket-ka ee dalka Bangladesh ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkii lagu qaaday masaajidka Christchurch ee dalka New Zealand, gaar ahaan masaajidka Al Nuur.

maamulaha kooxda Khaalid Mascuud ayaa sheegay in ay masaajidka gaareen 4 daqiiqo ka hor kooxda intii uusan dhicin weerarka, kooxdana ay masaajidka ku sugnaan lahaayeen waqtigii uu dhacayay weerarka.

Wariye Maxamed Cisam oo ka tirsan taleefishinka ESPN ayaa sheegay in uu isaga la socday kooxda, ayna meesha ka baxsadeen markii ay rasaasta bilaabatay, iyaga oo ka baxay dhanka darkiinka, kadibna ay sii aadeen meel lagu badgalay.

"Ciyaartooyda waxa ay maqleen rasaasta, waxay ay arkeen dadka oo albaabka si halhaleel ah uga soo baxaya, qaarna baska ay hoos galeen” ayuu yiri.

Kooxda ayaa la ciyaari lahayd xulka dalka New Zealand maalinta sabtida ah, taas oo hadda la joojiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip