Somaliland oo joojisay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray Hadaaftimo iyo deegaanka Yubbe.

0
Thursday March 14, 2019 - 22:25:50 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo joojisay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray Hadaaftimo iyo deegaanka Yubbe.

    Wararka aanu ka heleyno Deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen shacabka deegaankaasi oo ay ku diidan yihiin dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland. Maamulka Degmada Hadaaftimo ee Punt

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aanu ka heleyno Deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen shacabka deegaankaasi oo ay ku diidan yihiin dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland. Maamulka Degmada Hadaaftimo ee Puntland ayaa dhankiisa beeniyay in Ciidanka Somaliland ay gudaha usoo galeen Degmada balse waxa uu sheegay in wali ay ku sugan yihiin Deegaanka Yubbe oo kudhaw degmadaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray degmada Hadaaftimo iyo deegaanka Yubbe oo Soomaaliland ay ciidamo farabadan soo dhoobtay,isla markaana ay la walaacsan yihiin dadka Shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ka taagnaa xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, kadib markii Soomaaliland ay ciidamo farabadan geysay deegaanka Tubbe ee Bariga Gobolka Sanaag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip