Ma loo sheegay?=Maqaal Xiiso Xambaarsan=

0
Friday March 08, 2019 - 22:46:20 in Wararka by
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma loo sheegay?=Maqaal Xiiso Xambaarsan=

    Maanta intii aan u Soo socday Saaxiibadeey, 6 checkpoint ayaa la igu celiyay. Waxaa la fiirinaa warqadaada Aqoonsiga Heyadda Dowladeed ee aad u shaqeyso iyo Baabuurka aad wadato iyo Ciidanka kuu saaran. Intaba ma heeysto, Shaqaale dowlo ma ihi, Baabu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta intii aan u Soo socday Saaxiibadeey, 6 checkpoint ayaa la igu celiyay. Waxaa la fiirinaa warqadaada Aqoonsiga Heyadda Dowladeed ee aad u shaqeyso iyo Baabuurka aad wadato iyo Ciidanka kuu saaran. Intaba ma heeysto, Shaqaale dowlo ma ihi, Baabuurna malihi.( F.S: 1 & 2aad)

Weligeey Askari kuma xanaaqin waa xushmeeyn jiray, maanta, Malaha kuleylka Maarso ayaa i madax maray, waxaan u xanaaqay sidii Nin Xoog leh. Waxaan Ku iri: Police ma tihid iga hor wareeg. Taliyihii ayaa igu yiri: waadba u jeedaa ee maxaad isku indha tiree.

Waxaan Ku iri: Taliye Dalku waxa uu leeyahay Sharci sheegayo Dareeska Ciidanku sida uu u egyahay, Qof kalena looma ogolo, Dharkii Sharciga Dalku sheegayay Ninkanu ma wato, aan sharciga wada dhowrno, Taliyihii ayaa yiri: waad Naga gar leedahay ee iska soco.

Waxaan Soo xasuustay Ninkii Cudurka Nafsiga ahi Ku dhacay ee Aaminay in uu yahay Inax Masago, haddii uu Doora arkana Ku cararayay Sariirta hoosteeda, waxaa dhakhtarkii uu Ku yiri: war Inax Masago ma tihid, waxaad tahay Dad ee 100 mar Ku celceli, (( waxaan ahay Dad, Inax Masago ma ihi, Doorana ima cuni karto)). ( F.S: 3aad)

Waa caafimaaday Ninkii, Maalin dambe ayaa isaga oo Gurigiisa hor fadhiyo oo Akhyaar la fadhiyo ayaa Dooro Soo hor martay, Gurigii ayuu Ku cararay, Sariirtii ayuuna hoos galay.waxaa lagu yiri: Maxaa Ku helay, Soow laguma dhihin, Dad ayaad tahay, Masago ma tihid, Doorana kuma cuni karto.


Waxa uu yiri: Haa waan fahmay, waadna ii sheegteen in aan Dad ahay oo Dooro eyna i Cuni karin. Laakin arrintaa Doorada ma u sheegteen.

Hadda Anigu waan Aaminsanahay in uu Asgari yahay, Dowladuna Soo dirtay, ee Isaga ma loo sheegay in uu Asgari yahay, Dowladuna ma is ogtahay in ey Dowlad tahay.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip