Ar Numbarka 7 aaaa, waa iga yaabiyay, Adna la yaab !!!.

0
Monday March 04, 2019 - 23:35:01 in Wararka by
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Numbarka 7 aaaa, waa iga yaabiyay, Adna la yaab !!!.

    Suuratul faatixa, furaha qur'aanku waa 7 Aayadood + Riyadii Nabi Yusuf CS uu fasiray waa 7 Sac iyo 7 Sabuul+ Kacbada waxaa la dawaafaa 7 mar + Safa & Maraana waxaa la gulfiyaa 7 mar + Sheydaanka waxaa la dhagax tuuraa 7 mar + Dambiyada waawe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuratul faatixa, furaha qur'aanku waa 7 Aayadood + Riyadii Nabi Yusuf CS uu fasiray waa 7 Sac iyo 7 Sabuul+ Kacbada waxaa la dawaafaa 7 mar + Safa & Maraana waxaa la gulfiyaa 7 mar + Sheydaanka waxaa la dhagax tuuraa 7 mar + Dambiyada waaweyn ee Naarta toos loogu galo waa 7 +

Maalinta Qiyaamaha ee Allaah la hor joogo ee aan Har jirin, kuwa harkiisa Harsanayo waa 7 + Tirada Naartu waa 7 Naarood + Irdaha Naarta laga galana waa 7 ALLA hanaga najeeyo + Asxaabul kahfi waxa ey ahaayeen 7 Nin + Waxaa Jira 7 Cir iyo 7 Dhul + Dabaqyada dhulku Ka Sameeysan yahay waa 7 dabaqadood gudahiisa + Heerarka Uumista Qofku Soo marto markii Carrada laga abuuray illaa uu Ka dhasho waa 7 marxaladood + Nijaasta Doofaarka iyo Eeyga waxaa la iska dhaqaa 7 mar + Kalmadda Beni aadan waxaa Qu’aanka lagu sheegay 7 mar + Qur’aanku waa 7 jalaad + haddii Jiradaadu badato waxaa lagu saaraa 7 khidmo + Maalmuhu waa 7 Maalmood + owlaada Rasuulkeena SCW waa 7 .

Dismooyinka Cajaaibta Aduunka ( seven wonders of the world ) waa 7 dhismo + Orbitka Atomka asaaska nolashu waa 7 + Midabada Aduunku waa 7 ( seven Colors)+ Markaad Aroosto waxaad galee 7 dii Arooska + Markaad dhimato tacsidaadu waa 7 ” todobaad” + isbaheysiga shidaalku waa 7 "seven oil sisters” + xiddigaha Somalidu Ku safarto habeenkii waa 7 ” todobada qiblo” + Numbarka nasiibka Shiinuhu waa 7 ( Chinese lucky number) + Mobile -ka caruurtaadu jeceshahay waa iphone7+ Somaliya waxaa Ka Jira 7 Maamul oo leh 7 Calan + Mapka Somalidu waxa uu u egyahay Number 7 + Waxaan midoownay 1960kii Bishii 7aad. Salaadda markaad sujuudee waxaad dhulka dhigtaa 7 xubnood.

Sug sug , ma is ogtahay, Adiga Jirkaagu 7 meelood ayuu Ka duleelaa.

Ar Numbarka 7 aaaaaa, kuwa kale Ku dar Adigu, wixii Ka khaldanna Ka sax.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip