Maxaa ku khasbaya in qofku uu yiraahdo: wixii aan idin soo gudbiyay, share gareeya!!!

0
Monday March 04, 2019 - 23:20:34 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ku khasbaya in qofku uu yiraahdo: wixii aan idin soo gudbiyay, share gareeya!!!

    Inta aadan waxba sheegin waxna qorin kuna oran dadka share gareeya, waa in aad marka hore iska soo hubisa waxa aad sheegayso ama aad qorayso, kuwa sharka soo gudbiya iyagu xaalkoodu waa cad yahay, aakhiro dan kama lahan, Allahna kama baqaan, haseyees

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aadan waxba sheegin waxna qorin kuna oran dadka share gareeya, waa in aad marka hore iska soo hubisa waxa aad sheegayso ama aad qorayso, kuwa sharka soo gudbiya iyagu xaalkoodu waa cad yahay, aakhiro dan kama lahan, Allahna kama baqaan, haseyeeshe waxaa la yaab leh kuwa khayrka soo gudbinaya oo haddana dadka ku yiraahda: haddii aadan share garayn khayrkan, wax xun baa kugu dhacaya ama haddii aad faafiso khayrkan, khayr baad helaysa ama haddii aadan nebiga ku salin,

nebiga ayaad neceb tahay iyo wax la mid ah, iyadoo ay dhici kartaba in qisada ay leeyihiin hala faafiyo in ayba tahay qiso been abuur ah ama xadiiska ay leeyihiin hala faafiyo in uuba yahay xadiis been abuur ah oo aan asalba lahayn.

Arrimahaasi oo dhanna ma’ahan wax shaqo ku leh asluubta iyo qaabka dacwada loo gudbiyo, kuwa soo gudbinaya wax aysan hubin ama gudbintiisaba ay denbi ka qaadayaan oo haddana dadka ku yiraahda share gareeya, waxay ujeeddadoodu tahay, ha lagu barto ama lacag ku hel ama ha lagu sheeg sheego ama dadka is tus, ciyaadan billaahi.

Fudaydka looma baahna, Allah wuxuu yiri: kuwii xaqa rumeeyay, hadduu war idin la yimaado qof faasiq ah, iska hubiya warka, si aydan qoon u dhibin ogaansho la’aan, dabadeedna aad noqotaan kuwa ka shallaaya wixii aad fasheen (Al Xujuraat: 6), Allah wuxuu yiri: wax kastoo lagu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid oo wax kasta qori (Qaaf:18), Allah wuxuu yiri: aqri kitaabkaaga isagaa maanta kugu filan xisaabe (Al isra’: 14), yacni aqri wixii aad adduunka ku samaysay.

Kuwa dadka ku khasbaya share garaynta ama iyaga iska sheekaynaya ama wixii ay soo mareen ka sheekaynaya, waa in ay dib ugu noqdaan aayaadka Allah, Allah wuxuu yiri: adiga wax u sheeg oo waani, waanaduna waxay anfaci oo wax u tari dadka mu’miniinta ah, (Adaariyaat: 55), macnaha adiga howshaada waa intaas marka aad wanaagga sheegto waxaa ka faa’ida mu’miniinta oo quluubtooda iimaanka ku sugan.

Allah wuxuu yiri: adigu waxaad tahay dige oo waxaad u digi qofka baqaya oo Allah ka baqaya oo ka baqaya maalinta qiyaamaha (Annaazicaat: 45), Allah wuxuu yiri: waani oo khayrka dadka u sheeg adigu waxaad tahay waaniye (Alghaasiya: 21), macnaha Muxammadow, addoomadeyda gaarsii aayaadkanaga, waxaan kuu soo dirnay in aad dadka ku waaniso oo aad xusuusiso una sheegto nimacadeyda.

Ahlu cilmiga marka ay dadka u wacdinayaan iskama sheekeeyaan, waxay soo qaataan qowlka Allah iyo qowlka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam, qisooyinkana waxay ka soo qaataan qur’aanka, anbiyada, asxaabta rasuulka, taabiciinta iyo ahlu cilmiga.

Wadaadka ka sheekaynayo waxbarashadiisa iyo ehelkiisa iyo sheekooyinkiisa khaaska ah wuxuu doonaya in dadka caamada ahi uu is baro, kana baqaan, hayeeshe dhaalibul cilmigu wuxuu doonaya in uu barto cilmiga sharciga ah, sida: towxiidka, axaadsiista saxiixda ah iyo wax la mid ah ee maahan in maanta oo dhan looga sheekeeyo sheekooyin khaas ah ama kuwo dhalanteed ah, sidaas darteed khayrka sheeg, hadalkaaguna ha noqdo: qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallam iyo qowlka asxaabta rasuulka iyo qowlka ahlu cilmiga.

e-mail:mohamedein@hotmail.com

facebook: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen Maxamedeyn

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip