Hordhac: Liverpool v West Ham – Kulan Ah Ku Celiskii Finalka FA Cup Ee 2006 Oo Caawa Ka Dhacaya Anfield.

0
Saturday January 30, 2016 - 14:01:47 in Sports News by
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool v West Ham – Kulan Ah Ku Celiskii Finalka FA Cup Ee 2006 Oo Caawa Ka Dhacaya Anfield.

    Kulanka: Liverpool v West Ham Garoonka: Anfield Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Liverpool v West Ham Garoonka: Anfield Waqtiga: 8:30pm Saacada Geeska Afrika

Liverpool ayaa diiradeeda u weecineysa koobka FA Cup maanta iyadoo martigelinaya kooxda West Ham iyadoo kulankaan uu yahay mid u dhaxeeya labo kooxood oo Premier League ah oo isku arkaya wareega afaraad ee FA Cup iyadoo kulankaan uu ka dhici doono Anfield.

Kulankaan ayaa ah ku celiska finalkii xamaasada laheyd ee 2006 oo uu Steven Gerrard ku hogaamiyay guusha Liverpool inkastoo rigoroe lagu kala baxay, markaas ayaana aheyd markii ugu danbeysay ee ay Reds koobka ku guuleysato halka ay aheyd markii ugu danbeysay ee ay West Ham finalka gaarto.

liverpool-vs-west-ham-united

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaan ciyaari doonin kulanka wareega afaraad ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan kooxda West Ham.

Dejan Lovren ayaa ku soo laaban kara shaxda kooxda Liverpool markii ugu horeysay ka dib lix kulan oo uu ku maqnaa dhaawac muruqa ah.

West Ham waxaa ka maqnaan doona seddex weeraryahan oo kala ah Andy Carroll, Diafra Sakho iyo Manuel Lanzini oo dhamaantood dhaawac ah.

Tababare Slaven Bilic ayaa rajeynaya in Mark Noble uu taam noqdo inkastoo uu duray ama hargab ku seegay maalintii khamiista.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:Mignolet; Clyne, Lovren, Sakho, Moreno; Henderson, Allen, Can; Milner, Benteke, Jordan Ibe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip