TARJUMAAN iyo ODEY MASEYRSAN: "Waxaad u baahan tahay inaad HANI isticmaasho"

0
Saturday January 30, 2016 - 12:41:52 in Maqaallo by
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TARJUMAAN iyo ODEY MASEYRSAN: "Waxaad u baahan tahay inaad HANI isticmaasho"

    Odey 65 jir ah oo gabar xaafadda ugu jirtay guursaday, misena dhalinyarada uga maseyra ayay dhibaato dhanka maseyrka ah qabsatay kaddib markii uu nin u tarjumayey qalad ugu tarjumay meel Isbitaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odey 65 jir ah oo gabar xaafadda ugu jirtay guursaday, misena dhalinyarada uga maseyra ayay dhibaato dhanka maseyrka ah qabsatay kaddib markii uu nin u tarjumayey qalad ugu tarjumay meel Isbitaal ah.

Si aad sheekada u fahamto ninka Xaaskiisa waxaa la dhahaa HANI, waa gabar dhawr iyo toban jir ah, aad ayuu u jecel yahay, maseyrna waa uu dilay maadaama ay qurxoon tahay, bashaashna tahay, Dukaan isaga u furay ayeyna gaddaa, dukaanka iyo Isbitaalka isku xaafad ayey ku yaalaaan.

Ninkii iyo dhaqtarkii iyo Tarjumaankii qisadan ayaa dhex martay.
ODEYGII: Dhaqtarow waa aan xanuunsan ahay, jirka oo dhan baa i dikaamaya.


TARJUMAAN: Doctor I am sick, all my body is not good.
DAQTAR: What is your problem, what do you feel exactly?
TARJUMAAN: Muxuu yahay Borobaleemkaaga, Intee Eksaktali ku xanuuneysa?
ODEYGII: Todobaad dhan ma saxaroon, lafo burburna waan qabaa.
TARJUMAAN: I didn’t poop for seven days, and I have bone fracture.
DHAQTAR: Where is the fraction, what happened when he got fractured?
TARJUMAAN: Aaway jabka, maxaase kugu dhacay markii aad jabeysay?
ODEYGII: Adeer ma jabine waa kor burbur, ma jabni adeer.
TARJUMAAN: Uncle I am not fractured, it is body fracture, I am not broken.
DHAQTAR: Oh! I see, you mean exhausted?
TARJUMAAN: AH! Waan arkaa, waxaad ula jeeddaa diihaal baa i haya?
ODEYGII: Haa adeer, waa saas.
TARJUMAAN: Yes uncle, it is so.
DHAQTAR: So, you need to use honey and hot water.
TARJUMAAN: Waxaad u baahan tahay in aad HANI isticmaasho.
ODEYGII: Hani isticmaalkeeda maxaa ka galay, muu dawo noo qoro.
TARJUMAAN: Why do you care the use of Hani, write me down medicine.
DHAQTAR: Honey is good, I always use honey when I am exhausted or constipated.
TARJUMAAN: Hani waa ay wanaagsan tahay, anigana mar walba oo aan diihaal dareemo ama calool fadhi Hani baan is isticmaalaa.
ODEYGII: Wuxu miyuu waalan yahay, halkeebuu ku arkay Hani?
TARJUMAAN: Are you mad, where did you get Hani?
DHAQTAR: At the shop.
TARJUMAAN: Dukaanka.

Intaas markii uu Tarjumaankii yiri Odeygii dhaqtarkii ayuu ku bilaabey in uu la dhaco ushii uu ku tukubaayey. Waana laga celin waayey, wuxuu ku qeylinayaa maxaa naagteyda u geeyey, siduu ii dhihi karaa naagtaadii baan isticmaalaaye adigana isticmaal.

Qayladii waxaa ku soo baxay waardiyeyaashii isbitaalka, Odeygii banaanka ayaa loo saaray, kaddib isaga oo careysan ayuu gurigiisii aaday, gabadhii oo dukaankeeda gadaneysa ayuu ku yiri: WAAD IGA FURAN TAHAY, BAX GAALKA ISBITAALKA JOOGA EE MARKII UU DAALABA KU ISTICMAALA U TAG.

Gabadhii oo yaaban oo is leh Odayga miyuu waashay, ayaa carartay, wayna owsay markii uu odeyga u sheegay in ay ka furan tahay.

Aabaheed ayey u tagtay, waxaa ay ku tiri, Ninkii wuu i soo furay, wuxuu leeyahay Gaalka dhaqtarka ah ee Isbitaalka jooga ayaa ku isticmaala, mana garanaayo gaalka uu sheegaayo. Odeyga gabadha dhalay ayaan ka sugeynaa tallaabta uu ka qaado Odeyga maseyrsan iyo tarjumaankii qaladka wax ugu tarjumay.

Waxaa Diyaariyay:Abukar Albadri



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip