Inkastoo uu wareega 16-ka Europa League gaaray, Sarri ayaa qarka u saaran in la ceyriyo ka hor kulanka axada kooxdiisa wajaheyso Finalka Carabao Cup Manchester City iyo kulanka Arbacada Premier League ay ku wajahayaaan Tottenham Hotspur.

Holland, oo ah kaaliyihii hore ee Chelsea, ayaa loo arkaa inuu yahay mid caawin kara kooxdiisii hore inta ka dhiman xilli ciyaareedka haddii xiriirka kubada cagta Ingariiska uu ku qancin karo inuu qabto shaqada Stamford Bridge.