Madaxweynaha Venezuela oo sheegay in uu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil

0
Friday February 22, 2019 - 23:19:04 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Venezuela oo sheegay in uu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil

    Nicolás Maduro Madaxweynaha Venezuela ayaa shaaca ka qaaday inuu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil xilli lagu muransan yahay gargaarka ban'iidanimo ee dalkaasi la geynayo. Maduro waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka baaraandeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nicolás Maduro Madaxweynaha Venezuela ayaa shaaca ka qaaday inuu xirayo xadka dalkiisa uu la wadaago Brazil xilli lagu muransan yahay gargaarka ban'iidanimo ee dalkaasi la geynayo. Maduro waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka baaraandegayo in uu albaabada isugu dhufto xadka Colombia si uu ugu hortaggo baaburta sida gargaarka oo uu halkaasi kasoo gudbinayo hoggaamiyaha mucaaradka.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay kamid tahay qorshaha Mareykanka uu ku doonayo inuu xukunka kaga tuuro

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Juan Guaidó ayaa horkacaya kolonyo baabuur ah oo ka baxday magaalada caasimadda ah ee Caracas si ay xadka Colombia uga soo qaadaan gargaarka

Juan Guaidó ayaa sheegay inuu yahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalkaasi, waxaana aqoonsaday dalal dhowr ah oo uu kamid yahay Mareykanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip