Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya oo si rasmi ah.

0
Friday February 22, 2019 - 23:11:10 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya oo si rasmi ah.

    Magalada Muqdisho waxaa todobaadkaan soo gaaray safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya,isaga oo si rasmi ah Shaqadiisa uga bilaabay Magalada Muqdisho. Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya Ben Fender OB

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Muqdisho waxaa todobaadkaan soo gaaray safiirka Cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya,isaga oo si rasmi ah Shaqadiisa uga bilaabay Magalada Muqdisho. Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Shaqada Cusub ee loogu soo igmaday Soomaaliya si wanagsan uu u gudan doono,kadib Muuqaal lasoo dhigay Barta Twitter-ka.

Ben Fender OBE ayaa bedelay safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dowladda Ingiriiska David Concar,waxaan uu horay uga soo shaqeeyay wadamo ay ka mid yihiin, Afghanistan, Iran, France iyo Sierra Leone.

Si kastaba dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay ka mid tahay Dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana safaaradeeda ay ku taallaa Gudaha xerada Xalne ee Magalada Muqdisho oo ay u joogaan saraakiil taageera siiya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip