Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada AMISOM Oo Qarax Lala Eegtay

0
Friday February 22, 2019 - 20:30:56 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada AMISOM Oo Qarax Lala Eegtay

    Gelinkii dambe ee Maanta ayaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kolonyadaan ayaa xili ay marayeen deegaanka Ilbaq ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe qarax lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kolonyadaan ayaa xili ay marayeen deegaanka Ilbaq ee ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad,waxaana lala eegtay Miinada dhulka lagu aaso,waxaana dad ka Agdhawaa halkaasi ay sheegeen in ay haleeshay mid kamid ah Kolonyadii Ciidamada AMISOM.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaaro uu ka dhashay qaraxaas,balse aan la cadeyn karin maadaama goobta ay tahay Dhul howd ah oo isku-socodka dadka iyo gaadiidka ay ku yaryihiin.

Ciidamada AMIOSM ee la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay in ay kusii jeedeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ,iyadoona qaraxa kadib ay fureen rasaas xoogan,waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Xooga dalka.

Mas’uuliyiinta Degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM inta weli kama hadlin qaraxaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip