Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto Afduubka Wariye Mareykan ah oo la soo taagay Maxkamad

0
Friday February 22, 2019 - 20:21:12 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali ah oo loo heysto Afduubka Wariye Mareykan ah oo la soo taagay Maxkamad

    Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soo muuqday muwaadin Soomalaiyeed, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka, kaasoo loo heysto eedeymo la xiriira Afduub loo geystay wariye Mareykan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa waxaa ka soo muuqday muwaadin Soomalaiyeed, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka, kaasoo loo heysto eedeymo la xiriira Afduub loo geystay wariye Mareykan ah.


Cabdi Yuusuf Xasan ayaa wajahayaa Kiis la xiriira afduub dhacay sanadkii 2012, kaasoo koox Burcad badeed Soomaali ah afduub ku qabsadeen Wariye Mareykan ah, iyagoo heystay muddo saddex sano ah, waxeyna sii deyntiisa ku xireen xilligaas lacag madax furasho ah oo gaaraya Mallaayiin Doolar.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu muuqaal ka wacay qoyska Wariyaha, una sheegay inay bixiyaan 20 milyan oo dollar.

Wariyahan oo heysta dhalashada Mareykanka iyo dhalasho dal kale ayaa sanadkii 2012 lagu afduubtay agagaarka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxaana Wariyaha la sii daayay bishii September ee sanadkii 2014.

Cabdi Yuusuf Xasan oo ku dhashay magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa xabsiga lagu sii heynayaa, waxaana maxkamada ay sheegtay in mar kale dib la isugu soo laaban doono, si loo sii ambaqaado dacwada loo heysto.

Waxaa si gaar ah isaga loogu eedeynayaa in uu Muuqaal ka wacay qoyska Wariyaha una sheegay iney iska bixiyaan $20Milyan oo doollar haddii ay doonayaan nolosha wiilkooda, taasoo qoyska qasab ku noqotay.

Mr Cabdi Yuusuf ayaa sheegay inuu la shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug, isla markaana uu qeyb weyn ku lahaa sii deynta wariyaha lagu afduubtay Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip