Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle oo bilowday horumarinta Ciyaarta Kubbada Kolayga

0
Monday February 18, 2019 - 19:42:32 in Wararka by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle oo bilowday horumarinta Ciyaarta Kubbada Kolayga

    Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiga Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka bilowday magaalada Jowhar barnaamij lagu horumarinayo ciyaarta kubbada kolayga oo dib u dhac weyn ku yimid sanadihii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Dhalinyarada iyo isboortiga Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ka bilowday magaalada Jowhar barnaamij lagu horumarinayo ciyaarta kubbada kolayga oo dib u dhac weyn ku yimid sanadihii la soo dhaafay.


?
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle ayaa maanta ka qeybgalay howl lagu nadiifinayay garoonka kubbada koleyga ee gobolka magaalada Jowhar oo sanadihii la soo dhaafay aan lagu ciyaarin ciyaarta kubbada kolayga.

Howlaha nadiifinta ah ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Jowhar iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo kamid ah ciyaartoydii caanka ku ahayd ciyaarta kubbada kolayga una ciyaari jirey xulka kubbada kolayga gobolka Sh/dhexe.

Siciid Xagar Camalow iyo Yuusuf Ibraahim "Yuusuf Dheere”oo kamid ahaa ciyaartoydii siddeetameeyadii u ciyaari jirtey xulka kubbada kolayga Sh/dhexe ayaa ka sheekeeyay taariiqdii hore ee kubbada kolayga gobolka Sh/dhexe.

"Xulka kubbada kolayga wiilasha Sh/dhexe waxay labo jeer galeen kaalinta 2aad ee tartanka ciyaaraha gobolada halka xulka gabdhahana ay siddeed jeer ku guuleysteen kaalinta 1aad tartanka ciyaaraha gobolada.”ayuu yiri Siciid Xagar Camalow.

"Gobolka Sh/dhexe waxa uu ahaa gobolka kaliya marka laga reebo caasimada dalka ee Muqdisho ee ay ka dhisneyd koox kubbada kolayga heer koowaad ah ama Seria A,waxayna ahayd kooxdii Somalitex ee warshada dharka Balcad oo markii dambe loo bixiyay kooxda Sancada.”ayuu yiri Yuusuf Dheere.

Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Dowlad Goboleedka Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle oo laftiisu ka mid ahaa ciyaartoydii hore u ciyaari jirtey kubbada kolayga ayaa sheegay in Dowlad goboleedka Hirshabelle ay bilowday barnaamij loogu magac daray "HORUMARINTA HIRSHABELLE” taasoo ah mid lagu doonayo in lagu hormariyo deegaanada ay ka kooban tahay Hirshabelle.

"Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle waxa ay qorsheynaysaa in ay dayactirto garoomada ciyaaraha kala duwan maadaama isboortigu uu yahay mid bulshada u horseeda horumarka.”ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Hirshabelle C/qani Cabdulahi Hilowle.

Garoonka Kubbada Kolayga gobolka ee magaalada Jowhar oo maanta howlaha nadiifinta laga sameeyay ayaa ah garoonka kaliya ee ka badbaaday burburkii dowladii hore iyadoo illaa siddeed garoon ay hore uga dhisnaayeen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

garoonka kubbada kolayga magaalada jowhar
9of 9
?
?
?
?
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip