Dalalka marti gelin doona tartamada CECAFA ee 2019 oo lagu dhawaaqay.
Intii uu socday kulanka wada-tashiga ah ayaa madaxda CECAFA waxay isla garteen in sanadkan la qabto 7 tartan, waxaana la shaaciyay wadamada marti gelinaya cayaaraha sanadkan.
Tarmada ayaa dhici doona laga bilaabo dhamaadka bisha june ilaa iyo dhamaadka bisha December ee sanadkan, waxaana dhamaan tartamada maal gelin doonta hey’ada FIFA.
Tartanka wiilasha da’doodu ka yartahay 17-ka sano wuxuu ka dhici doonaa dalka Eritrea, halka isla tartankaas oo gabdho ah lagu qaban doono dalka Kenya. Cayaaraha gabdhaha iyo wiilasha ay da’doodu ka yartahay 20-ka sano ayaa iyana ka dhici doona dalka Uganda, halka tartanka gabdhaha waaweyn uu ka dhici doono dalka Tanzania.
Cayaaraha naadiyada ee Kagame Club Cup ayaa dib ugu laban doona dalka Rwanda oo sanadkii hore lagu qabtay, halka Cayaaraha qaramada waaweyn ay ka dhici doonaan dalka Uganda.
Madaxda xiriirka kubbadda Cagta dalka Tanzania ayaa kulanka CECAFA warbixin ay usoo gudbiyeen ku sheegay in dalkoodu si wanaagsan ugu diyaarsan yahay martigelinta cayaaraha qaramada Afrika ee da’doodu ka yartahay 17-ka ano oo bisha April ee sanadkan ka dhici doona Tanzania.
Dalka Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa dhamaan tartamada CECAFA ee sanadkan dhacaya marka laga reebo kuwa hablaha maadaama Soomaaliya aanay lahayn hablo kubbadda Cagta cayaara.
Dalalka marti gelin doona tartamada CECAFA ee 2019 oo lagu dhawaaqay.
Ururka kubbadda Cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa shaaciyay dalalka marti gelin doona cayaaraha CECAFA ee sanadka 2019-ka. Arrintan waxaa lagu shaaciyay war saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye,