Weerar xoogan oo ka dhacay degmada janaale.

0
Monday February 11, 2019 - 12:23:13 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar xoogan oo ka dhacay degmada janaale.

    Wararka ka imaanaya degmada janaale ayaa waxa ay kusoo waramayaan in degmadaasi uu xalay dagaal culus ku dhax maray xoogaag ka tirsan alshabab iyo ciidanka dowlada Somalia oo garabka ka helaya kuwa Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka oo ka dagay diy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada janaale ayaa waxa ay kusoo waramayaan in degmadaasi uu xalay dagaal culus ku dhax maray xoogaag ka tirsan alshabab iyo ciidanka dowlada Somalia oo garabka ka helaya kuwa Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka oo ka dagay diyaarado dagaal ayaa duleedka Degmada Janaale waxa ay isaga hor yimaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal culus.

Wallow aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi Ciidamada Huwanta ku dhexmaray Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa haddana Saraakiil ka tirsan Dowladda waxa ay sheegeen Shabaab in khasaare lagu gaarsiiyay weerarka.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa bar bar socday duqeyn Diyaarado ay ka fuliyeen gudaha Degmada Janaale, duqeyntaasi oo meelo kala duwan oo Magaalada ka mid ah ku dhacday.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen in ay ku dhacday guryo qaar oo dad shacab ah ay dagan yihiin,halka ay jiraan goobo Shabaab ay ku sugnaayeen duqeynta qaar inay ku dhacday Sida Saraakiil ay xaqiijiyeen.

Marka laga soo tago sheegashada saraakiisha dowlada Somalia ee ku aadan weerarkaasi alshabab wali kama aysan hadlin dagaalka kadhacay Degmada Janaale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip