Qadar ayaa horay cagta u soo marisay xulka Imaaraadka Carabta ee marti galiyay koobkan, kuwaasoo ay kusoo garaaceen 4-0, si ay ciyaarta kama dambeysta ah ugu soo gudubto.

Waxay horay guul darro u soo bidday xulka Sacuudi Carabiya, iyadoo la ogyahay in Imaaraadka iyo Sacuudiga uu khilaaf xooggan oo siyaasadeed kala dhexeeyo dowladda Qadar.

Ciyaartii Fiinaalka ee dhacday Jimcadii ayaa ahayd mid si weyn loo wada sugayay natiijadeeda.

Almoez Ali oo weerarka uga ciyaara xulka Qadar ayaa dhaliyay goolkiisii 9-aad ee tartankan wuxuuna noqday ciyaartoygii goolasha ugu badan abid ka dhaliyay 1 tartan oo koobka Aasiya ah.

Abdulaziz Hatem ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, ka hor inta aysan Japan la imaanin 1 gool.

Gool saddexaad oo uu Akram Cafif u dhaliyay xulka Qadar ayaa u sii dheereeyay hoggaanka, iyadoo natiijadaas 3-1-ka ah ay ku dhamaatay ciyaarta, waxayna guul taariikhi ah halkaas ku raacday ciyaartoyda Qadar.

Qadar oo ah waddan ay cimiladiisu kulushahay ayaan taariikh fiican ku lahayn ciyaaraha kubadda cagta, waxaana iyadoo arrimahaas la cuskanayo muran galinayay go’aanka ay FIFA ugu oggolaatay marti galinta ciyaaraha koobka adduunka ee 2022-ka.