Atarisho caan ah oo Alex Iwobi ku tilmaantay Daanyeer

0
Wednesday January 30, 2019 - 00:03:56 in Wararka by
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atarisho caan ah oo Alex Iwobi ku tilmaantay Daanyeer

    Atarishada Bollywood-ka ka tirsan Esha Gupta ayaa aflagaado ku saleesan cunsurinimo u geesatay cayaaryahanka kooxda Arsenal u cayaaro una dhashay dalka Nigeria Alex Iwobi. Baraha bulshada ayaa siweyn loogu weeraray Esha Gupta oo Arsenal taageero u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atarishada Bollywood-ka ka tirsan Esha Gupta ayaa aflagaado ku saleesan cunsurinimo u geesatay cayaaryahanka kooxda Arsenal u cayaaro una dhashay dalka Nigeria Alex Iwobi. Baraha bulshada ayaa siweyn loogu weeraray Esha Gupta oo Arsenal taageero u ah kadib markii lasoo dhigay fariin qoraaleed ay si dhaafsadeen qof taageero u ah Arsenal barta Instagram-ka isku dhaasfsadeen waxaana qoraalada Esha ku jiray inay Alex Iwobi ku tilmaantay Danyeer ma gudbe ah! Esha Gupta oo ah taageero Arsenal mayal adag sidoo kalena marar kala duwan garoonka Emirates soo booqatay ayaa ka carootay guuldaradii 3-1 kooxdeeda Arsenal kala kulantay Man United Jimcadii aan kasoo gudubnay kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Esha Gupta oo 33-jir ah waxay barta Instagram-ka ku leeyahay 3.4-milyan oo saaxiibo ah halka Twitter-ka ay ku leedahay 412,000 oo saaxiibo ah balse dhamaantooda xidigtan ayay ku kaceen madaama ay Alex Iwobi ku tilmaantay Danyeer nooca Gorilla loo yaqaan.

QoraalkaEsha Gupta iyo qof taageeroArsenalu ah is dhaafsadeen asigoo turjuman hoos kaga bogo wuxuu ahaa qoraal WhatsApp la isugu diray laakiin Instagram-ka ay si ku tala gal ah Esha gupta usoo dhigtay kadibna meel walbo ku faafay:

Qoraalka Esha Gupta:

Xal waa in loo helaa cayaartooyda garbaha nooga cayaaraan.

Ma arki kari midka wajiga Gorilla-ha leh kaasi oo garbaha ka ordo

Waa shaqsi aad u xun oo aan waxba tareyn

Qoraalka loogu jawaab celiyay (Varun_Gupta17)

haha haha haha haha haha haha

Anigaba daacad ahaan waan kula qabaa midaas, balse maxay keed u galin waayeen.

Qoraalka Esha Gupta:

Waxaan u maleynaa isbadalkii muuqaaleed ku socday inuu istaagay

Weli iskama uusan badalin Neanderthal mana uusan noqonin bini aadan!!!

Neanderthal:waa nooc ka mid ah noolihii dunidan soo maray ee bini aadanka aad uga duwanaa sidoo kalena Daanyeer aan ahayn waxaa lagu saleeyaa isbadalada bini aadanka fikradii Charles Darwin qayb ka ah in bini aadanka Daanyeer marxalado badan oo isbadal ah soo maray waa aragtidii Charles Darwin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip