Inta badan kooxaha ka qayb galaya isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka ayaa la ogayahay iyada oo waliba la shaaciyay lambarada ay kooxahnii kaga qayb gali doonaan isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka. Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa ah labada kooxood ee waa wayn ee ilaa hadda wareega shanaad u soo baxay.

Chelsea oo ah kooxda koobka FA Cupka difaacanaysa ayaa ku soo biirtay liiska kooxaha iska xaadiriyay wareega shanaad kadib markii ay 3-1 ku dhufatay kooxda Sheffield Wednesday iyada oo Blues sii xoojisay in ay horumar kale ka samayn karto koobka kale oo maxali ah kadib markii ay hore u soo gaadhay finalka EFL Cupka.