Waligaa maku fikirtay in Saxaradaadu ay deeq loo baahan yahay noqoneyso?

0
Sunday January 27, 2019 - 09:16:15 in Wararka by
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waligaa maku fikirtay in Saxaradaadu ay deeq loo baahan yahay noqoneyso?

    Claudia waxay dooneysaa iney dadka kale ku dhiirri galiso sidii ay saxaradooda ugu deeqi lahaayeen Claudia Campanella, oo 31 sano jir ah, waa ardayad dhigata jaamacad ku taalla dalka Ingiriiska, xilliga aysan wax barashada ku jirinna waxay ku deeqda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Claudia waxay dooneysaa iney dadka kale ku dhiirri galiso sidii ay saxaradooda ugu deeqi lahaayeen Claudia Campanella, oo 31 sano jir ah, waa ardayad dhigata jaamacad ku taalla dalka Ingiriiska, xilliga aysan wax barashada ku jirinna waxay ku deeqdaa saxaradeeda. "Qaar ka mid ah saaxiibadey waxay u maleeyaan in arrintan ay tahay wax lala yaabo ama laga yaqyaqsoodo, laakiin aniga wax walwal ah iguma heyso. Aad bay u sahlan tahay inaan ku deeqo, kaliya waxaan doonayaa inaan gacan ka geysto cilmi barista caafimaadka. Waan ku faraxsanahay inaan saxaradeyda uga qeyb qaato", ayey tiri Claudia. Saxaradeeda oo si "wanaagsan" loo habeeyay ayaa la dhex galinayaa qof xanuunsan calooshiis, si looga caawiyo in mindhicirradiisa jirran ay soo

Claudia CampenellaLahaanshaha sawirkaALZIRA G DELLA RAGIONE Image captioncaafimaadaan.

Claudia waxay ogtahay in deeqda saxarada ah ee ay bixiso ay wax weyn tarto - taas ayaana ah sababta ay howshan u qabato - laakiin saxaradeeda ma mid si gaar ah khaas u ah baa?

Seynisyahannada ayaa aaminsan in dadka qaar saxaradooda ay ka koobantahay bakteeriyo lagu caafimaado oo wax ka qaban karta cudurrada ku dhaca mindhicirrada, waxayna dadkaas ku tilmaamaan deeq bixiyeyaasha ugu wanaagsan.

Ma jirto wax caddeyn ah oo loo hayo in saxarada dadka aan hilibka cunin ay ka fiican tahay Saxarada dadka kale ee caadiga ah, hase ahaatee khubarada ayaa ku dadaalaya iney ogaadaan waxa ay khaaska u noqotay oo loogu dawoobo.

Dr Justin O'Sullivan waa khabiir ku takhasusay cilmiga caafimaadka oo ka howl gala jaamacadda Auckland wuxuuna baaritaan ku hayaa Saxaradan khaaska ah.

Saxarada ugu fiican?

Mindhicirradeennu waxay hoy u yihiin malaayiin cayayaan ah oo ku dhex nool.

In kastoo cilmiga ku saabsan habka sameysanka saxarada uu wali ku cusubyahay caafimaadka, cadeymo lagu helay daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in dadka qaar ay soo saaraan saxarada ugu fiican eek u haboon shaqada daaweynta mindhicirrada howlgabka ah.

bowelLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMindhicirrada ayaa hoy u ah malaayiin cayayaan ah

Dr O'Sullivan ayaa yiri: "Waxaan aragnaa in saxarada ka soo baxday deeq bixiyeyaasha wanaagsan ay keento isbaddal caafimaad ah oo xitaa ka sarreeya sida celcelis ahaan loo maleynayay.

"Rajadeennu waa in aan helno sida ay arrintan u dhacdo, ka dibna waxaan horumar sii gaarsiin karnaa habka ay saxaradu u sameysanto".

XIGASHO :-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip