Waa Maxay Sababta Ay Qatar Iyo Japan Uga Soo Muuqanayaan Copa America Sanadkaan?

0
Friday January 25, 2019 - 21:27:40 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sababta Ay Qatar Iyo Japan Uga Soo Muuqanayaan Copa America Sanadkaan?

    Wadamada ku bahoobay xiriirka kubadda cagta qaaradda koonfurta America ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano (Conmebol) waxey ka kooban yahiin kaliya 10-wadan, balse waxaa mar lasoo hadal qaaday in lagu soo daro wadamo dheeri ah si qaab dhisme

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada ku bahoobay xiriirka kubadda cagta qaaradda koonfurta America ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano (Conmebol) waxey ka kooban yahiin kaliya 10-wadan, balse waxaa mar lasoo hadal qaaday in lagu soo daro wadamo dheeri ah si qaab dhismeedka tartana u noqdo mid qurux badan. Si hordhac ah waxaa loo soo hadal qaaday in lagu daro lix wadan, saddex waqooyiga America ah iyo saddex ka socota qaaradda Asia, si loo abuuro tartan 16-wadan ah oo qurux badan isla markaana la jaan qaadi kara tartamada qaaradaha kale.

Sanadkii 2016 markii sanad guuradii 100-aad ee xiriirkaas tartankii lagu maamuusayay lagu qabtay United States (Mareykanka) ayaa 16-wadan laga dhigay waxaana lagu kabay 6-wadan oo ka socda qaaradda waqooyiga America waxeyna kala ahaayeen: Mexico, Haiti, Panama, USA, Jamaica & Costa Rica.
 

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana xiriirka Conmebol go’aan ku gaareen May 2018 in tartanka uu raaco qaabkii hore ee soo socday tan iyo 1993, taasoo aheyd 12-wadan, waxaana sanadkaan lagu casuumay labada wadan ee qaaradda Asia ka socda Qatar oo ah martigaliyayaasha koobka Adduunka 2022 iyo dalka Japan.

Yey La Ciyaari Doonaan Qatar Iyo Japan?

Qatar oo isku diyaarineysa koobka Adduunka 2022 waxey group-ka isku arki doonaan Lionel Messi oo u hanqal taagaya inuu koobkiisii ugu horreeyay la qaado qarankiisa heerka sare, sidoo kael Colombia iyo Paraguay ayaa kula mideysan group-ka B.

Japan waxey la ciyaari doonaan Uruguay, Chile & Ecuador oo ku wada jira group C.

Miyey wadamadaan horay u ciyaareen Tartankaan?

Japan waxey tartankaan ciyaartay 1999 markaas oo lagu qabtay Paraguay, waxey markaas galeen halka ugu hooseysa group-kooda oo ka koobnaa (Japan, Peru, Paraguay iyo Bolivia), waxeyna heleen kaliya 1-dhibic kadib barbaro ay la galeen Bolivia.

Qatar waligodo ma ciyaarin tartankaan.

Sidoo kale 2015 waxaa tartankaan lagu casuumay Mexico iyo Jamaica.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip