Ceebta Alla ha asturo, Aduunyo waa xumaatay=Nasashada Jimcaha.Q-132aad=

0
Friday January 25, 2019 - 19:53:27 in Wararka by
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceebta Alla ha asturo, Aduunyo waa xumaatay=Nasashada Jimcaha.Q-132aad=

    1-Faarax Waal ayaa arkay saaxiibkiis oo Wabiga dhinaciisa ku ooynayo. Waxa uuna ku yiri: Maxaad la ooynee?. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Sokor ayaan wabiga ku shubay, markii aan dhadhamiyayna Biyihii isma bedelin. Faarax ayaa inta uu qoslay ku yiri: war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Faarax Waal ayaa arkay saaxiibkiis oo Wabiga dhinaciisa ku ooynayo. Waxa uuna ku yiri: Maxaad la ooynee?. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Sokor ayaan wabiga ku shubay, markii aan dhadhamiyayna Biyihii isma bedelin. Faarax ayaa inta uu qoslay ku yiri: war siduu ku macaanaa Wabigu maba aadan ku walaaqin sokortiiye. Labadaan yaa waalan (F.S: 1aad) ( Masuul ayaa yiri: Doorasho Cadaalad ah ayaa Baydhabo la igu Soo doortay, shiikhii ayaa yiri: Al Xaq, waa runtaa anna waan ku dhaarinayaa ) 2- Xassan oo Macallin ahaa, ayaa Hargeso laga soo bedelay loona soo bedelay Xamar, Hooyadii ayaana ku tiri: Dadka reer koofureed Sixir ayey yaqaaaniin ee Ha u dhawaan. Shaqadiisa ayuuna isku koobay , isaga oo la fadhiya Adeerkii Xaafadda Waaberi oo Sigaar u shidan yahay, ayaa waxaa u yimid wiil dhalin yaro ah oo Sigaar in uu ka shito rabo, kuna yiri: Macalinka weyn, dabka iigu qabo. Xassan ayaa yiri: Noow war yaa u sheegay in aan Macallin ahay.

Wiilkii ayaa ku yiri Ninkii la fadhiyay: Adeerkiis kan wax fahamsii nooh. Xassan ayaa mar kale yiri: Noow war yaa u sheegay in aad Adeerkey tahay, iga waloow waa kii "Hooyadeydii aan jeclaa” igala balantay. Wiilkii ayaa ku yiri: Abaa, nin kasta "Habartii waa jecelyahay” ee Sigaarka ma ii shiday. Xassan dhinac ayuu u booday, isaga oo leh Sixiroole yaa kuu sheegay in aan "Habar jeclo ahay”. (F.S: 2aad)

( Anagaaba isku wareersane, sidey Reer Waabaeri u fahmi doonaa Gudoomiyaha cusub ee Bangiga)

3-Saddax Haweena oo Xaafad wada deganaa ayaa isa soo raacay. Caasho (Muuminad) , Deeqa ( Shirko) iyo Hani ( Kuli) waxaa ka horyimid Nin wada qaawan laakin madaxa go’ ku soo duubtay oo la eyranayo.

Waxa ey wada fiiriyeen Coowradiisii. Caasho Muuminad ayaa tiri: Koleeyba Ninkeeygii ma ahan. Deeqo shirko ayaa tiri: Haa waan hubaa Ninkaagii ma ahan. Hani Kuli ayaa tiri: waan huba kani maba ahan Ragga Xaafadda. ( F.S: 3aad)

( Ceebta Alla ha asturo, Aduunyo waa xumaatay)

4- Nin Aroos ahaa ayaa saddax Saaxiibadii ahi waxa ey ku yiraahdeen waan ku caawineeynaa. Mid waxa uu ahaa Farsama yaqaan waxa uu u ballan Qaaday in uu Sariir u sameeynayo, Mid waxa uu ahaa Koronta yaqaan waxa uuna u ballan qaaday in Qolka Jiifka uu Naal casriya u galinayo, Midna waxa uu ahaa Dhaqtarka Ilkaha " Dentist” waxa uu yiri: Haddiyad uu ku farxo ayaan u keenaa laakin hadda ma sheegayo.

Subaxdii labaad ayuu Ninkii Arooska ahaa ku yiri: Ninkii Sariirta Jaban ee aan ka soo dhacay ii sameeyay waan cafinayaa, Ninkii Korontada Maasada "Electric Shock” leh, ii galiyay qolka aniga oo Aroos ahna waan cafinayaa.

Laakin Ninka Kareemkii aan Raga nimada ka raadi lahaa iigu bedelay "Local Anesthesia – for 10 days” Daawada kabaabyada ee Dadka ilkaha laga siibayo la mariyo si dareenku uga tago, iigu bedelay kareemkii oo weliba ey 10 cisho ( xubinteeyda taranku) ahaaneyso dareen la’aan, ma daawo ayuu igu tijaabinayaa, Ma ilko ayuu iga siibaya, kaa ma cafinayo ( F.S: 4 & 5aad)

(Caleema saarka Reer Garowe, yaan Anesthesia Kareem leydinkaga dhigin, Martida iska hubiya)

5- Reer Gaalkacyo Geesi, waxa ey u yaqaaniin Qofkii Makhaayad Cunto ka cuno iskana baxo isaga oo aan lacag dhiibin ,Indha adeeyg waxa ey u yaqaaniin in uu maalinta xigto ku soo Noqodo, Atoore Hindi waxa ey u yaqaaniin Ninkii Xafladiisa Arooskiisa ku dhax ooyo.

( Reer Afgooye mexeey u yaqaaniin,Geesi, indha adeeyg iyo Ninkii Arooskiisa ku dhax ooyo)

6-Naag ayaa Ninkeeda ku tiri: Haddii aan Dhinto in aadan Gadaasheyda Naag kale Arooseeyn ii Dhaaro. Waxa uu ku yiri: waaba waalan lahaa Haddii aad dhimato. Waxa ey ku tiri: Haddii aad waalato ma Aroosi leheyd Naag kale?. Waxa uu ku yiri: Nin waalan wax kasta ka filo. ( F.S: 6aad)

(waxaan ka baqaa, masuuliyiin badan oo xil noo hayo, marka ey xilka ka degaan ee aan dacweeyno, in la yiraa: kani 10 sanno ayuu waalnaa, nin waalan adinkaa xil u dhiibtay, Diintiinu maxey ka qabtaa qof waalan, hadduu dambi galo)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip