Ciyaaryahan Neymar oo dhaawacmay

0
Thursday January 24, 2019 - 20:34:25 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Neymar oo dhaawacmay

    Kooxda Paris St Germain ayaa xalay gaartay wareega 16-ka koox ee koobka French Cup, ka gadaal marki ay 2-0 ku garaaceen naadiga Racing Strasbourg. PSG waxaa xalay ciyaartaasi uga dhaawacmay xidigooda Neymar ooh al saac marki ay socotay kaddib garo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Paris St Germain ayaa xalay gaartay wareega 16-ka koox ee koobka French Cup, ka gadaal marki ay 2-0 ku garaaceen naadiga Racing Strasbourg. PSG waxaa xalay ciyaartaasi uga dhaawacmay xidigooda Neymar ooh al saac marki ay socotay kaddib garoonka ka baxay isaga oo ooyaya. Naymar ayaa loo maleynayaa inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray jilibka.

Dhaawacaan ayaa imanaya saddex todobaad ka hor inta aysan kooxdiisa PSG la dheelin kooxda Manchester United oo ay isku arki doonaan wareega 16-ka ee koobka Champions League.

Lama oga inta ay ku qaadan doonto inuu kaga bogsoodo dhaawaca soo gaaray laacibkaan reer Brazil.

PSG, waxaa horay dhaawac uga maqnaa laacibkooda khadka dhexe Marco Verratti oo lagu wado inuu garoomada ka maqnaado muddo bilooyin ah.

Dhanka kale kooxda St Etienne ayaa 6-3 uga badisay kooxda Dijon.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip