Madaxweyne Farmaajo Iyo Inta Badan Madaxda Carbeed Oo Aan Ka Qeyb Galaynin Shirka Furmayo Bayruut

0
Sunday January 20, 2019 - 20:51:32 in Wararka by
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Iyo Inta Badan Madaxda Carbeed Oo Aan Ka Qeyb Galaynin Shirka Furmayo Bayruut

    Hoggaamiyayaasha dowladaha Carabta waxay maanta ku madalsanaayeen inay ka qeyb galaan Shirweynaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda, kaasi oo la filayo inuu saacadaha soo socdo ka furmo Caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut. Warbaahinta dalkaasi wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyayaasha dowladaha Carabta waxay maanta ku madalsanaayeen inay ka qeyb galaan Shirweynaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshadda, kaasi oo la filayo inuu saacadaha soo socdo ka furmo Caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut. Warbaahinta dalkaasi waxay sheegtay inay tiro kooban oo Hoggaamiyayaal ah xaadir ku yihiin Madasha Shirka, halka inta badan Madaxda Carabta ee lagu casuumin Shirkaasi soo dirsadeen Wasiiro u matala Kulankaasi. Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thaani iyo Wafdi uu hoggaaminayey waxay saakayto gaareen Caasimadda Lubnaan ee Beyruut, iyadoo u u Madaxweynaha dalkaasi, Misheel Coon ku soo dhaweeyey Wafdigaasi Garoonka Diyaaradaha ee Rafiiq Xariiri ee Beyruut. Madaxweynaha dalka Murutaaniya, Maxamed Walad C/casiis ayaa ah Hoggaamiyaha keliya ee isagana la filayo inuu ka qeyb galo Shirka Beyruut.

 
Hoggaamiyayaal culus oo ka taliya dalalka Carbeed oo horey u sheegay inay ka qeyb geli doonaan Shirkaasi ayaa la sheegay inay daqiiqadii ugu dambeysay iclaamiyeen inay ka baaqdeen Shirkaasi.

Madaxda ka baaqday Shirkaasi waxaa ka mid ahAmiirka dalka Kuweyt, Boqorka Sacuduiga, Madaxweynayaasha Masar, Somalia iyo Maamulka Falastiin iyo kuwo kale.

Hoggaamiyaayasha 20-dal o oCarbeed o oka qeyb geli lahaa shirka Lubnaan waxay halkaasi u direen Wafuud u badan Ra’isul-wasaarayaal Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo kuwa Maaliyadda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Lubnaan waxay niyad-xumo ka muujisay tirada Madaxda kooban ee ka qeyb galaysa Shirkaasi, iyadoo ay Dowladda Lubnaan casuumaad wadareed u kala direen dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip