VIDEO Ra'iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali

0
Sunday January 20, 2019 - 00:03:21 in Wararka by
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    VIDEO Ra'iisul Wasaare Khayre oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan. Ra'iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro.

Intii uu kulanku socday ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheekha uga mahad celiyay olalaha Is-cafis ee uu ka billaabay dalka, isaga oo sheegay in uu yahay barnaamij ay bulshadeenu u baahnayd si aan dalkeena dib ugu dhisno.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in culimadu ay yihiin laf-dhabarta bulshada, ayna aad muhiim ugu tahay dalka in ay qaataan dawr-kooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip