Xogta iyo xaqiiqooyinka gaarka u ah kullanka Liverpool iyo Crystal Palace

0
Saturday January 19, 2019 - 21:43:14 in Wararka by
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta iyo xaqiiqooyinka gaarka u ah kullanka Liverpool iyo Crystal Palace

    Liverpool ayaa garaacday Crystal Palace shan ka mid ah lixdii kullan ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaareen, weliba si xiriir ah saddexdii ugu dambeysay, mana aysan dhicin in Reds ay afar jeer xiriir ah garaacaan Eagles kullamada horyaalka Ingiriiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa garaacday Crystal Palace shan ka mid ah lixdii kullan ee ugu dambeysay oo ay wada ciyaareen, weliba si xiriir ah saddexdii ugu dambeysay, mana aysan dhicin in Reds ay afar jeer xiriir ah garaacaan Eagles kullamada horyaalka Ingiriiska taariikhda. Palace ayaa guul gaartay saddex ka mid ah afartii jeer ee ugu dambeysay oo ay booqatay Anfield, August 2017 ayaana guuldarro Anfield kusoo gaarta u dambeysay. Liverpool ayaa dooneysa inay gaarto guusheedii toddobaad oo xiriir ah ciyaaraha Premier League-ga ee garoonkeeda ay ku ciyaarto markio ugu horreysay tan iyo January 2014.

Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 31 ciyaarood oo ay garoonkooda ku ciyaarreen, rikoorkeedii ugu dheerraa ee guuldarro la’aan ku ahaato garoonkeeda waxa ay ahayd 63 kullan in laga adkaan waayay intii u dhexeysay February 1978 illaa December 1980.

Liverpool lagama dhalinin wax ka badan hal gool kullan walba oo ka mid ah 16 kii ugu dambeysay ay garoonkooda ku ciyaareen, 12-jeer ayay shabaqooda difaacdeen, afar gool oo qura ayaana laga dhaliyay.

Crystal Palace ayaa raadineysa inay guul gaarto kullankeeda saddexaad oo xiiriir ah oo ay bannaanka kusoo ciyaareyso markii ugu horreysay tan iyo August 2015, iyo hal xilli ciyaareed gudahiis inay xiriir u guuleysato saddex jeer tan iyo February 2015.

Palace ayaa ku fashilantay inay gool ka dhaliso lix ka mid ah toddobadii jeer ee ugu dambeysay oo ay wajahday kooxda horyaalka hooggaankiisa heysa, keliya Chelsea oo ay 2-1 kaga adkaadeen ayay kaga shubeen April 2017.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip