General Bogmadow oo sheegay inay duqeyn iyo weerar ku burburiyeen idaacada Andulus ee Bu'aale

0
Saturday January 19, 2019 - 20:58:50 in Wararka by
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Bogmadow oo sheegay inay duqeyn iyo weerar ku burburiyeen idaacada Andulus ee Bu'aale

    Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in ay weerar iyo duqeyn ay ka fuliyeen degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in ay weerar iyo duqeyn ay ka fuliyeen degmada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Generalka oo ay wareysatay Idaacada ku hadasha afka Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xoogga iyo ciidamo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe ayna ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isugu jira ciidamo iyo Wariyaal.

"Weerarka waxa uu ahaa mid qorsheysnaa iyadoo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xarunta Idaacada Andaluus waana lagu burburiyay.”ayuu yiri General Bogmadow.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada taliyaha qeybta 43aad ee xoogga dalka illaa iyo haddana kama hadlin dowlada Maraykanka weerarkan.

Hase yeeshee waxaa arrintan ay ku soo beegmeysaa xilli saaka ay weerareen dagaalamayaal ka mid ah Al-Shabaab saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Sanguuni oo ku dhow magaalada Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip