Maxaa Dad aan isku da' iyo isku faham eheyn Golaha shacba la isagu keenay!!=Nasashada Jimcaha. Q-131aad=

0
Saturday January 19, 2019 - 00:01:17 in Wararka by
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Dad aan isku da' iyo isku faham eheyn Golaha shacba la isagu keenay!!=Nasashada Jimcaha. Q-131aad=

    1-Nin Afrikaan ah oo Dayaarad saaran ayaa waxaa soo ag fadhiisatay naag cadaan ah oo Daanyeer yar wadato. Waxa uu ku yiri: kani muxuu ahaa? waxa ey ku tiri: Adiga iyo Daanyeerku waxaa tihiin Qaraabo isku Qooys ah. Waqti yar kadib ayeey ku tiri: waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Afrikaan ah oo Dayaarad saaran ayaa waxaa soo ag fadhiisatay naag cadaan ah oo Daanyeer yar wadato. Waxa uu ku yiri: kani muxuu ahaa? waxa ey ku tiri: Adiga iyo Daanyeerku waxaa tihiin Qaraabo isku Qooys ah. Waqti yar kadib ayeey ku tiri: waxaan Aadayaa Musqusha ee Daanyeerkaan ii sii haay. Intii ey Musqusha ku maqneyd ayuu Daanyeerkii dilay. Markii eey soo noqotay ayeey ku tiri: war maxaad sameysay? Waxa uuna ku yiri: waa arrin Qooys ee ka dhax bax. ( F.S: 1aad) 2-Oday Cumar oo 85 jir ah ayaa waxa uu qabay , cudurka " Hilmaamka ee da'du keento".waxa uu hilmaamay wixii hore oo noloshiisa soo maray ee waaya aragnimo ahaa. waxaa loo Aqal geeyay Amino oo 16 jir ah oo aan waaya aragnimo u leheyn waxa laga rabo in ey sameyso. Habeenkii Aqal galka waa la is ag fadhiisatay, Oday Cumar waa hilmaamay wixii laga rabay, Aaminana ma taqaan waxa laga rabo. ( F.S: 2 & 3aad)

(Maxaa Dad aan isku da’ iyo isku faham eheyn Golaha shacba la isagu keenay!!)

3-Oday ayaa Gabar yar loo guuriyey, Laba Habeen ayuu dhinac waliba uu Ka maray waana u taag waayey. Subaxii dambe ayuu Reerihii ku yiri: War Gabadhii ka quustaye iga bedela. Waxaa loo keenay Garoob. Haabeenkii markay wada seexdeen, ayaa Subaxdii dambe, Ugaas Ciise u yimid kuna yiri: War bal haddana waran?. Waxa uu yiri: Haah, haah, iga Tag Muslinkuna kala Jir Dabacsane. ( F.S: 4aad)

( Doorashada Maamul gobaleedyaduna kala jilacsan)

4- Machadka Heritage ayaa Cilmi baaris ku sameeyay Gobalada Dalka oo dhan. Hal Su’aal ayuuna wada weydiiyay oo aheeyd:

(( Ma garanee, habka ugu wanaagsan ee Maamulada & Dadka Somaliyeed ee Walaalaha ahi ey si Nabad, Horuumar, Cadaalad iyo Dulmi la’aan ey wax ugu wada Qeybsan lahaayeen kheyraadka ka dhexeeyo loona gaarsiiyo Maatida tabaaleysan?))

Cilmi baaristii waxaa ka soo baxday sidan: Reer Mudug waxa ey fahmi waayeen kalmadda NABAD. Reer Punti landina kalamadda MA GARANEE. Reer Beydhona kalamadda HORUMAR. Somali landna kalmadda WALAALAHA AH. Reer Sh/Dhexe Kalmadda KA DHEXEEYSO, Reer Hiiraana Kalmadda MAATIDA, Reer Gedona Kalmadda CADAALAD. Reer Kismaayana U QEYBSANLAHAAYEEN. Reer Sh/ Hoosena Kalmadda KHAYRAADKA, Reer Bu’aalana Kalmadda MAAMULADA, Reer Bakoolna Kalmadda DULMI, Reer Xamarna Kalmadda TABAALEEYSAN.

(Maxaad kula talin leheyd Hayada Heritage?)

5- Habar Cambaro oo Gaalkacyo degan, ayaa iyada oo Duqeedu ag fadhiyo , waxa ey damacday in ey Salaad Casir tukato . Salaadii markay xiratay ayeey iyada oo taagan ku bilawday Ataxiyaadkii. Odaygeedii ayaa maqlay oo Ku Yiri: Walee Cambarooy Waxaan sugayaa waxaad fadhigana ku aqri doonto.

( Baarlamaankii Ajnabi Ansixin ku bilaabay Bangiga dhexe, Ansixinta ugu dambeyso ayaan sugeynaa)

6- Gabar Musqusha ku jirto oo qabeysaneysay ayaa wiil Albaabka kuso garaacey markaasey ku tiri: yaa waaye? wuxu yiri: waa Cali, indhoolkii deriskiina ahaa . wey garatay in Cali indhool ahi uu diriskooda ahaa. waxey is tiri: Marba hadduu indhool yahay Albaabka ka fur adigoo qaawan, qabeyskaagana dib u sii wado . Iridkii ayeey ka furtey. Waa Cali indhool oo kaligii ah, waxa uuna u dhiibay Laba weel oo isku daboolan, markii ey furtay waxaa ka buuxa Hilib iyo Bariis.

Waxa ey ku tiri: waa maxaay? Waxa uu ku yiri: Maanta ayaan Sab qabnay oo Qur’aan ayaa la i saarayay, Allaah nimcadii Xalay ayaa si lama filaan ah Aragii iigu soo noqday. Yaaah. ( F.S: 5aad)

(Hayeey Qurba joog, Qorax joog indhihii ayaa u furmay ee is astura)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip