Maxay tahay sababta ay PSG ugu kalsoontahay saxiixa De Jong?

0
Wednesday January 16, 2019 - 23:04:27 in Wararka by
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta ay PSG ugu kalsoontahay saxiixa De Jong?

    Shabakadda ESPN ayaa waxa ay werineysaa in kooxda Paris Saint-Germain ay tahay kooxda ugu dhow ee lasoo saxiixan karta ciyaaryahanka Ajax khadka dhexe kaga ciyaarra ee Frenkie De Jong. Paris ayaa lagu soo warramayaa inay si joogto ah ula xiriiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabakadda ESPN ayaa waxa ay werineysaa in kooxda Paris Saint-Germain ay tahay kooxda ugu dhow ee lasoo saxiixan karta ciyaaryahanka Ajax khadka dhexe kaga ciyaarra ee Frenkie De Jong. Paris ayaa lagu soo warramayaa inay si joogto ah ula xiriiraan wakiilka De Jong ee lagu magacaabo Ali Dursun. Barcelona ayaa weli ku dagaallameysa saxiixa ciyaaryahankan, iyadoo dooneysa in sanado badan ay adeegsadaan. Balse hadda waxa uu u muuqdaa mid ku sii siqaya ku biirista naadiga ka dhisan caasimadda France, iyadoo PSG horraan ay la diyaar noqotay qiimaha ay Ajax dooneyso inay ku iibiso xiddiggan.

AMSTERDAM, NETHERLANDS - AUGUST 14: Frenkie de Jong of Ajax in action during the UEFA Champions League third round qualifying match between Ajax and Royal Standard de Liege at Johan Cruyff Arena on August 14, 2018 in Amsterdam, Netherlands. (Photo by Dean Mouhtaropoulos/Getty Images)



Inta lagu gudo jiro bishan January, waxaa yar macquul ahaanshaha oo De Jong kaga tagi karo kooxda reer Holland, isagoo xaqiijiyay inuu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan uusan u dhaqaaqin doonin kooxaha doonaya.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Macallin Thomas Tuchel ayaa hadda ah koox kaga dadaal badan saxiixa ciyaaryahankan marka loo eego kooxaha kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip