HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 16-KA JANNAAYO 2019-KA

0
Wednesday January 16, 2019 - 09:40:11 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 16-KA JANNAAYO 2019-KA

    MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO LA CALEEMA SAARAYO iyo MD.FARMAAJO OO KU WAJAHAN BADHABO … Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur GalbeKU ed, i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED OO LA CALEEMA SAARAYO iyo MD.FARMAAJO OO KU WAJAHAN BADHABO … Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur GalbeKU ed, iyadoo qaban qaabada munaasabaddan aad looga dareemayo magaaladaasi. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in la caleemo saaro madaxweynaha Koonfur Galbeed, sida ay inoo xaqiijiyeen mas'uuliyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ammaanka suga.


Dhammaan waddooyinka gala xarunta loogu talogalay in lagu qabto munaasabaddan waxaa xirey ciidamada DFS oo isugu jira Booliis iyo Nab ad sugid.

M/Baydhabo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi Balla aran oo uu ka mid yahay G.B S.Md Mursal Sh.C/maan.

Madaxeyne M.c/HI Farmaajo ayaa sakay ku wajahay M .Baydhabo si uu ugu qeyb galo Caleema saarka Mada xweyana K.G.Somaliya Md. Lafta Garen oo manta la caleemo saaryo

MUUQAALKA RAGGII WEERARAY HOTEL KU YAALLA NAIROBI OO LA SOO BANDHIGAY

Kaamirada Qarsoon ayaa qabatay afar ka mid ah dableydii weerartay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo weli ay gudaha ugu jiraan Hotelka.

Dableydan oo ahaa afar rag oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa labo jiho ka galay Hotelka caanka ah ee Dusit, waxaa ay bilaabeen inay rasaas ku furaan dadkii fadhiyay maqaayadda Hotelka.

Baraha Bulshada ayaa la soo geliyay muuqaalka dableyda oo rasaas ku furaya gaari, sidoo kale ay labo jiho kala aadayaan, waxay ahaayeen kuwo aad u hubeysan oo isku dareys ahaa,

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa weli la tacaalaya kooxda hubeysan ee gudaha ugu jirta Hotelka, waxaana mararka qaar Hotelka laga maqlayaa rasaas goos goos ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Ciidamada gacanta ku hayaan dhammaan dhismaha hotelka, Sidoo kale Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacanta ku hayaan lix dabaq.

AlShabaab ayaa sheegatay inay ku dishay weerarka illaa 47 ruux, inkastoo warbaahinta Kenya ay sheegayaan in 3 qof kaliya ku dhimatay, halka tobaneeyo kalena dhaawacmeen.

Weerarka Hotelka Dusit ee ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi ayaa ku soo aaday saddex sano kaddib weerarkii AlShabaab ku qaaday xero ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde, sidoo kale AlShabaab ayaa lix sano ka hor weeraray Xarunta Ganacsiga ee Westgate.

WAFDI KA SOCDA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cali Cismaan iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa shalay gaaray magaalada Bayd habo iyagoo ka qeybgalaya munaasab ada caleemasaarka Madaxweynaha dowlad goboledka Koofurgalbeed Cabdi casiis Laftagareen.

Wafdiga ka socda Puntland ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iya goo la kulmay madaxda ugu sareysa do wlad goboleedka Koofurgalbeed Sooma aliya.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa wafdi ka socda dowlada federalka iyo maamul goboleedyada dalka ay gaaraan magaa lada Baydhabo oo maalinta berri ay ka dhacayso munaasabada caleemasaarka madaxeynaha dowlad goboleedka Koo furgalbeed Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baydhabo ay aa aad loo adkeeyay iyadoo ay amniga sugayaan ciidamo isugu jira Soomaali iyo weliba ciidamada nabad ilaalinta AM ISOM. Wafdi ka socda Puntland oo gaa ray Baydhabo

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA HIRSH ABEELLE OO DEGDEG UGU LAABTAY JOWHA R, KADDIB MOOSHIN SOO IFBAXAY

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirsh abelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hishabelle iyadoo ay garoonka diyaarad aha ku soo dhoweeyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay ugu horeyso Marwo Canab Axmed Ciise,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo maamulka degmada Jowhar.

Dib ugu laabashada Jowhar ee Guddoomiye Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka dambeysay, markii ay soo shaac baxday warar sheegaya in laga wado Mooshin isaga ka dhan ah.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar iyo kusimaha guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh ayaa hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyay munaasabad lagu soo dhoweynayay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.

Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ka hadashay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise waxayna ku war eejisay Guddoomiyaha Baarlama anka Hirshabelle xilalka ah kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

"Guddoomiye igala wareeg xilalkii bad naa ee maalmahaan aan hayay,xilkii gu ddoomiyaha baarlamaanka igala ware eg,xilkii kusimaha madaxweynaha igala wareeg.”ayay tiri Marwo Canab Axmed Ciise oo muddo kabadan labo bil ahayd kusimaha Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.

Soo dhoweynta wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanadii la socotay ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kadib ayuu saxaaf ada la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka waxana uu sheegay in baarla maanka fasax uu ku jirey isla markaana dhowaan la furi doono kalfadhiga baarlamaanka.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xubnaha baarlamaanka ee ka maqan caasimada Hirshabelle inay si degdeg ah u soo galaan.”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa baaq nabadeed u direy beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Hirshabelle.

Dib ugu soo laabashada magaalada Jowhar Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen magaalada Jowhar iyo Muqdisho warar sheegaya in uu socdo mooshin xilka ka qaadis ah oo laga diyaarinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

soodhoweynta guddoomiyaha baarlamaanka

MAXKAMADDA ICC OO SII DEYSAY MADAXWEYNIHII HORE EE IVORY COAST LAURENT GBAGBO

Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ICC ee ku taal magaalada Hague ayaa sii deysay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Laurent Gbagbo, kaasoo horay loogu soo eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Maxkamadda ayaa ku weysay wax dambi ah, iyadoo aan caddeymo loo keenin eedeymihii lagu soo oogay.

Waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalka Ivory Coast sanadkii 2010, kaddib doorashadii lagu muransanaa, waxaana rabshadahaas ku dhintaan saddex kun, halka boqolaal kun oo kale ku barakaceen

Mr Gbagbo ayaa la xiray sanadkii 2011, markii ay qbateen Ciidamada Madaxweynaha Alassane Outtara oo taageero ka helayay Ciidamada Faransiiska.

Waxaa uu noqday Madaxweynihii u horeeyay ee la soo taago maxkamadda ICC, waxaana Garsoorayaasha Maxkamadda ICC ay sheegeen in aanu mar dambe ka jawaabi doonin dacwad kale, maadaama xeer ilaalintu aysan soo bandhigin dacwado badan oo ka dhan ah, waxaana amar lagu bixiyay in si degdeg loo sii daayo.

Taageerayaasha Mr Gbabgo ayaa soo dhoweeyay sii deyntiisa, iyagoo Telefishinada ka daawanayay go’aanka MaxkamaddaICC

QARAX LAGU DILAY GUDDOOMIYE LAAM EED OO KA DHACAY DAYNIILE

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo shalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee G/ Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay waaxda labaad Barwaaqo ee degmadaasi. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhawaacmay mid kale, sida uu xa qiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Dayniile Axmed Nuur Adeerow.

Qofka dhintay ayaa ahaa guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi, halka kan dhaawacmayna uu ah aa qof shacab ah.

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDAY BANGIGA ADUUNKA

Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Soo maaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyagoo ka wada hadlay arimo ku saa bsan hourmarka maaliyadda dalka.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay ,Nir aj Verma oo ah wakiilka Bangiga addu unka ee bariga Afrika iyo Hugh Riddle oo isna ah wakiilka Soomaaliya ee Ban giga adduunka.

"Shalay waxaan xafiiskeyga ku qaa bilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka , Waxaan ka wada hadalnay arrimo bad an oo ay ka midyihiin guulaha aan ka ga arnay hannaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaala ha dalka".ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle.

Bangiga adduunka ayaa ka caawiya So omaaliya dhinacyo badan oo ay ugu hor eyso taageerada dowladda Soomaaliya.

DAGAAL KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY M/BOOSAASO

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray ilaalo ka tirsan shirkado Koronto oo ku yaalla magaaladaasi.

Waxaana dagaalkaani uu u dheexayay ilaalada shirkadaha Golis iyo Eeneyo oo ah shirkado bixiya koronto kana howgalla magaalada Boosaaso.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in ay sabab u tahay isb qabqabsi koronto galinta magaalada oo ka dhexeeyay labada shirkadood, waxaana horay u jirtay ismaan dhaaf aan gaysan gacan ka hadal oo shirkadan dhex maray.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka Magaallada Boosaaso gudaheeda ku dhexmaray ilaalada shirkadahaasi ku dhaawacmay Afar qof oo labba kamid ahi ay ahaayeen ilaalada dagaalku dhexmaray halka labbada qof kalana ay ahayeen Shacab.

Gudoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ,duqa degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Bari Axmed Jaraale ayaa gaaray goobtii uu dagaalku ka dhacday, waxayna xabsiga dhigeen mas,uuliyiinta labada shirkadoodo, iyo ilaada wada dagaalamay.

15 QOF OO LOO XIRAY IS RASAASEYN AY DAD KU DHAAWACMEEN OO KA DHACDAY

M/BOOSAASO

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaa cmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korant ada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.

Duqa degmada Boosaaso, Cabdisala an Bashiir Cabdisalaan oo ka hadlay Is ka horimaadka waxa uu sheegay ciidan ka amniga inay xireen ilaa 15 qof oo isugu jira maamullayaasha shirkadaha, shaqaalaha iyo ciidanka ilaalada xaruma ha ee rasaasta furay.

"Xaaladda way daggantahay, ciidanka ayaana xiray dhammaan dhinacyadii iska horimaadka uu u dhaxeeyay". ayuu yiri duqa degmada Boosaaso oo inta ku daray khilaaf muddo soo jiray oo u dha xeeyay labada shirkad ee kala ah Golis iyo Eeneeyo inuu ka dhashay iska horim aadka ka dhacay Boosaaso.

Duqa degmada Boosaaso, waxa uu sheegay in maamulka uu ku dadaallayo in shuruuc kala hagta loo helo shirkada ha ku baratamaya ganacsiga magaalada Boosaaso.

DUQA MUQDISHO OO GUDDOOMIYE KUX IGEEN CUSUB U MAGACAABAY DEGMADA YAAQSHIID

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yari isow) ayaa C/fataax Axmed Cali u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid.

Warqada ka soo baxday xafiiska Duqa Muqdisho ee lagu magacaabay Gudd oomiye kuxigeenka cusub ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Xoghayaha Gobolka Bana adir iyo Guddoomiye kuxigeenada Gob olka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa C/fataax Axmed u rajeeyay inuu si wanaagsan u guto xilka cusub ee loo magacaabay.

C/fataax Axmed Cali oo ah nin dhaliny aro ah ayaa maalinta berri ah xilka kala wareegaya Mahad Diir iye Cabdi oo hor ey xilkan u hayay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe wuxuu waday isbedel uu ku sameynayo masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, si loo dardar geliyo shaqooyinka loo hayo sha cabka.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULM AY XUBNO KA SOCDAY SHIINAHA

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xa fiiskiisa ku qaabiley madaxa Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirka daha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Mad axtooyada Puntland.

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Afr ica oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameey aan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan tabanaysa ay ula yeelan lahaay een Puntland.

Dhinaca kale madaxa midowga shirka daha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntl and ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaaratay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoon tay doorashadii ka qabsoontey Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta laha yd ee madaxda Puntland ay daraad xilka ula kala wareegeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntl and Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaq aalaha wadanka ayaa midowga shirkada ha Shiinaha ee Africa u sheegey in Pun tland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaa yeen shirkadahaas.

3 SANO OO KA SOO WAREEGATAY WEERAR KII ASKAR BADAN KENYAN LAGU LAAYAY.

Saddex sano ka hor shalay oo kale ay ey Ciidamo ka tirsan AlShabaab wee rar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Weerarkaas waxa uu ahaa kii ugu khasa araha badnaa taariikhda Ciidanka Difa aca Kenya ee KDF, waxaana uu wali ya hay mid aysan jecleyn maqalkiisa dadka Kenyaanka ah ee wiilashoodii ku waa yay. Wargeyska Daily nation, ayaa sad exsano kaddib maqaal uu ka qoray Wee rarkii Ceelcadde waxaa uu ku tilma amay in uu yahay dhaawac furan oo aan bogsan.

Weerarkaas waxaa ku dhintay Askar badan oo aysan dowladda Kenya illaa hadda tiradooda shaacin, ehelkoodiina aan magdhaw la siin, waxaa jir ahaan iyo maskax ahaan ugu dhaawacmay kuwo kale, halka kuwana ay wali maqan yihiin raq iyo ruux.

Guddiga ay dowladda Kenya u saartay baarista weerarkii Ceelcadde saddex Sano kaddib illaa hadda ma bixin jawaabo lagu qanci karo oo la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha gaaray Ciidanka Kenya.

Dailynation, waxaa ay leedahay, "xitaa ha sugin in sanadka soo socda la shaaciyo warbixinta rasmiga ah ee weerarkaas, waxaa ay qaadan kartaa tobanaan sano, haddii aad u maleyso in tani gaar u tahay Ciidanka Difaaca Kenya, waa maxay sababta aan loo xallin arrimo dagaalkii 2aad ee adduunka dhexmaray China iyo Japan oo ay 70 Sano ka soo wareegtay”.

Weerarkaas Askartii ku dhimatay,ku dhaawacantay ama illaa hadda lagu la’yahay Nolol iyo geeri ayaa baroordiiq loogu sameynayaa deegaanka Eldoret ee Galbeedka Kenya halkaas o ay ka soo jeedeen labada Guuto ee lagu weeraray Ceel Cadde. Weerarka Ceel Cadde Askarta ku dhimatay waxaa lagu qiyaasay 120 ilaa 200 Askari,maaddaa ma Kenya ay sheegtay in xerada ay ku sugnaayeen labo Guuto oo kala ahaa gu utada 5aad iyo guutada 9aad ee ciidan ka Difaaca Kenya.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KA BADBAADAY WEERARKII NAIROBI

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wxa ay ka badba adeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo ka dhacay Hotel ku yaalla Magaalada Nairobi halkaasi oo uu shir ugu socday.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerarkaasi uu ka badba ad ay ee lagu soo qaaday Hotel Dusit ee magaalada Nairobi ku tilmaamay wax laga xumaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hotelka waxa uu shir kula lahaa Hay’ad da SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug ayaa wax aa mar qur ah Afaafka hore ee Hotelka ka dhacay Qarax iyo is rasaaseen

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ka badbaaday weeraradii lala beegsaday waxaana goobtaa ka saaray Ciidamada amaanka ee Kenya

SHABAAB OO SHEEGTAY MAS’UULIYADA WEERARKA NAIROBI

Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dha ceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay AlShabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Shabaabku ma aysan sheegin faafaahin dheeraad ah balse dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in afar nin oo hube ysan ay galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta, Ciidamada ammaan ka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hot eel iyo xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda war arka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo. Dhawr baabuur ayaa la arkay ay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.

DHIMASHO IYO DHAAWAC KA DHASHAY.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in weerarkii ka dhacay dalkaasi ay ku dhinteen 3 qof, halka Afar kalana ay ku dhaawacmee.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitterka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaaw acyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dhaceen.

JUBBALAND OO WAFDI U SOO DIRTAY CALEEMOSAARKA MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu wado in ay berito ka dhacdo Magaaladaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Xildhibaano,Wasiiro iyo Waufuud ka kala socday Dowlad goboleedyada,HirShabeelle,Puntland iyo Maamulka Jubbaland oo markii hore la aaminsanaa inaysan wafdi u soo direyn xaflada Caleemo saarka laftagareen.

Gelinkii dambe ee Shalay ayaa waxaa Magalada Baydhabo gaaray wafdi ka socda Maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano.

Dad badan ayaa aaminsanaa in Maamulka Jubbaland oo xilligaan khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka aysan wax wafdi ah u soo direyn Caleemo saarka lafgareen oo ah Madaxweyne doorashadiisa ay gacan weyn ka geysatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagreen) oo 19kii Bishii December ee Sanadkaan lagu doortay Magalada Baydhabo.

WARARKII U DAMBEEYAY EE WEERARKII MAGALADA NAIROBI

Booliska dalka Kenya ayaa sheegaya in ay gaareen dabaqa lixaad ee hoteelka la weeraray, ayna rajeynayaan in shalay ay weerarkaasi soo afjari doonaan.

Taliayaha booliska Joseph Boinett ayaa sheegaya in qof isa soo miidaamiyay uu hoteelka ka soo galay albaabka, sidaana ay ugu fududaatay in ragga hubeysan ay gudaha u galaan. Ilaa haatan lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee weerarkaasi. Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

AlShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBCda u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo, waxaana la arkayay iyaga oo samatabixinaya dadkii ku xayirnaa gudaha dhismahaasi.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, iyo dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitterka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay.

idoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dahceen.

Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 AlShabaab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi.

Weerarkaasi oo socday sku dhawaad afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay 67 qof.

Laba sano ka dib, AlShabaab ayaa geysatay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 150 qof ka dib markii ay weerar ku qaadeen Jaamacad ku taal magalaada Garissa ee woqooyi bari Kenya.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI KULUL UGA HADASHAY WEERARKII NAIROBI

Warsaxaafadeed ka Soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarka lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

BOGGA CAYAARAHA

MAXAA KA JIRA IN CHELSEA IYO ATLETICO AY IS DHAAFSAN DOONAAN CIYAARYAHANO?

Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea ayaa ku raad joogta qaabki kula soo saxiixan lahaayeen weerar yahan ka samata bixin kara dhibaatada kooxdooda ka heesata dhanka dhaliska.

Alvaro Morata ayaa la rajeynayaa in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid tasoo aad u daneeneysa inay gacanta ku soo dhigaan xidiga reer Spanish.

Eden Hazard ayaa xidiga ugu goolasha badan kooxda Chelsea Xilli ciyaareedkaa kasoo dhaliyay 10-gool, Wiilka belgium-ka ma ahan xidig weerarka tooska ah ka ciyaara hadana dadaalo badan ayuu ugu jiraa qaabki uu guulo ku gaarsiin lahaa kooxdiisa halka Weerar yahanada kooxda Blues ay gabeen shqadooda iyo waajibkii dhaliska ka saaranaa.

Kooxda Blues Ayaa haatan Nidaam cusub U dajineysa inay Costa Dib ugu soo Celiyaan Garoon Bridge Kasoo 2-sano ka hor si caro leh kaga tagay kadib markii ay isku dhaceen macalinkii la ceyriyay ee Conte.

RASMI: GOOLHAYE PETR CECH OO KA FARIISANAYO KUBADA CAGTA

Rasmi: Goolhaye Petr Cech ayaa ku dhawaaqay marka uu xili cayaareedkan soo idlaado inuu gabi ahaanba cayaa rista kubada cagta ka fariisan doono.

36-jirkan ayaa sheegay inuu 20 sano xirfadle kubada cagta ku xamaasho ahaa asigoo 15 sano waayihiisa cayaareed EPL ku qaatay.

Cech iyo guulihiisa uu ku faani karo:




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip