Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

0
Tuesday January 15, 2019 - 20:12:08 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Qaraxyo ku bilawday oo ka dhacay Magaalada Nairobi

    Wararka Idaacdda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi. Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Idaacdda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyo magaalada Nairobi ee caasimada u ah dalka Kenya ayaa tibaaxaya in qaraxyo xoogan iyo risaas xigtay laga maqlay meelo kamid ah Magaaladaasi. Laba qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay hotel iyo dhisme xafiis oo ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay haween ka dhex shaqeysa dhismaha.

"Waxaa na lagu soo qaaday weerar” waxaa sidaas yiri qof kale oo ku dhex sugan hotel-ka Dusit oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Sawirro laga soo qaaday banaanka dhismaha ayaa muujinaya baabuur holcayo oo ilaa saddex ahaa, kuwaasi oo yaalay baakinka gaadiidka la dhigto ee hoteelkaasi la weeraray.

Taliyaha booliska Nairobi, Philip Ndolo ayaa sheegay in xireen hareeraha deegaanka Riverside Drive, ayaga oo tuhmaya fal burcadnimo ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip