3-Sano Ka Dib,Kenya Oo Wali Diidan Iney Shaacisay Tirada Askartii Kaga Geeriyootay Weerarkii Ceel-Cadde

0
Tuesday January 15, 2019 - 11:19:14 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3-Sano Ka Dib,Kenya Oo Wali Diidan Iney Shaacisay Tirada Askartii Kaga Geeriyootay Weerarkii Ceel-Cadde

    Saddex Sano ka hor maanta oo kale ayey Ciidamo ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo. Weerarkaas waxaa uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Ciidanka Difaaca Kenya ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex Sano ka hor maanta oo kale ayey Ciidamo ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo. Weerarkaas waxaa uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Taariikhda Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF,waxaana uu wali yahay mid aysan jecleyn maqalkiisa dadka Kenyaanka ah ee wiilashoodii ku waayay. Wargeyska Dailynation, ayaa saddex sano kaddib maqaal uu ka qoray Weerarkii Ceelcadde waxaa uu ku tilmaamay in uu yahay dhaawac furan oo aan bogsan. Weerarkaas waxaa ku dhintay Askar badan oo aysan dowladda Kenya ilaa hadda tiradooda shaacin, ehelkoodiina aan magdhow la siin,waxaa jir ahaan iyo maskax ahaan ugu dhaawacmay kuwo kale, halka kuwan ay wali maqanyihiin raq iyo ruux.
3-sano ka dib,Kenya oo wali diidan iney shaacisay tirada askartii kaga geeriyootay weerarkii Ceel-cadde
Guddiga ay dowladda Kenya u saartay baarista weerarkii Ceelcadde saddex Sano kaddib ilaa hadda ma bixin jawaabo lagu qanci karo oo la xiriira sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha gaaray Ciidanka Kenya.

Dailynation,waxaa ay leedahay, "xitaa ha sugin in sanadka soo socda la shaaciyo warbixinta rasbiga ah ee weerarkaas,waxaa ay qaadan kartaa tobanaan sano, haddii aad u maleyso in tani gaar u tahay Ciidanka Difaaca Kenya,waa maxay sababta aan loo xallin arrimo dagaalkii 2aad ee adduunka dhexmaray China iyo Japan oo ay 70 Sano ka soo wareegtay”.

Weerarkaas Askartii ku dhimatay,ku dhaawacantay ama ilaa hadda lagu la’yahay Nolol iyo geeri ayaa baroordiiq loogu sameynayaa degaanka Eldoret ee Galbeedka Kenya halkaas oo ay ka soo jeedeen labada Guuto ee lagu weeraray Ceel Cadde.

Weerarka Ceel Cadde Askarta ku dhimatay waxaa lagu qiyaasay 120 ilaa 200 Askari,maaddaama Kenya ay sheegtay in xerada ay ku sugnaayeen labo Guuto oo kala ahaa guutada 5aad iyo guutada 9aad eeciidanka Difaaca Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip