Taariikhda iyo saacadda la ciyaari doono kullanka labaad ee El Classico

0
Monday January 14, 2019 - 22:26:22 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda iyo saacadda la ciyaari doono kullanka labaad ee El Classico

    Madaxwehnaha horyaalka Spain ee La Liga, Javier Tebas ayaa xaqiijiyay xilliga la ciyaari doono kullanka Real Madrid iyo Barcelona ee horyaalka La Liga wejigiisa labaad. Waxaa kullankii hore oo ka dhacay Camp Nou ay Barcelona kusoo xaaqday dhiggeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwehnaha horyaalka Spain ee La Liga, Javier Tebas ayaa xaqiijiyay xilliga la ciyaari doono kullanka Real Madrid iyo Barcelona ee horyaalka La Liga wejigiisa labaad. Waxaa kullankii hore oo ka dhacay Camp Nou ay Barcelona kusoo xaaqday dhiggeeda Madrid 5-1.

Ciyaartaas ayaa ahayd tii ugu dambeysay oo uu Julen Lopetegui hooggaamiyo Los Blancos, iyadoo natiijadaas ka dib laga ceyriyay shaqada kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Macallin Santiago Solari ayaa loo magacaabay shaqada Real Madrid, kaasoo hadda ah hooggaamiyahooda.

Kullanka labaad ee El Classico ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Bernabeu, xilligaas oo ay Real Madrid marti gelin doonto Barcelona.

2-da bisha March ayaa la ciyaari doonaa, xilliga geeska Africa-na, waxaa la baasan doonaa kullanka 10:45pm (22:45).

Kooxda Macallin Ernesto Valverde ayaa hadda hooggaanka horyaalka ku heysa shan dhibcood oo ay ka sarreeyaan Atletico Madrid oo labaad ku jirta.

Sidoo kale Real Madrid oo afraad ku jirta ayay ka sarreeyaan 10 dhibcood.

Waxaa kullanka La Liga ee harsan uu noqon doonnaa midka ugu soo horreeya ee ay wada ciyaari doonaan haddii aysan isku aadin Copa del Rey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip