Al-Shabaab oo ku dilay degmada Bu'aale Sarkaal ka tirsan Daacish

0
Monday January 14, 2019 - 10:41:40 in Wararka by
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo ku dilay degmada Bu'aale Sarkaal ka tirsan Daacish

    Al-Shabaab ayaa Axaddii la soo dhaafay ku dileen degmada Bu'aale ee Gobolka Jubadda Dhexe Sarkaal ka tirsan Daacish. Sida ay sheegayaan wararka Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabayay Yaxya Xaaji Fiile oo loo yaqaano Abuu Zakariye, waxaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa Axaddii la soo dhaafay ku dileen degmada Bu'aale ee Gobolka Jubadda Dhexe Sarkaal ka tirsan Daacish. Sida ay sheegayaan wararka Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabayay Yaxya Xaaji Fiile oo loo yaqaano Abuu Zakariye, waxaa lagu dilay goob lagu shaaho oo uu fadhiyay. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo toogtay Sarkaalkan ay markii dambe meydkiisa u qaadeen goob aan la garaneyn. Abuu Zakariye ayaa xubin ka ahaa Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaa uu xubin ka noqday Golaha Shuurada, inkastoo markii dambe uu ku biiray Ururka Daacish.

Wararka laga helayo Bu’aale ayaa sheegaya inuu dib ugu laabtay Bu’aale, kaddib wada hadal dhex maray isaga iyo Al-Shabaab, waxaana horay loogu eedeeyay inuu ku biiray Al-Shabaab.

Abuu Zakariye ayaa waxaa adeer u ahaa Bashiir Abuu Nucmaan oo horay Al-Shabaab u dileen sanadkii 2015, kaddib markii uu ku biiray Ururka Daacish.

Waa dilkii u horeeyay ee Al-Shabaab ku fuliso Sarkaal ka tirsan Daacish, tan iyo markii uu dhowaan Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku baaqay dagaal ka dhan ah Kooxdaas.



Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay xiisadda u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish, bishii December ayaa labada dhinac waxay ku dagaalameen Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana Daacish ay sheegatay inay disheen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kana furatay Hub iyo agab kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip