HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 14-KA JANNAAYO 2019-KA

0
Monday January 14, 2019 - 09:52:39 in Wararka by
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 14-KA JANNAAYO 2019-KA

    MADAXWEYNE DENI OO MAANTA XILKA LA WAREEGAYA Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xi-geenkiisa Axmed Cilmi Kar-aash ayaa maanta lagu wa-ddaa in ay xilka si rasmi ah ula wareegaan. Qabanqaabadda la waree-gitaanka x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE DENI OO MAANTA XILKA LA WAREEGAYA Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xi-geenkiisa Axmed Cilmi Kar-aash ayaa maanta lagu wa-ddaa in ay xilka si rasmi ah ula wareegaan. Qabanqaabadda la waree-gitaanka xilka ayaa Saaka ka socota Magaalada Garo-we, waxaana maanta Mad-axtooyadda baneynaaya Madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisii. Waxaana lagu wadaa in isla maanta uu mada-xweyne Deni uu usoo guuro xarunta dhismaha Madaxtooyada maamulkaasi looga arrimiyo, halkaasi oo uu deganaan doono ilaamaa ay ka dhamaaneyso shanta sanno ee muddo xileedkiisa ah ee loo doortay. Madaxweynaha iyo ku xigeenkiiisa ayaa lagu doortay Doorashadda 8 bishaan ka dhacday Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

KHILAAF XOOGAN OO SOO KALA DHEXGAL AY MID KAMID AH DALALKA AY CIIDAMA DA KA JOOGAAN SOOMAALIYA IYO QM

Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi.

Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Warbixin ka qoray Khilaafka Burundi iyo QM, wu xuuna Cinwaan kaga dhigay:

Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee XuquuqdaAadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Warge ysku waxa uu qoray inay Dowladda Mad axaweynaha Burundi, Piyeer Nakununs isa doonayeen in dha maan Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ka wada baxaan, iyadoo uu Xog hayaha Gu ud ee QM, Antonio Guterres sheegay inaysan taasi micno lahayn.

Sida laga soo xigtay Ilo dhinaca gu daha waxay Dowladda Burundi sheegt ay in si KMG ah loo xiro Xaf iiskaas, iya doo ku wargelisay Hay’adda QM ugu qa abilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nat ions High Commissioner for Human Rights) ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland.

Dowladda Burundi waxay bishii De cember 31dii ee sannadkii hore albaab adda u laabtay 4 Xafiis Gobal eed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska Inner City Press waxa uu qoray in Khilaafka QM iyo Burundi ku soo beegmay, iya doo Do wladda Burundi ku gacan sayrtay Qor shaha Ururka Miowga Afrika ee AUda ku doonayaanin lagu dhi mo Tirada Ciid danka Burundi ee qeybta ka ah Hawl galka AMISOM.

Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kol onel Floribert Biyereke waxa uu Bishii December 24dii ee sannadkii ho re, ga ashaanka ku dhuftay Codsigii AUda ee ahaa in Kun Askar looga dhimi doono Cii ddanka Burundi marka la gaaro bisha Feberaayo 28da ee sannadkan.

Afhayeenka waxa uu ku baaqay in dhamaan dalalka ay Ciiddamadda ka jog aan Somalia si isku mid ah looga dhimo tirada Ciiddanka laga daaddureynayo Somalia. Burundi waxaa haatan Somalia ka jooga ciiddan tiradooda dhan tahay 5,400 Askari, waana dalka 2aad ee ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, marka la ga reeboCiiddanka Uganda oo ay 6, 200 Askari ka joogaan Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Dowla dda Burundi kala dhexeeyo QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli ta agan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda Ururka AUda ka qaadan doonaan Go’aanka lagu dhim ayo tirada Ciiddanka Burundi ka jooga Somalia iyo in ay labada dhinac gaari doonaan Heshiis xaalmastuur oo kale ah.

TALIYE INDHOQARSHE OO SHEEGAY INAYS AN CIIDAMADA MILATARIGA KU XADGUDBE YNIN SHARCIGA DALKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaashir Jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnabaku xad gud bi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ay aa tilmaamay in maleeshiyaadka ka tir san AlShabaab ee lagu qabto da gaal ama howlgal ay horgeyn doonaan shar ciga. S/gaas Daahir Aadan Cilmi IndhaQarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay hadal ay si qaldan u turjumeen warbaa hinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan AlShabaab ee lagu qabto how lgalada

Ugu dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoo gga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xus ay in ujeedada Ciidanka Xoo gga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada AlShabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharci ga iyo kala dambe ynta u dagsan dalka.

Hase yeeshee ciidamo ka tirsan Mila tariga Soomaaliya ayaa dhowaan mag aalada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay ku toogteen shan ruux oo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin AlShaba ab,ayna haystaan amar ah inay toga sho ku dilaan dadka loogaga shakiyo inay xu bno ka yihiin dagaalamayaasha AlShabaab.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO SOO GAB AGABEEYAY ISLAXISAABTANKA GOLA HA WASIIRRADA

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fede raalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay islaxisa abtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabt een halbeegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xa amud, ayaa sheegay in si guul ah uu ku soo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’I isul wasaaruhu ku xaqiijinayay waxqab adka 26ka wasaaradood ee xukuumad du ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay waxqabadka san nadka bilaawga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama was iirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gu dbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soo maaliyeed.

AKHRISO:MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND OO TODOBAAD GUDIHIIS SOO SAARAY WAREEGTADII LABAAD

Madaxweynaha dowlad Gobole edka Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi De ni ayaa shalay Soo saaray Wareegto la gu joojinayo Cashuur dhaafkii iyo Ca shuur dhimistii loo samayn jiray hay'ada ha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeya hay. Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa la Ogeysiiyay Wasaaradda Maali yadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Ca shuur dhimistii loo samayn jiray hay’ada ha dawladda iyo kuwa gaarka loo leey ahay.

Sidoo kale waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedka Puntland in la joojiyay Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii la sameeyn jiray.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Sa ciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo.

HOOS KA AKHRISO Wareegta uu soo saaray Madaxweyne Saciid Deni



FAAHFAAHIN KASOO BAXAYSA SOOMAALI LAGU XIRAY DALKA TANZANIA

Sida ay qortay Jariiradda (The East Africa) waxaa dalka Tanzania ka socon aya howlgal ballaaran oo lagu baadi goo bayo dadka ajaanibta ah oo sida sharci darada ah ku galay dalkaasi,ka dib amar ay ka soo baxay dowladda Dalkaasi.

Kangi Lugola oo isagu ah wasiirka arr im aha dibadda ee Dalkaasi Tanzania ayaa soo saaray amar uu siinayo laama ha socdaalka iyo amniga oo ah in ay gur guri uga baalaaran dadka soo galootiga ah ee dalkaasi,si looga hortago.

Meelaha ugu badan oo dowladdu ay sheegtay in dadkaasi inta badan ay ku dhuuntaan waxaa kamid ah Goballadda Kagera iyo Kigoma kuwaasi oo xad dhow la wadaaga dalalka Rwanda, Buru ndi Uganda iyo Kongadda Dimuqraadi ga,xili dalkaasi ay ku soo food leeyihiin doorashooyinkii hoose ee deegaanada.

Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciida mada ammaanka iyo ilaalada xuduuda ha dalkaasi ayaa waxaa ay ku qabteen 11 muwaadiniin Soomaali ah,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay kamid yihiin dad sharci daro ku galay dalkaasi.

WEERAR LAGU DILAY AJAANIB KA TIRSANAA SHABAAB OO KA DHACAY SH.HOOSE

Waxaa faah faahino dheerad ah ka soo baxayaan Howgal Ciidamada DFS oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ay ka fuliyeen G/Sh/Hoose. Wakaalada wararaka u fa afisa dowladda Soomaaliya ayaa lagu baahiyay in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay we erar qorsheysan ay ku qaadeyn fariisimo Shabaab ay ku lahaayeen deegaanada Baladul Amiin iyo Hanti Wadaag oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Ku dhawaad 85 dagaalyahano, iyo xub no sar are oo shabaab ka tirsan oo aja anib ah ayaa howgalkaasi u dambeeyay lagu dilay sida ay sheegatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha lagu dilay weerar ka ee ajaanibta ah ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Sha am kasoo jeeda dalka Masar waxa uuna Shabaab u qaabilsanaa Tababar ada Cii damada, Aweys Abu Xamza Alm ifsali oo heestay dhalashada dalka Tanz ania ,Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heestay Dhala shada Mauritania, waxa uuna hore u ah aa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu musiyaan kasoo jeeda dalka Suuri ya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman.Ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa ma reykanka ee Saoomaaliya ku sugan ay aa dhawa anahaan waxa ay kordhiyeen weerarada shabaab ka dhanka ah, waxa ayna bada naa sheegtaan in khasaaro xoogan ay gaarsiiyaan, walloow aysan jirin illo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheeega shadooda.

MAREYKANKA IYO TURKIGA HESHIIS KA GAARAYA ARRIN XASAASI AH

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Mayk Bombeeyo ayaa hadalkaasi sheeg ay, kadib, markii uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga, Mefl uut Kafusoglu. Bombeeyo uu sheegay in ay ka wada hadleen Xiriirka labada dal, Arrimaha Syria, Wadaxaajoodka u soc da Turkiga iyo Dagaalamayaasha Kurdi shka ee YPG ee uu Maraykanku taagee ro iyo Muwaadiniinta Maraykanka ee ku xiran Turkiga.

Waxa uu intaasi ku daray in Erga yga Maraykanka ugu qaabilsan Arrima ha dalka Syria, Jiim Jeferi isbuucan u socdaalay W/bari ee dalka Syria, lana filayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ku gaaro Caasimadda Turkiga ee Ankara, si uu Madaxda dalkaasi ugala soo xaaj oodo dardargelinta dadaalka siyaasad eed ee QM ee lagu doonayo in xal loo ga gaaro dagaalka 8da sanno ka socda dalka Syria.

ISTICMAALKA MIISAANIYADA 2019 OO LA DAAHFURAY IYADOO AAN LA XISAAB XIRIN MIISAANIYADII 2017 IYO 2018

Isticmaalka Miisaaniyadda DFS ee sanadka 2019 ayaa shalay si rasmi ah u furmay iyadoo aysan aysan Dowlada Federalka xisaab xirin Misaaniyadii laba dii sano ee la soo dhaafay ee 2017 iyo 2018.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda XFS Md.C/raxma an Ducaale Beyle oo shalay si rasmi ah u Daahfuray isticmaalka Miisa aniya dda Dalka ee Sanadkan 2019,mad axda wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Han ti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soo maaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniy addii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticm aalay,iyagoona raja wanaagsan ka muu jiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo. Dadaalka ay waddo wasaaradda Maaliy adda Dal ka marka laga soo tago horum arinta dha qaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deym aha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loo gu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarla ma anka Soomaaliya uu ansixiyay miis aaniyadda dowlada ee sanadka 2019, iyadoo shalay wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono.

Daahfurka isticmaalka miisaaniada 2019

TABABAR LAGA JOOJIYAY XISBIGA UU HOG GAAMIYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xaru nta gobolka Bay ayaa shalay joojiyay Simi naar uu soo qaban qaabiyay Xisb iga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxwe ynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kas oo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

"Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinay naa inuu baaqdey Kulankii Aqoon koro rsiga ahaa ee shalay ka dhici lahaa Hot eelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamu lka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka.

Sidaan oo kale todobaadkii hore wax aa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN AYSAN SHATIYO SIININ MARAAKIIBTA KALLUUNKA XAALUFIYA

Cabdullahi Bidhaan Warsame Was iirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kha yraadka Badda Xukuumadda Soomaali ya oo Xafiiskiisa Saxaafadda Kula had layay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirk ado ay shati siisay Wasaaraddu.

Shir jaraaid uu shalay ku qabtay Mu qdisho ayuu kaga hadlayay dadaalka wa saaradd ay ugu jirto horum arinta howla ha horyaala. "Wasaaradda Kalluumaysi ga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda federalka Soomaa liya waxay si daah furan u bixisay wajigii koowaad ee bixi nta shatiga Kalluumaysiga iyadoona la gu bilaabay 31 Shirkadood oo laga leeya hay Dalkaas Shiinaha kuwaas oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqa an Tunaha oo badena ku badan”. Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunk eena Maalgelin iyo suuqgayn Wadamada der iska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. . Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Kha yraadka Badda Soomaaliya ayaa int aas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadal ada dadku Isla dhexmarayaan ee shee gaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay.

NIDAAMKA SHAQAALE EE DAWLADDA DHEXE IYO KAN GOBOLKA OO LA ISKU XIRAYO

Duqa Muqdisho ahna Gud doomiya ha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirax maan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiim san ee tirakoobka shaqaalaha Dawladda Hoose ay tahay sidii la iskugu xiri lahaa nidaamka shaqaale ee Dawladda dhexe iyo kan Maamulka, si meesha looga saa ro dadka labada dhinac mushaarka ka qaata.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu in mud do ah ku howllanaa sidii shaqaalaha Da wladda Hoose u shaqeeya lagu diiwaan gelin lahaa, iyadoo howshan ay iska ka ashanayaan Wasaaradda Shaqada, Sha qalaha iyo Wasaradda Maaliyadda.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka sii yey Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac nidaa mka shaqaaleysiinta Gobolka Banaadir iyo habraaciisa, isagoo xusay in labada dhinac ay iskakaashan doonaan sidii loo kordhin lahaa tayada iyo xirfaha shaqaalaha .

Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxma an Cumar Cusmaan waxuu sheegay in natiijada ka soo baxaysa tirakoobkan ay wax badan ka badalidoonto xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha, isla markaana ay arrintani ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xuku umadda F. Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wadashaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, dhankoodana ay ku dadaalli doonaan sidii loo heli lah aa shaqaale tayo leh oo ku habboon howlaha loo idmaday.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamul ka iyo Maareynta Maaliyadda, Guddoo miye kuxigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Gu ud, Agaas imaha Waaxda Shaqaala ha D/Hoose iyo masuuliyiin kale.

DHALINYARO SOOMAALIYEED OO KU DHIB AATEYSAN LIIBIYA OO CODSI U DIRAY DOWLADDA FARMAAJO

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay la kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ku nool dalka Liibiya.

Soomaali badan ayaaTahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaasi Oo doonaa yay in ay kasii aadaan dalalka Yurub, balse qaarkood ayaa la kulmo jir dil iyo madaxfurasho.Maxamed Cabdi raxman Cali waxaa uu ka mid yahay dhalanyaro gaareysa 25, kuwaasi oo ku xiran dalka liibiya, wa xaa uuna sheegay in dhibaatooyin bad an ay ku haystaan dalkaasi,sida uu mid ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah u sheegay .

Waxaa soconaya dadaallo dowl adda Soomaaliya ku dooneyso in ay dal ka dib ugu soo celiso dhalinya rada Soo maaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liib iya sida uu horey u sheegay danj iraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.

WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO BAAQ U DIRAY MADAX WEYNE SACIID DENI

Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowl adii Cabdullaahi Yuusuf Ax med ayaa ka hadlay Doorashadii dhawaan uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulla ahi Deni,isagoona baaq u jeediyay.

Waxa uu sheegay Ismaaciil Hurre Buu baa in Madaxweyne Saciid Deni looga baahan yahay in uu la yimaado waxqab ad cusub,isla markaana uusan marin hal kaasi horey u mareen Madaxweyneyaa shii isaga ka horeeyay.

Ismaaciil Hurre Buubaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee do wladii hore C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Dalsan ayaa Madaxweynaha cu sub ee Puntland ugu baaqay in dagaal ka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dhinac.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayuu tilmaamay in uu xil iska saaro sidii loo dhammeyn lahaa Colaada u dhexeeysa Puntland iyo Somalil and,taasi oo ka taagan xuduudka labada dhinac ay wadaa gaan.

Ciidamo kala taabacsan maamulada Pu n tlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexm aray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo lab ada dhinac soo kala gaaray .

CIIDAMO KA TIRSAN PUNTLAND OO QARAX MIINO LAGULA EEGTAY BUURALEYDA GALGALA

Wararla helaayo ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay Ciidamo ka mid ah kuwa maamulka Puntland. Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaan lagula eegtay halka loo yaqaano Bali Qadar oo ku taalla Buuraleyda Galgala, waxaana ku dhintay hal askari waxaana ku dhaa wacmay sida aynu wararka ku heleyno saddex askari oo gaariga ay saarnaay een uu qabsaday qaraxaasi.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku dar ayaan in dhaawaca askartaasi la geeyay isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso, waxaana lala tacaalayaa xaaladooda caafimaad.

Maamulka Puntland ayaa waxa uu Galgala kula dagaalamayaa Shabaab, iyo Daacish, waxaana badi Shab aab ay ciidamada Puntland ay la beegsadaan qaraxyada nuucaani ah.

WAFDI KA SOCDA DOWLADA SOOMAALIYA OO SHIR UGA QEYB GALAY IMAARAADKA

Shirka waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeybgalayo Wasiir ku _Xigeenka ah na Sii ahaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyadoo diirada lagu saarayo Tamarta cadeeda laga dheliyo ama Solarka, Waxaana shirka Soo qab an qaabisay Hay”ada Tamarta IRENA oo fadhigeedu yahay magaalada Abuu Dubaay ee dallka Imaaradka.

Mudane Cusmaan Libaax Ibraahiim Wasiir ku xigeeka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha dalkap oo furita anka shirka ka jeediyay hadalo kooban ayaa waraxbiyay muhiimada Soomaali ya u leedahay Koran tada laga dhaliyo Cadeeda.

"Waxaa xooga saran sidii aan dalke ena oo cadeediisa ay wanaagsan tahay sidii aan uga faa”iideysan laha yn,wax aan hay”addan IRENA oo aan xubinta dalkeena ka yahay uga mahadcelinay aan sida ay arrimahan ug ala shaqeena yso Soomaaliya, anigana waxaan naga go,an sidii aan u dar dar gelin lahayn arrimaha tamarta ayuu yari Wasiir Cu smaan.

Dhimaca kale Wasiir Cusmaan Lib aax I brahiim ayaa dalka Imaaradka uga qeybgalayo Shirka Tamarta ee sanad la ha ah ee dowladda Imaraadka ay qabto kaas oo ay ka qeybgalayaan xuna ka socda Dowladda Car abta, African, iyo hay”adaha caalamka ee ka Shaqeeyo Arrimahan Tamarta iyo sida looga faa” iideysan karo.

ALSHABAAB OO SARKAAL KATIRSANAA DAACISH KU DISHAY BU’AALLE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbadda dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Shabaab ay ku toogteen Sarkaal ka tirsan Ururka Daacish ee ka dagaallama Magaalada Muqdisho iyo degaanada maamulka Puntland.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey degmada, kadib markii Sirdoonka AlShabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Soomaaliya sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen AlShabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016kii.

Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey AlShabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh AlQaacidda ee Daacish.

AlShabaab iyo Daacish ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal waxaana kooxahan dhawaan ay ku dagaalameen duleedka degmada Qandalla, ee gobolka Bari, iyagoo iska dilay xubno badan.

PROF: YAXYE CAAMIR OO TILMAAN AAN WANAAGSANEYN KA BIXIYAY NINKA AJANABIGA EE LOO MAGACAABAYO BANGIGA DHEXE

Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aq oon yahan ku taqasusay cilmiga dhaqa alaha ayaa si cajiib ah kaga had lay arin maalmahaan aad loo hadal hayo oo ku aadan guddoomiyaha cusub ee loo qor sheynayo Bangiga Dhe xe. Prof Yaxye Sheikh Caamir, ayaa sheegay in Nigel Roberts oo ah shaqsiga loo wado Ban giga Dhexe inuu ku dhacayo qodobo dhowr ah oo kamid ah xeerarka Bangiga Dhexe iyo shuruucda dalka, kuwaasi oo hadda baarlamaanka la doonayo inay wax ka badalaan.

Wuxuu sheegay in ugu horeyn laga doonayo sharuudo ay kamid yihiin in qof ka Bangiga dhexe loo dhiibayo inuusan aheyn ruux ajnabi ah, waxaana dhigaya sharciga 130 qeybtiisa Afaraad sida uu sheegay aqo onyahanka.

PROFF YAXYE Prof Yaxye, wuxuu kasoo shaqeeyay Bangiga dhexe, isaga oo sheegay in sharuuda labaad ee ninkaasi u diideysa xilka inay tahay in laga doonayo in mu ddo 12 sanadood ah uu ka shaqeeyay Ha y’ado Maxali ah ama kuwa dowlad da.

Arinta 3xaad ee xadi deysa inuus an qab an Bangiga dhexe ayuu ku sheegay in ay tahay inuu bartay waxyaabo dhaq aal aha la xiriira, wuxuuna sheegay in Nigel uu bartay suugaanta iyo dhaqanka UK, laakiin uu heysto cilmi kororsi aan badneyn oo la xiriira dhaqaalaha bee raha.

Prof Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ajnabiga ah kaliya uu noqon karo Lata liye Bangiga Dhexe ee Soom aaliya balse uusan qaban karin xilka gud doomiyaha Bangiga dhexe ee dalka.

Wuxuu su’aalo ka keenay ujeedada mad axda dowladda Soomaaliya hadda ka leeyihiin in ruux ajnabi ah xilkaasi lo dhi ibo, iyadoo ay joogaan aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo shaqo la’aan dalka ku heyso.

Prof: Yaxye Caamir oo tilmaan aan wa naagsaneyn ka bixiyay Ninka ajanab iga ee loo magacaabayo Bangiga Dhexe

TALIYIHII SIRDOONKA EE MILLITERIGA YEMEN OO GEERIYOODAY

Sarreeye Guuto Salaax Tamaah ayaa la sheegay inuu shalay u geeriyooday dha awacyadii ka soo gaaray Diyaaradii Dar oonka ee ay Maleeshiyadda Xuutiyi inta dhawaan ku qarxiyeen Munaasbaad Milli teri oo ka socotay Saldhigga Ciidda nka Cirka ee Alcanad ee Koonfurta Yemen.

Jeneral Saalax Tamaah oo 64jir ahaa waxa soo gaaray dhaawac aad u culus, waxaana isaga iyo Taliya ha Guud ee Milliteriga Yemen lagu daaweyney Isbitaal ku yaalla magaallaadda Cadan oo Caasimad KMG u ah Dowladda Madaxweyne C/rabbi Mansuur Haadi.

CIIDANKA XOOGGA DALKA OO ISKU FURAY LABO DEGMO OO MUHIIM AH,ALSHABAABNA KA SAARAY…

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciid amada ay ALshabaab ka saareen degaa nno u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyn.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoo gga Dalka Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in howlgal ay ka sameey een inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledw eyne ku saareen qaar ka mid ah Ciidam ada Alshabab ee ku sugnaa Tuulooyin ka u dhaxeeya labada Magaalo.

Tareedishe ayaa sheegay in Ciidam ada Dowladda ay la wareegeen degaan nada kala ah Oratan Hees, Cali Ganeey oo u dhaxeeya Maxaas iyo Beledweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in howlgalada ay sii wadi doonaan islamarkaana dhaq dhaqaaqa inta u dhaxeys Maxaas iyo Beledweyne ay nabad ka dhigi doonaan.

Daraad Alshabab ayaa waxaa ay soo bandhigeen shan askari oo ay ku she egeen in ay ka goosteen Ciidanka dowla dda ee jooga Maxaas,kuwaas oo lagu soo bandhigay ALshabab.

KHILAAFKA XISBIGA UCID EE SOOMAALI LAND OO SABABAY IS CASILAADA MAS’U UL KA TIRSANAA

Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Ucid Abdinaasir Muxumed Bu une ayaa sheegay in uu iska cas ilay xis bigii uu ka tirsanaa iyo xilkii uu hayeyba isaga oo ku eedeeyey in aanu xisbigaasi jihaba haysan, go’aan ka ay ka qaateen guddida lagu muransan yahay ee doora shooyinkana aanu la qabin.

Dhinaca kale kuxigeenka xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Cusmaan oo bbcda la hadlay ayaa sheegay in ay Gudoomi ye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga Ucid Abdinaaser Muxumed Buune ay xilka ka qaadeen. Tallaabadaan is casil aada ah ayaa daba socota muranka ka dhashay dib u dhigista doorashooyinka Baarlama anka Soomaaliland oo Xis iyada qaarko od ay isku khilaafeen.

CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND OO KA JAWAABAY EEDDO UU U SOO JEEDIYEY ABWAANKII DARAAD LA XIDHAY

Ciidanka Amniga Somaliland ayaa ka jawaabay eedihii uu usoo jeediyey abwaan Cabdiraxmaan Abees oo da raad xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dhacdo uu ku arkay saldhiga degmada kood buur ee Hargeysa suugaan ka sameeyey.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska C/raxmaan Fooxle iyo afhayeenka ciidankaasi Faysal Xiis oo si wada jir ah warbaahinta ugu sharaxaya dambiyada uu ka galay ciidanka Abwaan Abees ayaa sheegay inuu qaranka iyo ciidankaba ceebaynayey,isla markana uu kulankaasi uu abwaanku waday ahaa mid la soo abaabulay.

"Ciidanku boolisku kuwaas wax ka sheegay ayuu guryahoodda ilaaliyaa, in aflagaado iyo hadal qiimo lahayn ka sheegtaa waa xaaraan, qodobka saxaafaduna wuxuu sheegay in ciidanka amniga warbaahinta wax lagaga sheegi Karin, ciidanku waa difaacaagii oo ilaalinaya nabadgalyada, kaama mudna inaad wax ka sheegto.”ayuu yidhi taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Fooxle.

Sidoo kale, waxa isna ciidanka booliska u hadlay Afhayeenka ciidanka Faysal Xiis, waxaanu yidhi "12.1,2019 ciidanka boolisku waxay soo xidheen eedeysane Cabdiraxmaan Ibraahim Abees, kaasi oo ku kacay ceebeen uu u gaystay ciidanka booliska iyo qarankaba, isaga ayaa qiray inuu walaalkii ahaa budhcad magaalada dhaca yey, xadhigiisa waxa loo soo maray sifo sharciga waafaqsan, eedeysanaha waxa haysta aqoondaro dhinaca sharciga ah waayo wuxu qirtay inuu ciidanka booliska ku sameeyey shaqo is hor taag iyaga oo gudanaya waajibaadkii shaqo, arrinta uu ka hadlayey waxay ahayd sanad ka hor, waxaanay wadeen qorshe la soo abaabulay oo qaranka lagu ceebaynayo.”

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay gabadha uu abwaanku sheegay in saldhiga ku dhex silsiladaysnayd, waxaanu yidhi "Gabadha uu leeyahay waa la kufsaday waa beentii oo waxay gabadhaasi jajabisay gaadiid jidka mara yey, waxaanay ahayd gabadh waalan oo maskaxda ka jirin waxana ciidanku u gudbiyeen cisbitaalka dhimirka, afarta ciyaalka ah ee uu saldhiga ku arkay waxay si wada jir ah fal khasaare sababay u wada galeen, waxaana u gudbiyey maxkamada oo hawshoodu ka socoto”

Sidoo kale, waxa uu afhayeenka ciidanku sheegay inay baadhitaan ku wadaan Abwaan Xasan Laabsaalax oo uu sheegay inuu eeddo usoo jeediyey ciidanka amniga.

SHEEKADA GABAR KA BAXSATAY NOLOSHA SACUUDIGA

Waxay ahay sheeko dunida qabsatay, taas oo sababtay in wax la iska weydiiyo xayiraa daha saaran haweenka u dhashay dalka Sacuudiga.

salwa (1)Rahaf Mohammed alQunun, oo 18 jir ah, ayaa dareenka caalamka soo jiidatay toddoba adkii hore ka dib markii ay isku soo xirtay qol ay hoteel ka degganeyd, isla markaana ay diidd ay in dib loogu celiyo dalkeeda.

Waxay ka baxsaneysay qoyskeeda oo ku nool dalka Sacuu diga. Ka dib markii ay olole ka billowday barta Twitterka, wax ay magangalyo ka heshay dalka Canada.

Iyadoo ay weli taagan tahay doodda ku saabsan xuquuqda haweenka ee dalka Sacuudiga, gabar kale oo dhalinyaro ah oo ka soo carartay dalkaasi haatanna ku sugan Canada ayaa she ekadeeda uga warrantay BBCda.

Salwa, oo 24 jir ah, waxay iyada iyo walaasheed oo 19 jir ah soo baxsadeen siddeed bilood kahor haddana waxay ku nool yihiin magaalada Montreal. Waxay nooga warrameysaa sida ay wax u dhaceen:

Diyaargarowgii

Muddo lix sano ah ayaan qorsheyneynay inaan baxsanno, balse waxaan u baahneyn baasaboor iyo kaar aqoonsi, si ay ta asi noogu suurtogasho.

Waxaan u baahnaa inaan aabbahay oggolaasho ka helo si aan u qaato baasaboor. (Haweenka Sacuudiga ku nool waxaa looga baahan yahay inay oggolaasho ka helaan rag qoysko oda ka tirsan si ay u helaan adeegyo badan oo ay dowladdu bixiso).

Nasiibwanaag, kaar aqoonsi waan haystay sababtoo ah qoyskeyga ayaa ii oggolaaday in la i siiyo mar aan jaamacad dhiganayay.

Waxaan sidoo kale haystay baasaboor sababtoo ah waxaa la i siiyay labo sano kahor mar aan u fadhiistay imtixaanka luqa dda Ingiriiska.

Balse qoyskeyga ayaa iga qaaday, haddana, dib baan u hel ay. Waxaan xaday furaha guriga walaalkey si aan ugala baxo dukumentiyadaas. Kama bixi karin guriga anigoo aan fasax ka heysan balse iyagoo hurdaya ayaan soo dhuuntay.

Aad ayay khatar u ahayd sababtoo ah haddii ay i qaban laha ayeen dhibaato ayay ii geysan kareen.

Markaan guriga galay waxaan soo qaatay baasaboorkeyga, kii walaashey iyo sidoo kale waxaan aabbahay oo hurda ka soo xaday moobaylkiisa.

Waxaan galay akoonkiisa bogga wasaaradda arrimaha gud aha, nambarkiisii meesha ku qornaa ayaan keyga ku beddelay.

Waxaan sidoo kale akoonkiisa nooga dalbay fasax ah inaan labadeennaba dalka ka bixi karno.

Xilli habeen ah oo la wada hurdo ayaan soo baxnay. Aad iyo aad ayay u dhib badneyd.

Gaari ma kaxeyn karin, sidaas darteed taksi ayaan u yee rannay. Nasiibwanaag, inta badan darawallada ga waarida ee Sacuudiga ku sugan waxay ka soo jeedaan dalal shisheeye sidaas darteed wax dhib ah uma aysan arkeyn inaan keligeen safarno.

Waxaan aadnay Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid oo u dhow magaalada Riyadh. Haddii uu qof ogaan lahaa waxa aan sameyneyno waxaan u maleynayaa in nala dili lahaa.

Sanadkii ugu dambeeyay waxbarashadeyda, waxaan ka shaqeynayay isbitaal waxaana keysaday lacag igu filan inaan ti kid ku iibsado isla markaana aan ku helo dalkugalka Jar malka.

Waxaa noo suurto gashay inaan raacno diyaarad u soco tay Jarmalka. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan diyaa rad raaco, aad ayay u xiiso badneyd. Farxad ayaan dareemay, sidoo kale waan baqayay, dar eenkeygu ma fadhin.

Aabbahay ayaa booliiska wacay markii uu ka war helay inaynaan guriga joogin, balse waxay ahayd xilli aan waxba laga qaban karin.

Sababtoo ah nambarkiisii ku qornaa bogga wasaaradda arrimaha gudaha keyga ayaan ku beddelay, sidaas darteed booliisku aniga ayay i soo wacayeen.

Markaan Jarmalka tegay, waxaan xitaa booliiska ka helay farriin aabbahay ku socotay.

Markaan nimid Nolol kama jirto Scauudiga. Keliya jaamacad ay aan dhigtay ka dib guriga ayaan dib ugu laabtay waxna ma qa ban jirin. Tacaddiyo ayay qoyskeygu ii geysan jireen.

Markaan Jarmalka nimid waxaan raadiyay qareen noo doo da si magangelyo naloo siiyo. Foom ayaan buuxi yay waxaana uga warramay qisadeenna.

Waxaan doortay Canada sababtoo ah waxaa aad loogu yaq aannaa qiimeynta xuquuqda aadanaha. Waxaan arkay warka ku saabsan qaxootiga Suuriya ee halkaas la dejiyay, waxaana is tusay inay tahay dalka aniga ii wanaagsan.

Codsigeyga waa la aqbalay, markii aan tegay Toronto wax aan garoonka ku arkay calanka Canada, waxa ana dareemay dareen guul oo ay ay farxad ku dheehan tahay.

Shalay aniga iyo walaashey waxaan ku sugannahay Montr eal wax dhib ahna ma qabno. Halkan cedna ima qasbeyso.

Waxaa laga yaabaa in Sacuudiga ay lacag badan taallo, laak iin halkan ayaa wanaagsan sababtoo ah markaan doonayo ina an guriga ka baxo waan iska baxaa. Cedna fasax ugama ba ahni. Dibadda ayaan isaga baxaa.

Runtii aad ayay ii farxad gelineysaa. Waxaan dareemaa ina an xor ahay. Waxaan xirtaa dharkaan doono.

Waxaan bartaa luqadda Faransiiska laakiin aad ayay u dhib badan tahay! Waxaan sidoo kale bartaa sida baaskiilka loo ka xeeyo iyo waxaan sidoo kale isku dayayaa inaan barto dab aasha.

Waxaan dareemayaa inaan nafteyda wax u qabanayo.

Wax xiriir ah lama lihi qoyskeyga, balse waxaan dareemay aa inay sidan ii fiican tahay ayagana u fiican tahay. Waxaan da reemayaa in halkan ay tahay hoygeyga. Halkan ayaa wana agsan. Source: BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip