HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA SABTI 12-KA JANNAAYO 2018-KA

0
Saturday January 12, 2019 - 09:48:00 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA SABTI 12-KA JANNAAYO 2018-KA

    MAXAY TAHAY SABABTA UU HAKADKA UGU JIRO BIXINTA BAASABOORKA SOOMAALIGA? Iyadoo uu hakad ku jiro bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dadka si wayn uga cabanayaan muddooyinkii dambe, ayaa sababta keentay inuu hakad ku yimaado baasaboorka waxa ay tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAY TAHAY SABABTA UU HAKADKA UGU JIRO BIXINTA BAASABOORKA SOOMAALIGA? Iyadoo uu hakad ku jiro bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo dadka si wayn uga cabanayaan muddooyinkii dambe, ayaa sababta keentay inuu hakad ku yimaado baasaboorka waxa ay tahay arrimo la xiriira Shirkadda Daabacda Baasaboorada Somaliya. Shirkadda Daabacda Baasaboorada Soomaaliga ayaa horay qandaraas heshiis ah waxaa ula galay dowladii ka horeysay midda hadda jirta, waxaana heshiiskaasi uu noqday mid waqtigeeda uu dhamaaday, kadibna waxaa jiray Khilaaf ka dhashay cusbooneysiinta heshiiska.

XOGHAYAHA DIFAACA DOWLADA BRITAIN OO BAAJIYAY SAFAR UU KU IMAAN LAHAA MMUQDISHO.

Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya dalka ka cayriday wakiilkii xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nichalos Haysom, waxaa shaki badan la galinayay habka uu ku sii wanaagsanaan karo xiriirka diblomaasiyeed ee soomaaliya kala dhaxeeyo wadamo badan oo ka soo horjeestay go’aankii ay Haysom ka qaadatay dowlada.

Dalalka ka soo horjeestay aadkana u cambaaray’yay cayrinta N. Haysom waxaa kamid ahaa wadamada ku bahoobay midowga Yurub gaar ahaan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Xoghayaha difaaca ee dowlada Britain Givan Williamson, oo dhawaan booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeisa ayaa baajiyay kulan uu caasimada Muqdisho kula yeelan lahaa madaxwayne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Baaqashada ku timid kulanka uu xoghayaha difaaca UK la qaadan lahaa masuuliyiinta ugu sareyso dowlada faderalka ayaa daba socota xiriirka diblomaasi ee sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowlada faderalka iyo dowlada Britian tan iyo khilaafkii ka dhashay ceyrintii Mr Haysom, sida uu daabacay Wareyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

1’dii bishan Janaayo ayay ahyd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka ceyriday wakiilkii xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya N. Haysom, oo su’aal laf dhuungashay ku noqotay dowlada ka keenay xarigii Mukhtaar oo Roobow lyo qalaalasihii ka danbeeyay ee ka dhacay M/Baydhabo oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux. xigasho:https://radiokulmiye.net

NIGEL ROBERTS OO LAGU WADO IN LOO MAGACAABO GUDDOOMIYAHA BANGIGA DHEXE EE SOOMAALIYA

Warar xogagaal ah oo an naga soo gaarayo ilo ku dhawdhaw wasaaradda maaliyadda ayaa sheegaya in Nigel Ro berts loo magacaabidoono guddoomiy aha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Arr intaan ayaa soo shaac baxday ka dib markii bishan Jan. 4teedii golaha wasiir ada ay meelmariyeen sharciga ogolaa naya in qof ajinabi ah uu madax ka noq do Bangiga Dhexe.

60kii wasiir iyo wasiir kuxigeen ayaa si buuxda oo aan ka hadal iyo dood lah ayn ugu raacay qorshaha R/Wasaare Khayre iyo wasiirkiisa maaliyadd ee lagu beddelayo sharciga u degsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Sharciga Bang iga Dhexe ayaa mamnuucaya in qof aji nabi ah uu madax ka noqdo bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ee DFS C/xma an Ducaale Beyle ayaa bishii August ee 2018 ku dhawaaqay in jagada bangiga dhexe ay bannantahay ayna soo codsan karaan cid waliba. Waxaana xayeesiiska shaqada lagu baahiyey joornaalka Econ omist ee ka soo baxa dalka Britain. Wax ayna dowladda ku bixisay qarash gaa raya $26,000 oo dollar. Wasiir Beyle ay aa waxaa ka hortimid caqabadda sharc iga u degsanBangiga Dhexe oo ah in qof aanan Soomaali ahayn loo magicaa bi karin jagadaas. Taas ayaa sababtay in dowladda ay bilowdo olole la rabo in wax lagaga beddelo sharcigaas.

Jagadaan bannaan ee Bangiga Dhe xe ayaa waxaa soo codsaday 150 qofo od, iskushaandhayn ka dib waxaa dad ka laga soo reebey ilaa iyo 16 qofood, markii wareysi (interview) laga qaadayna waxeey isug soo aruureen ilaa iyo 7 qof ood (4 Soomaali ah iyo 3 ajaanib ah uu ka mid yahay Nigel Roberts).

Nigel Roberts oo ay dowladda shaqa daan u waddo waa qof noocee ah:

Niget Roberts waa aqoon yahaan u dha shay dalka Britain. Wuxuu ku soo biiray hay'adda Bangiga Adduunka ee World Bank sannadkii 1981 isaga oo ay shaq adiisu ahayd dhaqaalah Beeraha (agricu ltural Economist). Wuxuuna shahaada Masterka ku wataa cilmiga luqadda Ing riiska (English Literature). Wuxuu hay’a dda Bangiga Adduunka la shaqeyneyey muddo 20 sanno ah. Wuxuuna ka soo shaqeeyey wadamada kala ah Nepal, Ethiopia, West Bank and Gaza, Sydn ey/Pacific

Su’aasha dad badan ay isweydiina yaan ayaa waxay tahay ma la waayey qof Soomaalia ah gudaha iyo dibadda oo ka aqoon iyo waaya aragni mo badan Nigel Roberts?

Su’aashaas ayeey HOL weeydiisay Maxamed Dalmar Cabdiraxmaan oo ah aa agaasimihii ugu dambeeyey ee Bang iga dhexe ee Soomaaliya dowladdii Max amed Siyaad Barre, aqoon wanaagsan u leh qaabka uu u shaqeeyo Bangiga Dhexe."Waxaa jira boqolaal Soomaali ah oo intii la doono ka aqoon iyo khibrad badan Mr. Nigel, haystana shahaadoyin kala duwan Master iyo PhD kana soo shaqeeyey bangiyada caalamiga. Soom aaliya markay xornimada qaadatay 19 60, waxaa bangiga dhexe maamulay ey laba nin oo Talyaani ah maxaa yee lay dad aqoontaas leh ma jirin. Laakin maan ta oo Soomaali adduunka ku wada yaac day, waxaa la helayaa dad si fiican uga soo bixi kara shaqadaas. Ma aqaan wax dowladda shalay ku kalifay in qof ajin abi ah loogu magacaabo Bangiga Dhe xe ee Soomaaliya. Jagada ajinabi ku ha boon ayaa waxay ila tahay jagada aga asimaha guud ee bangiga dhexe ” ayuu yiri Maxamed Dalmar.

Maxamed Dalmar ayaa sidoo kale sheegay in howsha Bangiga Dhexe ay is ka kooban tahay maadaama uusan Shil lin Soomaali shaqeyn oo Dollar wax lagu kala gato. Dhibaatooyin ka immaan karo ayaa waxaa ka mid ah ayuu yiri Maxa med Dalmar:

1Mushaarka Nigel Roberts oo aad u ba dnaandoona, maadaama uu yahay aji nabi xiriir hoosana la leh ha'yadda Bang iga Adduunka ee World Bank oo si weyn u kabta mushaaraadka shaqaalaha dowl adda Soomaaliya

2 Ilaalinta Nigel Roberts oo qarash dhe eraad ah ku bixidoono. Maadaama uu Xalane ka soo shaqa tagidoono, joogit aankiisana uu u badnaandoono dalka Kenya.

3Kooxaha argagixisada oo dhaqdhaqa aqiisa si gaar ah ula soconayo si ay u waxyeeleeyaan sumacadda Bangiga Dhexe

BF Soomaaliya ayaa beri u ballansan in ay ka doodaan ansixinta sharciga u deg san Bangiga Dhexe ee Soomaaliya si markaas shaqada guddoomiyenimada lo ogu magacaabo Mr. Nigel Roberts.

XIGASHO:HIIRAAN.COM

XILDHIBAAN KA TIRSAN BAARLAMAANKA GALMUDUG OO GEERIYOODAY

waxaa ku geeriyooday Allaha u Naxrii stee xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaan ka D/Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu Magaca abi jiray Xassan Maxamed Axmed (Xas an Caarad),waxaana mas’uuliyiin ka tirs an maamulka Galmudug ay xaqiijiyeen in uu MNairobi ku geeriyooday.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Ma amulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeey ay geerida ku timid Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug

XILLIGA AY KA DHACEYSO DOORASHADDA BAARLAMAANKA SOMALILAND OO LA SHAACIYAY

Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa ku heshiiyay in doorashooyinka baarla maanka iyo degaanka la qabto bisha November 2019ka, iyadoo doorashada ay qabanayaan guddida doorashooyinka ee hadda jooga.

Xisbiga Wadani ayaa ka qeyb ka ah eyn Xisbiyadda gaaray Heshiiskaan cus ub. ee doorshada iclaamiyeen


AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA CAAFIMAADKA SOMALILAND OO LA DHAA WACAY

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaad Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa ku dhaawacmay rasaas uu ku furey askari ka tirsan cii damadda Militeriga Somaliland. Agaa si maha guud ee w/Caafimaadka Dr :Xar geeye ayaa isku dayey inuu ka joojiyey askarigan oo guri sandaqad ah ka dhi sanayey goob uu leeyahay dugsiga caafi maadka ee M/Hargeysa., taasina ay ke entay gacan ka hadal yimaado ka dib markii agaasimuhu doonayey inuu gaca ntiisa ku dumiyo jiingadi uu dhisayey, ta asina ay keentay inuu xabad kaga dhu fto lugaha gaar ahaan bawdadda, inkas too aanay laf jabin balse ay jiidhaysay xabadii uu ku furay.

"Dalka waa loosoo dhaawacmay oo loo dhintay, waan ku faraxsanahay ina an ku dhaawacmay anigoo qarankeyga u shaqeynaya" ayuu yidhi agaasimaha oo warbaahinta la hadlay. Agaasimaha ayaa dhaawac fudud noqday, waxaana xabsiga loo taxaabay askarigii xabadda ku dhuftay oo xabsiyadda ciidamada loo taxaabay.

WARARKII UGU DANBEEYAY DAB HABEEN HORE KA KACAY SUUQA BAKAARAHA EE M/MUQDISHO

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa wax aa habeen hore qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.

Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Hudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba ku fid ay qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan, sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah dadkii halkaa gurmadka u tagay.

‘’Dabkan waxaa oran karaa waa kii u gu weynaa oo waayadan soo mara suu qa oo marar badan ooh ore sidan oo ka le uu dab uga kacay, hasse ahaatee kii habeen hore waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaarnaa oo waayadan aan arko’’ ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii habeen hore ku kaa cay markii ay ka war helleen warka ku saabsan dabka qabsaday suuqa.

Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay la ga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa la ga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka. Ilaa iyo hadda lama oga khasaa raha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo. Suuqa Bakaaraha. Waa xuddu nta dhaqa alaha Soomaaliya, hantida ta allana waxay u dhiganta balayiin dollar.

FAAHFAAHIN KA SOO BAXAYSA DAD KU DHAAWACMAY MUXAADARO LAGU QABAN AYAY MAGAALADA MUQDISHO

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheer aad ah oo ku saabsan dad ku dhaawa cmay muxaadaro lagu waday in gelinkii dambe ee shalay ay ka dhacdo Hotel ku yaal magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Ke nyawi ayaa la qorsheeyay inuu ku qabto muxaadaro hotel Sahal oo ku yaal M/ Muqdisho,hase yeeshee waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii kumanaan ruux ay yimaadeen goobtoo ay ka dhici lahayd muxaadarada.

Saddex dumar ah oo ka mid ahaa dadkii u yimid inay dhagaystaan muxaadarada ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu rasaas furay mid kamid ah ilaalada hotelka ay ku dhacday.

Dadkan ku dhaawacmay hotel Sahal ayaa la dhigey isbitaalada Muqdisho halkaa oo lagu daweynayo waxaana dib loo dhigey muxaadaradii lagu waday in uu Sheekh Kenyawi uu qaban lahaa.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in muxaadaradaas ay shalay ka baaqato,isla markaana dadkii uu ugu talo galay dad ka badan ay goobta yima adeen taas oo keentay in isbuur asho iyo buuq ay meesha ka dhacdo.

ODAYAAL KASOO HORJEESTAY HESHIISIIN TA LABA BEELOOD OO XABSIGA LA DHIGAY

Maamulka HirShabeelle ayaa ka had lay Odayaal ay dhawaan ku xireen dee gaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo la sheegay inay ka soo horjeesteen heshiis la dhex dhig ayay 2 Maleeshiyo beeleed.

Afhayeenka Maamulka HirShabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in weli Odayaasha ay xiran yihin,isla markaana colaadii labada beeleed u dhaxeysay ay ku baxeen Xildhibaano ka tirsan Maam ulka HirShabeelle iyo Guddoomiyaha G/Sh/ dhexe. Odayaasha ayuu sheegay in xarigooda xal loo arkay dhawaana las oo geba gabeyn doono dagaalka u dhax eeya 2da maleesheeyo beeleed. Sidoo kale Afhayeenka Maamulka HirShab eelle Daa’uud Xaaji Ciro oo wareysi sii yay Warbaahinta Dalsan ayaa wax auu ka hadlay xaalada amni ee M/Jowhar iyo Shaqaaqooyin dhawaan Magaaladaas ka dhacay.

M/HirShabeelle ayaa Odayaashaas ka soo xir xiray tuulooyin hoostaga degma da Warsheekh ee G/Sh/Dhexe,waxaana mas’uuliyiinta Maamulka ay ku eedeey een inay kasoo horjeedeen heshiisiinta 2 beelood oo dagaalamay.

SHEEKH KENYAAWI OO KA HADLAY MUXA ADARADII DADKA KU DHAAWACMEEN

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa ka hadlay kulankii muxa adarada ahaa ee Shalay uu ku qaban lahaa Hoolka Sahal taas oo dib u dhac day kadib markii dad ka badan Hoolka ay goobta muxaadarada tageen.

Isbuurashada dadka aawgeed ayaa Ciidamada ilaalada ka ah Hoolka Sahal rasaas ku fureen dadka Shacabka ah, waxana la xaqiijiyay in ilaa Saddex Ruux ay ku dhaawacmeen rasaastaas ay fure en ilaalada Hoolka Sahal.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in muxaadaradaas ay Gal abta ka baaqato,isla markaana dadkii uu ugu talo galay dad ka badan ay goobta yimaadeen taas oo keentay in isbu urahso iyo buuq ay meesha ka dhacdo.

Waxa uu Alle uga baryay in uu caaf imaad siiyo Saddex Gabdhood oo uu dhaawac soo gaaray,waxana uu shee gay in dhawaan,isaga oo kaashanaya M/G/Banaadir uu shaacin doono Goob ka weyn hoolka Sahal ee Muxaadaro la gu qabanayo. Laga soo bilaabo Isgoy ska Soobe ilaa Hoolka Sahal oo ku yaa lla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aa danCadde ayaa waxaa Shalay buux dhaafiyay Boqolaal Ruux oo doon ayay inay Muxaadaradaas dhageysta an,hayeeshee aysan u suurtagelin.

Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id ee uu Qabtay Sheekh Maxamed Sheekh ibraa him Kenyawi.

XULUFADA MAREYKANKA OO BILLAABAY INAY KASOO BAXAAN SUURIYA

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaa miyo ee dagaalka kula jira kooxda Daa cish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu shalay sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syuuriya u jooga inay ciida mada Kurdishka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

"Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Suuriya. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

AQALKA SARE OO SOO XIRAY KALFADHIGI ISA 4AAD, IYADOO UU HAKADAY WADA SHAQEYNTII GOLAHA SHACABKA

Aqalka Sare ee Baarlamaanka FS ayaa soo xiray kalfadhigiisii afaraad ee soo socday, waxaana kalfadhiga lagu soo xiray qoraal ka soo baxay Guddoo miyaha Golaha. Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ca bdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4aad uu xirmay, isagoo xusay in 10ka bisha Maarso uu dib u furmi do ono Kalfadhiga.

Go’aanka loo cuskaday soo xirida Kal fadhigan ayaa kala ah qodobada 74aad iyo 23aad ee Dastuurka KMG, kaasoo dhigaya in Golaha uu sanadkasta yeel anayo labo Kalfadhi, isla markaana mid kasta uu socon doono muddo afar bil.

Kalfadhiga 4aad ee Golaha Aqalka Sare ayaa soo gabagaboobay, iyadoo uu hak aday xiriirkii iyo wada shaqeyntii u dhax eysay Golaha Shacabka, waxaana Aqal ka Sare uu eedeymo u soo jeediyay Gol aha Shacabka oo ku saabsan in awood ihii dalka ee sharci dejinta iyo xiriirkii dib adda uu isku koobay.

DIYAARADDA DRONES AH OO QARXISAY SALDHIG AY LEEYIHIIN MILITARIGA YEMEN

Diyaarad aanan duliye wadin ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Yemen, waxa ana la rumeysan yahay in diyaaradda ay soo direen maleeshiyaadka Xuuthiiyiin ta. Waxaa lagu soo warramaya in lix as kari ay ku dhinteen duqeynta Droneska.

Diyaaradda ayaa ku qaraxday saldhi gga Al Anad oo ku yaalla gobolka koonf urta dhaca ee Lahj, halkaas oo ay taliye yaasha ciidamada ay daawanayeen ga ado ka ciyaar ay soo bandhigayeen ciida mada.

Saraakiisha caafimaadka waxay ku soo warramayaan in kuxigeenka milita ryiga Jeneraal Saalix Al Zindaan iyo bar asaabka gobolka Lahj, Axmed Al Turki ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarka. Telefishinka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta wuxuu ku warramay inay ba rtilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan isbaheysiga dagaalka kula jiro iyaga oo uu Sucuudiga hoggaamiyo.

GEN,XASAN SHUUTE OO SHEEGAY IN DAACISH AY KA HELIS BADAN YIHIIN ALSHABAAB!!!

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidam adda Qalabka Sida ee DFSoomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo shalay la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlayay kiisaska ay Maxakamdda qabatay iyo cid halista badan Alshaba ab iyo Daacish. Waxa uu sheegay in sa nadkii la soo dhaafay kiisaska ugu bad naa ee la keenay maxkmaddu ay yihiin kuwa ku saabsan shabaab iyo daacish islamarkaana ay go’aan ka gaartay maxkamaddu.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Daac ish ay ka halis badan yihiin marka loo ee go alshabaab sababta arintaasi keentay ayuu ku micneeyay inay tahay in daa cish ay iskugu mid tahay shacabka soo maaliyeed ee aan waxba galabsan iyo alshabaab ayna banaantahay daadinta dhiigooda sida uu hadalka u dhigay.

XILKA QAADIS LAGU SAMEEYEY GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GUDDIGA DOORA SHOOYINKA QARANKA

Guddiga Madaxabannaan ee doora shooyinka Qaranka ayaa xilka ka qa aday Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sayid Cali Sheekh Maxamed isla mar ah aanta ka saaray xubinnimada. Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa la aasaasay April 2, 2015.

Go’aankan cayrinta xubinta guddiga ayaa ah kii u horreeyey guddigu ku qaa do xubin ka tirsan.

MUGABE OO BOORSO LACAG AH LAGA XADAY

Saddex qof ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dal kaas, Robert Mugabe.

Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gaw aari, guryo, iyo xoolo nool.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalk aas, mid kamid ah qaraabada madaxwe ynihii hore, oo lagu magacaabo Consta ntia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysane yaasha.

Waxaa la sheegay in ay haysay furayaa sha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasim adda ah ee Harare, ayadoo tuugada kal ena u fududaysay in ay gurigaas galaan.

Dadka kale ee la tuhunsan yahay ay aa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacay say, taas oo la sheegay in ay dhacday in tii u dhaxaysay 1dii bishii December ilaa horraantii January.

TIRADA DADKA BARAKACAYAASHA AH EE KU SUGAN MUQDISHO OO LA SHAACIYAY

Duqa Muqdisho ahna GGBanaadir Md.C/maan Cumar Cusmaan (Eng. Yar isow) ayaa la kulmay Wasiirka Gargaar ka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamza Siciid Xamza, iyadoo ay ka wada hadle en sidii xalwaara loogu heli lahaa Barak acayaasha ku nool gudaha iyo daafaha Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maa mulka GB/dir uu ahmiyad gaar ah siiyey xaluhelidda dadka barakacayaasha oo in ka badan shan boqol oo kun ay ku su gan yihiin Caasimadda, iyadoo aragtida fog ee maamulka ay tahay in muddo 4sa no gudahood ah dhammaan xeryaha bar akacayaasha la xiro oo shaqsi walba loo helo xal uu ku dhexgalo bulshada ama uu deegaankiisa dib ugu laabto.

Eng. Yarisow oo warbixin siinayey Wasi irka Gargaarka ayaa sheegay in Maamul kiisu uu ka shaqaynayo sidii ay wadajir u gu wajihi lahaayeen xaluhelidda Barak cayaasha, isla markaana loo baahan ya hay wadashaqayn dhow in laga yeesho.

Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Mudane Xamza Maxamed Xamza ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wa dashaqaynta iyo iskaashiga ay la leey ihiin, isagoo tilmaamay in wadajir looga shaqayn doono sidii xalwaaa loogu sam eyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee Bar akacayaasha ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb gal ay Xoghayaha Guud ee Gobolka Bana adir Md.Cumar C/saaq Xuseen iyo masu uliyiin ka socday W/Gargaarka iyo Musi ibooyinka XFS

SOMALILAND OO U JAWABTAY MADAXWEY NAHA CUSUB EE PUNTLAND

Iyadoo dhawaan maamulka Puntland ay doorteyn Madaxweyne iyo Madaxwey ne ku xigeenka maamulkaasi majaraha u qaban lahaa Shanta sano ee soo soc oto ayaa waxaa durbadiiba soo baxaya eedeymo Somaliland ay u jeedinayso Puntland.

Madaxweynaha csusub ee maamu lka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay aa wareysi uuu dhawaan siiyaay BBC’da ayuu ku sheegay dhulka ay ku dagaal ay aan Somaliland iyo Puntland ay si sharci ah u leeyihiin Puntland. Waxaa hadalkaa si ka jawaabay So maliland oo iyana dha nkeeda sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynaha cusub ee Pu ntland uu doonayo in coolada kala dhex eyso Somaliland uu sii huriyo.

"Waxaan is leheyn madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland, wuu ka duwanyahay midkii hore, laakiin kama aynan fileyn in uu sidii midkii ka horee yay uu isagana colaad u doonayo” sida asi waxaa shalay magaalada Hargaysa ka sheegay wasiirka Biyaha Somaliland Saleemaan Cali Kore.

Waxa ay u muuqataa in weli wax xal ah aanan loo heynin dagaalada soo laablaa btay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Punt land.

MUWAADIN SOOMAALIYEED OO LOO XUK MIYEY MALAAYIIN SHILLINKA KENYA

Maxkamadda The Admiralty Court ee u xilsaaran Dacwadaha dhanka Bad da ee ku taalla magaalladda Mombasa ee dalka kenya waxay xukumisay in 10million oo Shillinka Kenya magdhow ah aan loo siiyo MilkiilahaMarkabka Kallu umeysiga lagu magacaabo MV Nasiibu, kaasi oo labadii sanno ugu dambaysay ku xayirnaa Dekedda magaalladda Kilifi ee dalkaasi.

Garsoore NAJOKI MAWANGI oo ka tirsan Maxkamadda The Admiralty Court waxay u xukmisay Milkiilaha Markabk aasi, Muumin Cali Muumin lacag dhan 10million iyo 290kun ee shillinka Kenya iyo in lagu soo wareejiyo Markabkiisa oo lagu hayo Dekedda magaalladda Kilifi ee dalkaasi.

Garsoore NAJOKI MAWANGI waxay amartay inuu kharajkaasi bixin do ono Ganacsade Kenyan ah oo lagu mag icaabo Jamaal Maxamed Bandiira, kaasi oo horey u kireystay Markabkaasi oo Shixnadaha Xamuulka ee laga soo qa ado Dekedda magaalladda Kismaayo u soo daabuli jirey Dekedda magaalladdaMombasa.

Milkiile Muumin Cali Muumin waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in Ma rkabkiisa si sharcidarro ah loo xayiray, taasina ay keentay inuu khpasaaro Dakhli dhanmalaayiin Shillinka Kenya iyo inuu khasaaro soo gaaro Mishiinka Mar kabkiisa.

Waxa uu ku eedeeyey Ganacsade Ja maal Maxamed Bandiira mas’uuliyadda khasaarahaasi iyo inuu Markabka cillad oobo xilli uu Markabka Shixnad laga soo qaaday Dekedda Kismaayo uu u waday Dekedda Mombasa. Sidoo kale, Gnaac sade Jamaal Maxamed Bandiiro waxa uu buuxiyey Fayldacwo Qaansheegto ah oo uu ku sheegtay 720,000 oo Shilli nka Kenya oo uu ku dooday inuu ku kha raj gareeyey Shaqaalaha Markabka oo weli ku jira Xabsiga, qalabka Dayaxtirka, Shidaalka, Cuntada iyo lacago caddaan oo la isticmaalay muddadii u dhexeysay bishii August 23dii ee sannadkii 2016kii ilaa bishii Maarso 22dii ee sannadkii 2017kii.

WAR CUSUB OO LAGA SOO SAARAY TACAD IYADII BAYDHABO

Guddi is xilqaamay oo u ololeeya ca daalad u helista dibadbaxaayaashii ku geriyooday dibad baxyadii Baydhaba, ka na kooban Siyaasiyiin, Suxufiyiin, Wax garad, Ganacsato, iyo Bulshada Ray idka ayaa waxa ay warqad cabasho ah u direen Wakiilada wadamada reer Galbe edka ee Soomaaliya u joogo, Xafiiska UNSOM, iyo Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Waxaana warqadooda ay u qorneyd sidatan:

"Anaga oo ah guddi is xilqaamay oo caa dalad u raadinaya dibadbaxayaashii ku geeriyooday Baydhabo, waxaan warqa daan idiinkugu soo qornay in aan idiin muujino sida aan kaga xunahay warqa da kasoo baxday Xafiiska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda markay aheyd 5’ta Bishaan Janaayo ta asi oo lagu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baara geerida dibaxbayaa shii ku geeriyooday Baydhaba, kuwaasi oo ku geeriyooday gacanta Ciidamada Booliska DFS iyo Booliska K/Galbeed, waa lagama maarmaan in cadaalada la soo taago kuwii dilay dibadbaxaayaashii Baydhabo intii u dhaxeysay 13 ilaa 15 bi shii December ee sanadkii tagay, waxaa sidoo la dhaawacay dad badan oo ban aanbaxayaashaasi kamid ahaa iyadoo sidoo kale la xiray dad kale oo aanan waxba galabsan”.

Waxa kale oo ay warkooda kusii dar eyn "Gudigaasi loo magacaabay xaqiiqa raadinta waxaa hubaal ah in ay yihiin ku wii ka dambeeyay ama wax ka ogaa dha cdadaasi foosha xumeyd ee lagu xasu uqay dibadbaxayaashi lagu dilay Baydh aba,”. "Wadamada Deeqda siiya Sooma aliya waxaan u sheegaynaa in deeqdoo da loo adeegsado dilka iyo dhaawicida dad aanan waxba galabsan”

Waxa ayna ugu dambeyan deeq bixiyaa yasha Soomaaliya taageera ka codsad eyn in ” Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ka weydiiyaan sida ay ku dhac day dhacdadaasi foosha xun”.

DOWLADDA BRITAIN OO TEEGEERO CUSUB SIINEYSA HOWLGALKA AMISOM

Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay Dibudhis ku samayn doonaan Sa ldhigyadda hore ee Hawlgalladda, si loo xaqiijiyo Ammaanka iyo Badqabka Ciid danka AMISOM. Kulan looga hadlayey Dibucasriyeynta iyo sida lagu taageeri karo Ciiddanka AMISOM ee hawlgalada ka wada goobahaasi iyo Qiimaha Loojis tikada ayey yeesheen Saraakiisha Talis ka AMISOM.

Madaxa AMISOM ugu qaabilsan Taa geerada Hawlgallada, Jeneral FIDZA DULUDULU o oka hadlay Kulankaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa tilmaamay in Cabsida taagan dhamaan doonto, isla markaana ay doonayaan in Badbaadin Wanaagsan helaan Ciiddan ka AMISOM ee ku sugan Jiidda Hore ee Dagaalka.

Jeneralka waxa kale oo uu sheegay in Dibudhiskaasi qeyb ka tahay Qorshaha Xilliga Kalaguurka ee Somalia, iyado ola filayo in 1,000 ka mid ah Askarta AMISOM la dhimi doono sannadkan.

Dhinaca kale, Khubaro ka socota Milliteriga Britain ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay inay kaalin taageero ka geysan doonaan Dibudhiska Saldhigy ada AMISOM ee ku yaalla Goballadda ay ka hawlgalaan.

QARAMADA MIDOOBAY OO CAYRISAY SHAQAALE BADAN

Hay’adaha Qmidoobay ee jooga xera da Dhdhaab ee dalka Kenya ayaa boqol aal shaqaale ah kala diray dhowaan.

Dadkan ayaa loo sheegay in dhaqaale darro ay soo food saartay hay’adaha, oo aysan deeq bixiyeyaasha ka helin tag eeraddii ay uga baahnaayeen.

Shaqaalahaani oo Soomaali u badan ay aa waxa ay ka kala shaqeynayeen sha qooyin isugu jiray Macalinimo iyo kuwo kale oo arrimaha Nadaafada ka shaqee nayay.

Ku dhawaad 230 Macalimiin iyo boqol kale oo ka shaqeyn jiray howlaha Nadaafada xerada qaxootiga Dhadhaab ayey Qaramada Midoobay u sheegtay in gebi ahaanba ay iska fasaxday oo aysan u heyn mushaar ay ugu shaqeeyaan.

DUQA MUQDISHO OO GURIGEEDA KU WAREEJIYAY MAANO MAXAMED OO GURIGEEDA SI SHARCI DARRO LOOGA HEYSTAY

Guddoomiyaha G/banaadir ahna Du qa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cus ma an(Eng. Yarisow) ayaa Maano Maxam ed Caamir oo ah Muwaadin Soomaaliy eed oo si sharci darro ah looga haystay gurigeeda ku wareejiyey oo ku yaalla degmada Shibis.

Guddoomiye Yarisow ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo ban dhigay oo soo maray heerarka kala duw an, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furaya asha gurigeeda.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Ma amulka Gobolka Banaadir ay ka go’an ta hay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bu lshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xadgudubto hantida muwaadiniinta. Sidoo kale, waxuu digni in u jeediyey dadka ku dacwoonaya shar ciyada been abuurka ah ee ku bane ysanaya hantida dadka masaakiinta ah in tallaabo adag ay mudan doonaan, gac anta sharciguna gaari doonto.

"Marna ma aqbalayno in Muwaadi ini inta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog u ga haystaan dad ku dacwoonayo sha rciyo been abuur ah, Maamuulka Gobo lka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”.

Maano Maxamed Caamir ayaa uga m ahad celisay Madaxda Qaranka iyo Gud doomiye Eng. Yarisow soo celinta gurig eeda oo muddo badan ka maqnaa.

Wareejin Guri

QM OO KU BAAQDAY XASILOONI KADDIB MARKII LAGU MURMAY DOORASHADA DRC

Xoghayaha guud ee Q.Midoobey Antonio Guterres ayaa ka codsaday dhin acyada dalka Jamhuuriyadda Dimuqra adiga ee Congo inay ku dadaalaan na badda iyo xasiloonida dalkaasi kaddib markii lagu murmay natiijada kasoo bax day guddiga doorashooyinka.

Xoghayaha guud ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya doorashada JD ee Congo in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab waafaqasan sharciga iyo dast uurka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay QM oo lagu magic aabo Stephane Dujarric ayaa soo saa ray bayaanka kasoo baxay Antonio Gute rres. Natiijada horudhac ah ay shaaci yeen guddiga doorashada Jamhuuriyad da Dimuqraadiga ee Congo ayaa waxaa ku horreyaa Felix Tshisekedi oo ah hogg aamiyaha xisbiga mucaaradka.

Natiijadan waxaa ka horyimid ninka sida weyn uu loolanka uga dhexeeyay Martin Fayulu oo sheegay ‘in lagu afgembiyay doorashada’.

RA'IISUL WASAARAHA OO MAGACAABAY GDDIGA BADBAADINTA IYO SOO CELINTA HANTIDA QARAN

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Ha ntida Qaranka, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa. Guddiga Badbaadin ta iyo soo celinta Hantida Qaran ayaa ka kooban 11 xubnood oo isugu jira 8 Wa siir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hanti Dhowraha Guud iyo Xeer Ilaali yaha Qaranka.

Guddigan ayaa la faray in la joojiyay bixinta iyo iibinta dhulalka dowladda, in aan la oran karin in laga maarmay dhul dowladeed, isla markaana hey’addii ka maaranta dhul dowladeed ay keento Go laha Wasiirada.

Sidoo kale waxaa la faray in aan la kireyn karin dhul dowladeed, iyadoo aan loo marin habraaca sharciga iyo in aan Gaadiidka dowladda la wareejin karin.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:



MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKII U HOREEY AY EE GOLAHA WASIIRADA

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid C/llaahi Maxamed Deni ayaa markii u horeyay shalay shir gudo omiyay shirka Golaha Wasiirada Puntla nd, kaasoo qabsooma toodbaadkiiba maalinta Khamiista.

Madaxweyne Deni waxaa shirka ku wehlinayay Kuxgeenkiisa koowaad Axm ed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana Warbixino loogu dhageystay Wasiirada Puntland, taasoo la xiriirta sidii shaqada u socon leheyd, maadaama lagu jiro xilli guur. Kulanka Golaha Wasiirada ee ma anta waxaa sidoo kale ka soo muuqday Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar (Cameey), kuwaa soo ku haray wareegii Koowaad ee door ashada dhacday maalintii Talaadadii 8dii bishan.

Gaas iyo Cameey ayaa Wasiirada ka dalbaday inay la shaqeeyaan Hogga anka cusub ee Puntland, iyagoo dhank ooda mar kale ku celiyay iney garab taaganyihiin Siciid Deni. Si kastaba, Mad axweynaha cusub ee Maamulka Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saac ado yar kaddib doorashadiisa, xannib aad ku soo rogay dhammaan Kharasha adka dowladda ee ku kaydsan bankiga dhexe iyo xisaabaadka ay dowladda Puntland ku leedahay xawaaladaha gaar ka loo leeyahay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxw eynaha oo lagula socodsiiyay wasaarad da maaliyadda, bangiga dhexe ee dow ladda,xisaabiyaha guud ee Puntland iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu amray in aan wax kharash ah laga saari karin, dhammaan akoonada dowla dda laga bilaabo Talaadada Toodbaad kan oo eheyd maalintii doorashada.

MA DHAB BAA IN XOGHAYAHA DIFAACA UK UU BAAJIYAY BOOQASHO UU MUQDISHO KU IMAAN LAHAA?

Sida uu daabacay wargeyska Caanka ah ee kasoo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo Independent kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkaasi, waxaa booqasho uu Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho uu ku imaan lahaa baajiyay xoghaayaha Difaaca dalka Britain.

Gavin Williamson xoghaaya difaaca dalka Britain ayaa todobaadkii tagay booqashao aan hori loo sii shaacin ku tagay Magaalada Hargaysa ee Xarunta u ah Somaliland, waxa uuna la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay arrimo.

Gavin ayaa Wargeyska The Independent waxa uu baahiyay in uu doonayay markii hore in booqasho uu k tago Muqdisho balse uu booqashadiisa u weeciyay Somaliland, waxa ayna sababaha uu sidaasi u sameeyay ay ku sheegeen, ceyrinta ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe Soomaaliya u joogay Mr heysom ay ceyrisay dowladda Soomaaliya iyo tacadiyadii ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Dowladda Fransiiska ayaa iyadu kol sii horeysay ka hadashay in ay ka xuntahay ceyrinta Heysom balse Britain weli wax war ah kama aysan soo saarin, walloow dadka siyaasada ka faalooda ay booqashada Xoghaaye Gavin uu ku tagay Hargaysa ay ku micneenayaan in wax xoogaa aysan ku faraxsanayen go’aanka dowladda Soomaaliya ee lagu ceyriyay Nicholas Heysom.

Ilaa iyo haatan dowladda Britain kama aysan hadal hadii xoghayahooda difaaca uu markii horeba doonyay in uu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip