Qoraal iyo Guddi aan madax iyo Mijo midna lahayn ee ka soo baxay Xafiiska RW

0
Friday January 11, 2019 - 23:50:10 in Wararka by
  • Visits: 854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoraal iyo Guddi aan madax iyo Mijo midna lahayn ee ka soo baxay Xafiiska RW

    Waa arin fiican, waa mid lagu farxo, Waa mid mudan in lasoo dhaweeyo guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka uu RW DFS magacaabay. In guddi u howl galo ilaalinta iyo soo celinta Hantida Qaranka waa mid la sugaayay, waana abshir in maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa arin fiican, waa mid lagu farxo, Waa mid mudan in lasoo dhaweeyo guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka uu RW DFS magacaabay. In guddi u howl galo ilaalinta iyo soo celinta Hantida Qaranka waa mid la sugaayay, waana abshir in maanta lasoo hadal qaado. Hase yeeshay Waddanka marxalado kala duwan ayuu soo maray oo aana indhaha laga qabsan karin, kuwaasoo sabab u noqdeen in Waddanka guud ahaantiis uu isbadal xoogan ku yimaado, gaar ahaana Caasimadda Muqdisho.

Mowduuca soo celinta iyo badbaadada hantida Qaranka maaha wax sahlan oo waqti gaaban lagu xalin karo, waa mid u baahan in marka hore daraasad dheer lagu sameeyo, waa mid u baahan in qarash culus la geliyo, ma mid u baahan in Maxkamad iyo garsoorayaal u gaar ah loo sameeyo, waa in Dowladda miisaaniyad culus ugu tala gashaa dib u dhiskooda dib u habeentooda iyo in badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Arintaan waa mid culus u baahan barnaamij cad oo si aqoon ku dhisan looga soo shaqeeyay, loona xil saaro dad aqoon iyo qibrad u leh.


Xubnaha loo magacaabay Guddigaan waa shaqsiyaad aan aqoon iyo karti midna u lahayn arin leh muhiimad aad u wayn sida soo celinta hantida Qaranka.

Qoraal iyo Guddi aan madax iyo Mijo midna lahayn ee ka soo baxay Xafiiska RW

Midda kale dhamaan shaqsiyaadkaan xubinta ka ah guddigaan waa shaqaale Dowladeed oo aad ugu xiran Xafiiska RW, badina ah gurbajoog aan war u hayn waxa uu Waddanka soo maray.Ma jirto wax wada tashi oo lala yeeshay waxgaradkii, ganacsatadii iyo intii Arintaan ku lug leh.

Waa wax lala yaabo in qoraal noocaano kale oo aan laga barandegin in la soo saaro oo bulshada lagu jah wareeriyo.
Qoraalkaan xafiiska RW laga soo saaray waxaan u aragnaa mid ii dheh ah, mid borobagaan ah, mid si qaab Darren lagu raadinayo kalsoonida shacabka.
Waa qoraal ku marag furayo aqoon darrada iyo siyaasad xumada qar iska turka ah ee ka jirto xafiiska RW.

Dott. Abuukar Nuur Xuseyn

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip