Faahfaahin ka soo baxaysa dad ku dhaawacmay muxaadaro lagu qabanayay magaalada Muqdisho

0
Friday January 11, 2019 - 21:44:16 in Wararka by
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ka soo baxaysa dad ku dhaawacmay muxaadaro lagu qabanayay magaalada Muqdisho

    Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dad ku dhaawacmay muxaadaro lagu waday in gelinkii dambe ee maanta ay ka dhacdo Hotel ku yaal magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa la qorsheeyay inuu ku qabto muxaadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dad ku dhaawacmay muxaadaro lagu waday in gelinkii dambe ee maanta ay ka dhacdo Hotel ku yaal magaalada Muqdisho. Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa la qorsheeyay inuu ku qabto muxaadaro hotel Sahal oo ku yaal magaalada Muqdisho,hase yeeshee waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii kumanaan ruux ay yimaadeen goobtoo ay ka dhici lahayd muxaadarada.

Saddex dumar ah oo ka mid ahaa dadkii u yimid inay dhagaystaan muxaadarada ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu rasaas furay mid kamid ah ilaalada hotelka ay ku dhacday.

Dadkan ku dhaawacmay hotel Sahal ayaa la dhigey isbitaalada Muqdisho halkaa oo lagu daweynayo waxaana dib loo dhigey muxaadaradii lagu waday in uu Sheekh Kenyawi uu qaban lahaa.

Sheekh Maxamed Sheekh ibraahim Kenyawi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in muxaadaradaas ay galabta ka baaqato,isla markaana dadkii uu ugu talo galay dad ka badan ay goobta yimaadeen taas oo keentay in isbuurasho iyo buuq ay meesha ka dhacdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip