Xulufada Mareykanka oo billaabay inay kasoo baxaan Suuriya

0
Friday January 11, 2019 - 21:39:27 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulufada Mareykanka oo billaabay inay kasoo baxaan Suuriya

    Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Suuriya, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syuuriya u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

"Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Suuriya. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

Xulufada Mareykanka ee Kurdish-ka waqooyiga Suuriya ayaa ka cabsi qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay waddada u furi doonto weerar uu Turkiga muddo qorsheynayey inuu halkaas ku qaado.

Turkiga ayaa kooxaha Kurdish-ka Suuriya u arka inay halis amni ku yihiin.



La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa talaadadii sheegay in badbaadinta Kurdish-ka ay shuruud u tahay bixitaanka ciidamada Mareykanka, hadalkaas oo ka carreysiiyey madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, kaasi oo ku qeexay "qalad weyn.”

Hase yeeshee, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa khamiistii sheegay in hanjabaadda Turkiga aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha bixitaanka Mareykanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip